Muqdisho (Allpuntland)-Ciidamada Amaanka Dowladda koonfur Afrika ayaa gacanta ku dhigay hub tiro badan oo loo soo waday dalka Soomaaliya iyadoona gacanta lagu dhigay Shan qof oo Seddax ka mid ah dumar ay yihiin kuwaasi oo hubka la socday.
Boliiska Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in Howlgal ay sameeyeen Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika in ay ku soo qabteen hub dhan 308 qori gacmeed oo isugu jiray qoryaha diirada leh oo aan dhawaqooda la maqal iyo hub kale, waxaana sidoo kale mid ahaa hubka gacanta lagu dhigay 592 qasnadood oo rasaas ah.
Wararka ayaa sheegaya in hubka la qabtay ee loo waday Soomaaliya loo ku tala galay la dagaalanka Kooxaha Burcada Badeeda Soomaaliya hasa ahatee lama sheegin cida uu sida tooska ah hubka ugu socday.
Vincent Mdunge oo Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hubkaani laga keenay Jasiirada Malta hasa ahaatee wali ay wadaan baaritaano ku aadan ujeedada dhabta ah ee hubka iyo sidoo kale dalalka ay u dhasheen dadka hubka lagu qabtay.
Sidoo kale Afhayeenaan ka tirsan Boliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in Shanta qof ee ay gacanta ku hayaan islamarkaana 3 ka mid ah dumar yihiin lagu maxkamadeeyn doono Magaalada Pinetown Dalka Koonfur Afrika.
Xafiiska Warrka Allpuntland Muqdisho