Mar hadaan gurigeyga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tageynin
Iglan baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa
Weligey. gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaaloo
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa
Waligey gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go'aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha



