Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Diyaarado Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Cabs

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5186
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Diyaarado Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Cabs

Postby kaliil » Sun Jan 16, 2011 3:58 pm

Diyaarado Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Cabsi Xoog Leh Ku Beeray Dadweynaha Ku Nool Deegaanada Balli-gubadle Balli-cabane Iyo Gumar Oo Ka Tirsan Gobolka Hawd.


Hargeysa (Ramaas) Jan.16, 2011 - Diyaarado nooca dagaalka ah oo ku duulaya joog hoos, ayaa argagax ku riday dadka ku nool deegaamada Balli-gubadle, Balli-cabane iyo Gumar oo ka tirsan gobolka Hawd, kuwaas oo aan la garanayn cida iska leh iyo waxa ay raadinaynaan.

Diyaaradahan oo afar iyo laabankii saacadood ee ugu dambeeyay dul heehaabayeen Magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ee gobolkaas, ayaa waxaa ay saamayn ku yeesheen dad iyo duunyada, iyada oo ay cabsi hor leh soo food saartay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo iyagu si weyn u la yaaban diyaaradahan dhulka u soo dhawaanaya ee xoolaha ka didinaya.

Badhasaabka gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre oo arintan ka hadlay, ayaa sheegay inuu Magaalada Hargeysa si degdeg ah ugu yimid si uu xukumada Somaliland la socodsiiyo amuurtan, waxaana uu sheegay in ay diyaaradahani si isdaba joog ah oo aan hakad lahayn u dulmarayeen deegaanada gobolka Hawd, isla markaasna aanay ilaa hada fahmin ka maamul gobol ahaan ujeedada ka dambaysa duulimaadka diyaaradahan iyo waxa ay ka raadinayaan deegaanka gobolka Hawd ee soo galay.

Diyaaradahan dul heehaabaya deegaanada gobolkaas, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay daba yaaqadii todobaadkii hore ay laba habeen oo isku xigta ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sidan oo kale u dul heehaabayeen, kuwaasoo werwer cabsiyeed iyo seexanwaa ku riday bulshada reer Burco. Iyadoo wararka ka imanayey magaaladaasina ay sheegeen in hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka amaanka ee magaalada Burco lagu soo qabqabtay saddex nin oo laga shakiyey iyagoo lagu weeraray guryahooda.

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests