Dhallinyarta Koonfurta Magaalada Hargaysa Oo Baaq Ka Soo Saaray Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi Oo Maalintii Shalay Xabsiga Loo Taxaabay
(Hadhwanaagnews) Friday, January 21, 2011
Hargaysa (HWN):-Anigoo ah Dhallinyarada beesha Ciidagalle waxaan ka soo hor jeedaa xadhiga la ugala kacay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo aan loo adeegsan wax Sharci ah, isla markaana aan Waaran Maxkamadeed lagu xidhin.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Cuqaasha magaalada Hargaysa, waxaanu leenahay Xadhigiisu maaha mid Sharciya oo loo maray Wadadii Saxda ahayd, loomana hayo wax Caddayn ah oo la xidhiidha Xadhigiisa, marka laga yimaado Dhaliil iyo Toosin uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u diray, waana arrin lagu deg degay.
Xadhigaa wax cadayn ah ama wax buuran oo la taaban karo kaliya ay tahay madax weyne uu wax ka sheegay madaxwaynuhu kama duwana madaxwaynayaashii hore ee dalku soo maray ee wax laga sheegi jiray , waxaynu si cad u ognahay inuu madaxwaynuhu markuu ahaa mucaaradka inuu si cad wax uga sheegi jiray madaxwaynihii hore ee daahir riyaale kaahin isla markaana wax aan u qalmin waajibaadkiisaa iyo karaamadiisa ay asxabta mucaaradku kula kici jireen gaar ahaan xisbiga kulmiye oo uu hormuud u ahaan jiray madaxwaynaha imika talada haya axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).
Hada ba hadii ninkii kursiga gaadhaaba aanu cay waayeynin waxaanu leenahay kama duwana cayda siiranyo madaxwaynayaashii hore caydoodii mar haday sidaa tahay waxaanu leenahay madaxweyne siiranyo haka dhigin umada reer soomaaliland umad layli dhaansatay sidoo kale yey soo bixin xantii reerku ee ahayd fudaydka ,marhadaad umad madaxwayne u tahay waxa la doonayaa inaad wax badan ka tanaasusho .
Waakii lahaa gabayaagi waynaa ee sayid maxamed cabdila xasan (Gaf iyo laaxin googaale waa gun iyo caadkeede wu fahmaya ninkii indheer garato ahi hadalkaa iyo dulucduu daaran yahay.
Sidaa daraadeed waxaanu Madaxweyne kuleenahay hadii la is ficishado nusqaan iyo mandaro ka timaada mooyee sharafi ka dhalan mayso wanaagna laga gaadhi mayo xadhiga boqorka ee ogow siday umadi kuu soo dooratay aya loo soo dortay boqorka , milgahaa aanu ku siinay hadii lagaa waayo waxanu odhan sidii caadada ahayd habarjeclooy waa kaa muuse .
Hadaba baaqan waaxanu ku cadaynaynaa inaanu si cad uga soo horjeedno xadhiga boqor raabi yuusuf hadii aan si dagdag ah loo soo daynin waxanu u sheegayna xukuumada in wixii dhaca iyadu masuul ka tahay, sababtoo ah waakii lahaa gabayaagii saahid qamaan (Masaw aabahay iyo sidaan magan ka soo gaadhay , rag waxan kumaamuli aqaan ama ku maamuusi .masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye . masalaha ninkaan ii dhigayn midigta siinmaayo . ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho . sidaa daraadeed waxaanu si degdeg ah u rajaynaynaa inuu ku deeqo baaqayagaasi . Baaqa Dhallinyarta Beesha Ciida-galle ALLA MAHAD LEH
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo)
Hadhwanaag/office




