Xisbiyada UDUB iyo UCID oo si Kulul u Cambaareeyey Xadhiga Tifaftiraha Wargeyska Waaheen
SUNDAY, 23 JANUARY 2011
Hargeisa(TogdhNews)- Maxakamada Gobolka Hargaysa ayaa shalay xukun af-duub ah ku riday Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-banaan
ee Waaheen Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ka dib markii toddobaadadii la soo dhaafay ay Maxkakammada kaga socotay dacwad ka dhan ahi.
Xukunka Maxkammada Gobolka Hargeysa ayaa ahaa mid sii qorshaysnaa oo si aan kala go’ lahayn ay xukuumadda Siilaanyo dabada uga riixaysay xeer Illaalinta guud ee Qarankuna si badheedh ah oo aan libiqsi lahayn ugu taamaysay mudadii dacawadu socotay in Tifaftiraha Xabsiga loo taxaabo isla markaana ay Maxkammadu xayiraad ku soo rogto Wargeyska Madaxabanana ee Waaheen, iyadoo ka shidaal qaadanaysa awaamiir kaga imanayay Madaxda sar-sare ee Xukuumadda.
Xukun ku sheega ka dhan ka ah Wargeyska Waaheen ee ay shalay Maxkammada Gobolku ku dhawaaqday ayaa ahaa mid u dhignaa in 3 Sano oo Xadhig ah oo ay ku xukuntay Guddoomiyaha Wargeska iyo Ganaax lacageed oo dhan 6,000,000/= (Lix Malyuun oo Somaliland shilin ah).
Garsooraha Maxkammada ee dacwadan gacanta ku hayay Mr. Cali Suudi Diiriye oo deegaan ahaan ka soo jeeda bariga Magaalada Burco ayaa intii gaba-gabadii dacwada waydiiyay Guddoomiyaha Wargeyska Maxamuud Cabdi Jaamac wuxuu Maxkammada ka codsanayo, isagoo ugu jawaabay “Waxaan Maxkammada sharafta leh ka codsanayaa in ay Cadaaladda iyo xaq-soorka ilaaliso, isla markaana ka fogaato faro-gelin kasta oo Maxkammada la soo gudboonaato, sidii xukuumadda cusubi balan-qaadayna uu garsoorku Madax-banaanaado”, balse nasiib daro taasi may dhicin, isagoo ku dhawaaqay xukunkii ay damacsanayd Xeer Ilaalintu, isagoo akhriyay qoraal dheer oo la mid ah kii xeer Illaalinta u soo gudbisay Maxkammada,
Xadhiga Guddomiyaha Wargeyska Waaheen ayaa yimid ka dib markii qoraalo, codad maqal iyo muuqaal lehba oo cadaymo u ah dacwada loo haysto uu soo hordhigay Garsooraha Maxkammada kuwaasi oo uu iskaga difaacay eedaymaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo dhinaca iyo Maareeyaha Xooga korantada Somaliland oo isaguna dhinac ah, kuwaasoo Xeer ilaalinta u soo Gudbiyey Dacwado ka dhan ah wararka dhabta ah ee cadaymaha wata ee uu Wargeysku ummada u baahiyay Warsidaha Madaxbanaan ee uu Guddomiyaha ka yahay Maxamuud Cabdi Jaamac ,dacwadahaasi oo ay xeer ilaalinta Gobolka Hargaysa ka dhigatay Laba eedood oo dawliya, isla markaana mid kaliya laga dhigo Dacwadooda.
Qareenka Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo Markii Xukunka lagu dhawaaqay maxakamada ka sheegay in Xukunka uu rafcaan ka qaadanayo, oo aanu wax laga waydiiyay sida uu ula muuqdo Xukunka Maxakamadu ku dhawaaqayday ee ay ku xidhay Guddoomiyaha wargeyska Waaheen ayaa sheegay in Xukunkani baal marsanyahay shuruucda dalka u yaala iyo Xeerka saxaafada Somaliland, isla markaana uu Rafcaan Maxakamadeed ka qaatay, Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in Wariyaha la xidhay uu Maxakamada hor keenay Cadaymo la xidhiidha wararka u qoray ee loo haysto, kuwaasoo sida uu sheegay cadaymo ugu filan dacwada Maxakamada, balse aan la raacin ee Maxakamadu Xukunka iskaga dhawaaqaday.
Dacwada Guddomiyaha Wargeyska Waaheen ayaa mudadii ay socotay waxa uu dhiniciisa soo Bandhigay Cadaymo tiro badan iyo Markhaatiyo kala Duwan,kuwaasoo dhamaantood la xidhiidhay wararka laga qoray Masuuliyiinta, halka ay Xeer-ilaalintu cadaymo u soo qaadatay Jaraa’idkii uu warka ku qoray oo kaliya
Si kastaba ha ahaatee Xadhiga Mr. Xuuto ayaa ku soo Beegmay Xili ay Maxakamada Gobolka ay gacanta ku hayso Dacwado ka dhan Wargeysyada Madaxa Banaan ee Saxafi, Hargeisa Star, Ogaal, Yool iyo kuwa kale oo ay xeer illaalintu ku guda jirto siddii ay dacwad ugu soo oogi lahayd.
Xadhiga iyo hadidaada ay Xukuumaddu ku hayso Saxaafadda Xorta ah ee dalka ayaa Maalinba maalinta ka sii dambaysa isa soo taraya, taasi oo markhaati ma-doon u ah sida aanay Xukuumadda Siilaanyo ugu hoggaansanayn shuruucda dalka iyo xorriyatal qawlka, taasi badalkeedana ay caga-juglayn iyo cabsi galin xad dhaaf ah ku jawaabayso.
Dhinaca Kale, waxa Cambaarayn xoog leh u soo jeediyay Xukuumadda Siilaanyo Xisbiyada Siyaasadda ee UCID iyo UDUB, halka uu Xisbiga Kulmiye aanu wax dareen ah ka bixin xadhiga Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen.
Ugu horayn, Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Cod-yare ayaa sheegay in Xukuumadda Siilaanyo ay u tafo-xaydatay cabsi galinta iyo haddiddaada Warbaahinta xorta, isla markaana dacwado xidhiidh ah ay ku hayso Wargeysyada Hargeisa Star, Yool, Ogaal, iyo qaar kale oo ay ku hawlan tahay.
Mr. Cod-yare Af-hayeenka Xisbiga UCID wuxuu sheegay in Mr. Xuuto ay saaxiib dhow la ahayd Xukuumadda Kulmiye xilligii ay Mucaaridka ahayd waxaanu yidhi “Xukuumaddu waaa tii saaxiibka la ahayd Xuuto Markii ay Mucaaridka ahayd ma maanta oo ay talada dalka hayaan ayay la coloobeen”
Sidoo kale waxa isaguna wax laga xummaado ku tilmaamay Xadhiga Tifaftiraha Waaheen ku tilmaamay Guddoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Mr. Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) waxaanu tilmaamay in xilligii ay talada dalka hayeen aanay mar qudha dhicin in dacwado ka dhan ah afar hay’addood oo Warbaahinta Madaxa banaan ahi aanay waligeed dhinci, waxaanu u soo jeediyay xukuumadda in ay dul-qaad muujiso, isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi Talaabo “Beryahan dambe waxa soo kordhayey xoriyad ka qaadista Mawaadiniinta, cabsi gelin shaqaale iyo xadgudubyo kale oo kala duwan, annagoo iminka mudo badan eegaynay, iyadoo cabudhintii saxaafada ee ay nagu eedeyn jirtay dawladani markii ay Mucaaridka ahayd, annagu mudo badan ayaanu eegaynay hadda oo aanu arkaynay, sidoodiina inaanu u dhigno ma doonayno, waayo annagu waxaanu nahay Mucaarid wax dhisay, sidaasi awgeed wakhti baanu biirinaynay imikana waxay maraysaa in saxaafadii oo ugu horeeyo Waaheen iyo kuwii kale ee aanu anagu wax ku qori jirnay, aroor walba marka aanu wax ku qorno ayaa Maxakamada looga yeedhayaa, iyadoo qaarna halkoodii loogu habjabay oo aan waaranba loo soo goosanayn, taasoo cabudhin iyo Cabsi gelin noqotay, qaarkoodna Xukun degdeg ah lagu qaaday, iyadoo aan digniin iyo Qodobadii ay cuskanayeen aan la arag oo aan la tixgelin.
Waxa kale oo uu talaabo ka hadlay sida ay Warbaahintu xor u tahay “Maadaama oo kiiskan Wargeyska Waaheen Ambiil leeyahay, waxaanu leeyahay waxa cadaawad gaara loo qaaday wargeysyadii Mawduucyada Xaasaasiga ah ka hadlayey ee aanu annagu wax ku qori jirnay hadaanu UDUB nahay, sababtoo ah maadaama annaga saxaafaduba naga soo horjeeday mudo badan oo aad noogu lidi ahayd oo iyagu isticmaali jireen, markii ay dalka qabsadeen waxay saxaafada ku bilaabeen laaluush iyo Hanjabaad maragyadoodii la hayo, waxa la gaadhay in aan kuwii qaranka nalooga soo dayn wararkayagii oo aanu ka quusano, kuwii madaxbanaanaana in qaarkood la laaluusho,qaar la cabsi geliyo, qaarna lagu yidhaahdo intaanad warka sii dayn annaga na soo ogaysii oo waxaa iyo waxaa ka ilaali,inta iminka loo yeedhay ee YOOL,WAAHEEN, SAXAFI iyo HARGEISA STAR afar saxaafadood maxakamadku maanu wada saarin aanagu waligayo.
Intaas oo Jaraa’id oo Maanta kiis ku socdo oo qaarna la xukumay, markii aanu Qareenookoodii waraysanayna uu nagu yidhi Qodobadii aan cuskadayba lama soo qaadin ayaan tixgelin lahayn, iyadoo marka aanu eegno Xuquuqdii distooriga ahaa ee ay la haayeen iyo xiligii dawladani xukunka ay haysay iyo inta saxaafadood ee tahdiiday iyo inta ay laaluushtay sida aan horeba idiinku soo sheegay sidii aan sheegayey tilmaameheedii kuwo ka darani inay muuqdaan”.
Talaabo wuxuu ku tilmaamay Xukuumada Siilaanyo mid u muuqata Kacaankii Maxamed Siyaad Bare oo dhicis ah awood badana aan lahayn waxaanu yidhi “Markii ay Xukuumadu boqolkii cisho ee ugu horaysay soo bandhigtay waxaan idhi waa kacaankii oo dhicis ah oo aan Awoodii lahayn, waxaanad moodaa Faqashtii oo yar, markii aan asluubteeda , amuuraheeda, Hanuuninta iyo eedaynta Xukuumadii hore ee sida wacan ugu dhiibtay Xilka, waayo Kacaankiibaa shan sano caayey dawladii ina Cigaal iyo C/rashiida, iyadoo ina Cigaalna u xidhanyahay oo dawladiisii rawaxday, kolka markii aan eegay ficiladeeda Xukuumadan waxaan ku macneeyey kacaankii Afweyne oo dhicis ah, waxbaabay dheertahay shaqaalahan ay dareerinayso ayey dheertahay.
Marka Intaasoo Jaraa’ida Maanta kiis ku socdo oo qaarna la xukumay, markii aanu Qareenookoodii waraysanayna uu nagu yidhi Qodobadii aan cuskadayba lama soo qaadin ayaan tixgelin lahayn, iyadoo marka aanu eegno Xuquuqdii distooriga ahaa ee ay la haayeen iyo xiligii dawladani xukunka ay haysay iyo inta saxaafadood ee at tahdiiday iyo inta ay laaluushtay sida aan horeba idiinku soo sheegay tilmaameheedii kuwo ka darani inay muuqdaan”.



