Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland budget increased by 45% in 2011

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland budget increased by 45% in 2011

Postby The_Emperior5 » Tue Jan 25, 2011 12:42 pm

Somaliland budget increased by 45% in 2011 compare to 2010


Maaliyadda Oo G. Wasiirrada u Gudbisay Miisaaniyad Ka Badan 45% Tii Kal Hore
January 24th, 2011

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa shalay golaha wasiirrada u gudbisay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2011 ee xukuumadda dhexe, kaas oo sida la sheegay miisaaniyaddii sannadkii hore ka badan 45% .

Ma jiro war rasmi ah oo wasaaradda maaliyaddu ay ka soo saartay tafaasiisha odoroska miisaaniyadda, hase yeeshee, ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in shalay wasaaraddu u gudbisay golaha wasiirrada, si ay u guda-galaan ansixinta miisaaniyadda, kadibna loo gudbiyo maalmaha soo socda aqalka Wakiillada.

Miisaaniyaddan ayaa la sheegay in ay miisaaniyd sannadeedkii hore ka badan tahay boqolkiiba shan iyo afartan iyada oo aanay jirin wax cashuuro ah oo xukuumadda cusubi ay kordhisay.

Miisaaniyaddan ayaa xooga saartay mushahar kordhinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamada oo loo kordhiyay 100 %, (Boqolkiiba boqol), waxa mushahaarooyin loo qoray 1500 oo macalin, 400 iyo dheeraad ka mida hawl wadeenada caafimaadka iyo shaqaale badan oo loo qoray wasaaradda diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay jiraan qaar kamida Hay’adaha dawliga ah ee uu madaxwaynuhu curiyay aasaaskooda, oo loo qoray shaqaale kala duwan, sida Hay’adaha maamul wanaaga iyo ilaalinta tayada agabka.

Wasaaradda ayaa odorosaysa in lacagtan ay kordhiyeen ka soo bixi doonto cashuurihii ku baaqan jiray ganacsatada waawayn, sida shirkadaha isgaadhsiinta, xawaalada iyo maal-qabeenada.

Miisaaniyaddan ayaa ka duwan miisaaniyadihii hore, waxaanay noqonaysaa guul wayn oo u soo hoyatay wasaaradda maaliyadda oo kordhisay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada, iyada oo aanay jirin cashuuro lagu kordhiyay dadwaynaha.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests