Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somalia.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somalia.

Postby The_Emperior5 » Wed Jan 26, 2011 4:01 pm

Image

its on hadhwanaag listen to it

Yusuf garaad asked him many questions Ibrahim meygaag wa rugcada siyasi former Minister in the begin 70s and Ambassador to germany late 70s begin 80s. High ranking SNM leader from 1982 till 1991.
Last edited by The_Emperior5 on Wed Jan 26, 2011 4:16 pm, edited 1 time in total.

User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby HooBariiska » Wed Jan 26, 2011 4:12 pm

Ths guy was part of the snm? waligayba wallahi faqash baan u haystay :shock:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby The_Emperior5 » Wed Jan 26, 2011 4:14 pm

he was one of the earliest guys who joined SNM he even set up Golaha dhexe eeh SNM maybe your confusing him with some one else

[youtube]X9fNqOPO7mI&feature=related[/youtube]

User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby Madelina » Wed Jan 26, 2011 5:20 pm

I know Ibrahim Meygag very well, he's a decent, respectful & patriotic man who stood up for his people & country when they needed him the most :up:

User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby Cirwaaq » Thu Jan 27, 2011 8:26 am

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan)

Is this guy Mr or it is just a nickname and if he is not is there a restriction against MR in Sland politics?

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby LiQaaye_TDH » Thu Jan 27, 2011 9:09 am

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan)

Is this guy Mr or it is just a nickname and if he is not is there a restriction against MR in Sland politics?
Just because he has their surname it dont mean his MR,.. This man is Habar jeclo, but as some people are saying his reer abti are Mareexan and he grew up with them in Moqadisho....

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Mujaheed Prof Ibrahim meygaag interview on S/land Somali

Postby The_Emperior5 » Thu Jan 27, 2011 1:27 pm

Somaliland wey ka Faa’iiday Burburkii Dawladdii Siyaad Barre oo Amaankeedii bay sugtay……” Muj Ibraahim Maygaag Samatar
“Somaliland Way Iska Noolaan Kartaa, Taiwan-ba Way Nooshahay,….Ninkii Daalayaa Ha Daalo, Kii Dagaalamayaa Ha Dagaalamo…”

Hargeysa (Waaheen) Shalay oo kale, 26-ka bisha January sanadkii 1991kii, muddo hadda laga joogo labaatan sano, ayaa kaligii taliyihii muddada dheer ka talinayay Somalila Maxamed Siyaad Barre jabhaddo hubaysan ay xukunkii ka tuureen oo uu isaga baxay xaruntii madaxtooyada ee astaanka u ahayn hogaaminta dalka.

Maxamed Siyaad Barre, ayaa dhowr iyo labaatan sano oo uu talada dalka hayay, wuxuu ku caanbaxay hal digteetarnimo

Hadaba Jabhaddii SNM ayaa Jabka ugu weyn baday iyadoo 27 May 1988 waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.
Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.
Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.
Hawl-galkaa is-miidaaminta ah ee ay ciidamadii ururka SNM ku soo galeen gudaha waxay ahayd arin lama filaan iyo amakaag ku noqotay labadii talis ee heshisku dhex-maray (Siyaad Barre iyo Mingistu Haila Mariam).
Haddaba dagaalkii maalintaa qarxay waxa uu arlada ka dhigay kab-riid gaas lagu qabtay, waxayna ciidamadii Siyaad Barre, hawlgalkaa kaga jawaabeen dagaal aan loo aabo-yeelin, taas oo ay hub culus iyo diyaaradaha wax duqeeya u naceen magaalooyinka, taasina waxay galaafatay kumanaan rayid ah, iyadoo dhinaca kalena uu xadhiga iyo xasuuqu batay, islamarkaana dadkii shicibka ahaa waxay u firxadeen dhinaca Itoobiya oo ay ka galeen kaamam qaxooti, laakiin ciidamadii SNM Inkasta oo ay muddo ka dib ka baxeen magaalooyinka, haddana waxay fadhiisimo ka samaysteen gudaha, waxayna sii wadeen halgankii hubaysnaa ee ay kula jireen dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre ilaa markii uu taliskaasi dhacay, kadibna 1991-kii magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.
hadaba Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar ayaa sheegay inay Somaliland ka faa’iiday burburkii Somalia, mar uu shalay u waramayey Idaacadda BBC-da waxaana ugu horayn la waydiiyey 20 sano ka dib dawlad la,aanta somaliya Maxaa laga faa’iday

J:Horta faa’ido iyo khasaare ba waa la gaadhay,aayatiinka dambe ayuunbaa la qiyaasayaa,aayatiinka dambena khasaare ayaa laga qadayaa,sanadihii hore dawladu way kululayd, aynu taariikhda dib ugu noqonee waxa kacaankii milatariga loogu sacabiyey dadkeenii ayaa ka qancay dawladnimadii markaasay moodeen in uu imanayo horumar iyo disbiliin oo wax waliba hagaagayaan,markaasaa Laba khasarena laga qaaday xornimadiina waa la waayey,waagaa hore qof kaliya oo siyaasad u xidhnaa maanu jirin,kii dambena waa la ogaa inta la dilay iyo inta la xidhayba,kolkaa hadii aynu dib u yara noqono sanadahaa hore may Xumaynba oo waxoogaa talaabooyin ah oo wanaagsan way qaaday dawladu waana la ogaa,laakiin markii dambe way isku dhalaashay oo way isku Xaartay.

S: Labataan sano ayaa ka dambeysay markii Siyaad barre dalka laga saaray ama Dawladii uu Madaxda u ahaa duntay,markaa labaatankan sano ee ka Dambeeyey Maxaa laga faa’iday?

J: walaahi Faa’idadu xaga Somaliland ayey jirtaa,Somaliland ayaa degtay amaankeedii sugtay,dhaqaaleheedii Burburay dib u hagaajisay,Doorashooyin qabatay Xoriyadna samaysay,iyadoon cidna Ictiraafin caawimana la siinin,laakiin xagii kale ee somaliya waxa ka dhacaya waadigaa arkaya,waxna lagama faa’idin waanay ka sii dartay.

S: Markaa hadii laysku soo duubo 20-kii sano Maxaa lagu qimayn karaa?

J:Wxaad ka soo qaadaan uun, waxan dadku ay yidhaahdaan Dawlad khasaartay.

S: mustaqbalka hadaad eegtano maxaad is leedahay way dhacayaan maadama ay Somaliland aanay Ictiraaf haysan somaliyana ay sidaa tahay?

J: sidan filayo waxa weeye dalka Somaliya waa Koonfurtii hore waa inay Ogaadaan xaqa ay Somaliland u leedahay inay dawladoodii hore dib u soo Ceshadaan ileen waa dad somaliyeede ay Saaxiibaan,Somaliland na markaa wax bay ka qaban kartaa dhibaatadooda intii tamarteeda ah,iminka se arintu way yara adkaatay oo waatan ay soo galeen,afka ku balaadhin maynee waxan aynu oganahay,markaa waxaa loo baahanyahay in Somaliya laga sameeyo Nabadayn,sida kaliya ee Somaliland wax uga qaban kartaana waxa weeye in kooxa ka Gudaha somaliya inay ogalaadaan dawladnimadeeda.

S:Marka labada keebaad hor marinaysaa, waa dhab inay is caawin karaan Somaliland iyo Somaliya e ma iyadoo Somaliya ay ka jiraan Kooxaha aad tidhi afka soo marin mayno iyo Puntland ay is hayaan oo dirirayaan inay Somaliland Aqoonsadaan,ka dibna Somaliland ay iyaga heshiisiiso,mise waxaad soo horumarin lahayd marka hore inay Somaliland ka shaqayso sidii dawladnimadu ay u soo noqon lahayd,shuruudeeduna ay taas Noqoto oo markaa dambe ay kala dhex baxdo danaheeda haday doonto?

J:Walaahi annigu waxaa ahay nin toban sano halgankii SNM Ku soo jiray ,waxana waan ku xiiqay,sida kaliya ee Somaliland wax uga qaban kartaa dhibaatada Somaliya ka jirtaa waa in Somalida kale ogolaataa Somaliland Gobonimadeedii inay la soo noqotay,ka dibna ay tidhaahdaa Walalayaal wax nala qabta.

S: sida Ethiopia iyo Eriteria ku xaliyeen Khilaafkooda Somalida suuro gal kama aha miyaad leedahay?

Siday u tahay Ethiopia waxaa ka jirtay Xarako Dagaalamaysa oo guulaysatay dhinacna waxa ka jiray Dawlada dhisan oo wada hadlay,laakiin iminka Somaliland yey la hadashaa Ma Alshabaab ayey la hadashaa,ma Xasan Daahir Aweys bay la hadashaa,mise Shariif ayey la Hadashaa.

S:Markaa yaa Aqoonsanaya Somaliland ee aad doonaysaa inay Aqoonsato?

Kooxaha ka jira Somaliya waa inay Mawqifkood cadeeyaan oo mid waliba gaarkeeda u cadaysaa oo sheegtaa,inta aanayse sheegin Somaliland inay wax qabataa way adagtahay, waanan jecelnahay inaanu wax la qabano oo walaalahayo.

S:Koonfurta Somaliya waad ogtahay oo labaatan sano ayey dhibaatadeedu madaxa la gashay ilaa hadana kumay soo dhicin toobiyaha aad waydiinayso,markaa hadii aan la helin taasi maxay kula tahay inay xalku ku dambayn doono?

J: Xal ma leh Somalilandna way iska Noolaan kartaa,taywaanba way iska nooshahay,dhaqaalahayaga waanu dhisan karnaa wadankayga waanu dhisan karnaa,aduunkuna wuu noo iman karaa,yeelkiisa Ictiraafkana oo Ninkii doonayaa ha dagaalamo,laakiin annagu Nabad baanu samaynaynaa,dalkayagana waanu dhisaynaa kuwaana Wanaag ayaanu la Doonaynaa.

S:Xaga Somaliland hadaad Eegto Ictiraafku muxuu kala maqanyahay ayaad isleedahay?

J: Laba saddex Arimood ayuu kala Maqanyahay,dawladaha waaweyni waxay leeyihiin Dee horta Afrika ha idin ogolaato,afrikana waxay leedahay Xuduudkii Isticmaarka la bedeli maayo,Somaliland waxay leedahay annagaaba Xuduudkii Isticmaarka ku taagan,labadaasi waa mid,mid kalena waxa weeye dunidii kale ayaa leh hadii aad Somali tihiin Idinku Meel isla dhiga sidii Ethiopia iyo Eriteria,waana taynu hore u sheegnay oo mushkiladu waxa weeye Ethiopia waxa jirtay Xarakad dhisan Ethiopiana waxay ahayd Dawlad dhisan waanaya wada hadleen,laakiin iminka Cid Xamar dhisan oo lagala hadlaa Arimahaasi iyadoo Mid waliba Mawqifkeeda gooni u sheegto mooyaane dee mataalo oo ma jirto,markaa Mushkilad Culus weeye annagua waanu iska noolaan karnaa intaa,waxanan filayaa Aduunku markuu daalo iska kaaya ogolaan doono,marka tan suudaan dhamaato ayaanan rajaynayaa in mawqifku Isbedelo,African Union-kuna waa kii u soo diray Guddi Hargeisa shan sano ka hor,waxaanay yidhaahdeen Somaliland xaqbay u leedahay in L aqoonsado laakiin dawladihii ayaa wali ka waabanaya,markaa hadii ay maanta koonfurta Suudaan Ogolaadaan ma jirto sabab loogu diidi karo in la Ictiraafo Somaliland,markay Somaliland Firaaqo hesho ee la aqoonsadana Xaq baanu yeelanaynaa in aanu kala dhex galo kooxaha Somaliya isku haya.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests