Waxaan Uga Digaynaa Xukuumada Shakhsiyaadka Ay Ka Mid Yihiin Buuur Madow Oo Ku Hororoobey Xukuumadii Hore
Ceerigaabo, January 29, 2011 (Haatuf) - Cuqaasha Guurtida iyo waxgaradka Galbeedka Ceerigaabo ayaa shalay soo saaray bayaan ay Xukuumada ugu baaqayaan in aanay xukuumada ka hamran qaarka mida Madaxdhaqameedka oo ay ku tilmaameen kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay ku hororoobeen Xukuumadii hore ee riyaale sidoo lae waxay ugu baaaqeen in aanu Matalin kuna hadli Karin afbeeleed iyo Mid madax dhaaqameed toona Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) Sidoo kale waxay hambalyo u direen gudoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa waxaanuu u dhignaa sedan
Hadaanu nahay waayeelka waxgaradka iyo Cuqaashaba waxaanu Salaan u diraynaa Madaxda Qaranka ,oo uu ugu Horeeyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ,waxaanu aad uga xunahay Gefafka iyo hadalada bartirada ah ee ay kula kacayaan masuuliyiinta qaranka qaar ka mida Shakhsiyaadka ku adeegta qabaailka Magacooda oo uu ugu horeeyo, Ninka la yidhaaahdo cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mida Shaqsiyaadka ku hororoobey Xukuumadii hore kuna Mamay Sheegashada Xil Markuu ku fashilmay Beeshiisu kala noqotay kalsoonida Waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa in aanay uga hamran hawlaheeda shaqo dadka noociisaa oo kale ah Sidoo kale waxa loo bahanyahay ,in xukuumadu ka korto in aan laysku khaldin Siyaasada iyo dhaqanka ,Dadka Danaha gaarka ah wata ee ku adeeganaya Magaca Qabiilka waxanu ugu baaqaynaa in Xukuumadu faro bira iskaga qabato wayo waxay khatar ku yihiin dhaqanka ,Amniga ,iyo Habsami u socodka Maamulka waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa in ay soo gaadho Gobolka sanaag oo haba yaratee wax isbadal ahi aanu ka dhicin mudadii Xukuumada Cusubi jirtey
Chief Caaqil Maxamed Cawed Faarax
Chief Caaqil Xasan Cabsiiye
Chief Caqil Siciid Cawl Cilmi
Chief Caqil abokor xassan
Chief Caaqil Aw-adan Jamac
Caaqil Saalax Nuur
Caaqil Cabdi Xasan Cabdi
Caaqil xuseen Faarax
Caaqil Aadan Abokor
Caaqil Maxame Ciise
Caaqil Caaqil Xuseen Digaale
Caaqil Mohamed Warsame
Guurti Cali X Biixi.
===========
Interesting , There are another 9 chiefs and Caaqils which are from the same Beel that are not on this list, so clearly they are divided on this Boqor Buurmadow's issue?



