
Xaaji Cabdi Waraabe Oo Fashiliyey Shirqoolo Qarsoon Oo Lagu Mijo Xaabinayo Jiritaanka Somaliland, Madaxweyne Siillaanyona Uga Digay Inuu Dabacsanaan U Muujiyo Beesha Caalamka.
Hargeysa (Ramaas) Jan.30, 2011 - Xaaji Cabdi Xuseen (Xaaji Cabdi- Waraabe) oo ah mudanaha ugu da’da weyn golayaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa uga digay shacbiga reer Somaliland shirar la doonayo in la iskugu keeno Somaliland iyo Somalia, laguna mijo xaabinayo madaxbanaanida Somaliland looguna bandhigayo in Somaliland qaadato jagada Madaxweynaha, isagoo intaa ku daray in aanay qaranimada Somaliland gorgortan iyo wada hadal gali karin.
Sidoo kale Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu Madaxweyne Siillaanyo ugu baaqay inaanu hadaladiisa dabacsanaa ee uu kula hadli jiray beesha caalamka iyo Somaliya xilligii uu Mucaaridka ahaa, uu wax ka bedelo, isla markaana uu luqad adag oo ka turjumaysa gooni isu taaga Somaliland uu kula hadlo Beesha Caalamka iyo Somaliyaba.
Xaaji C/kariim waxa kale oo uu ka digay qoraalkii uu dhawaan soo saaray Agaasiimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka ADIS-ka C/kariim Xinif oo uu ku sheegay in hogaankii SNM uu heshiis kula galay jabhadihii USC iyo SPM in marka xukunka laga tuuro Siyaad Barre dawladd loo dhan yahay ay ka wada dhisaan Somaliya, taas oo uu ku tilmaamay arin qaldan oo ka soo horjeeda gooni isku taaga iyo xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland.
Xaaji C/kariim (Cabdi-Waraabe) waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay galab khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Haatuf, kaas oo uu sidoo kale ku cambaareeyay cabudhinta iyo xadhiga ay xukuumadda Siillaanyo kula kacday Saxaafada madaxabanaan iyo madaxdhaqameedyada, una soo jeediyay inay dulqaad u yeelato afkaaraha dhaliisha ah ee loo jeedinayo, isagoo dhinaca kalena madaxweynaha uga digay dadka talooyinka qaloocan siinaya ee jarka ka tuuraya.
Ugu horayn Xaaji C/kariim Xuseen (Xaaji Cabdi-Waraabe) oo ka hadlaya cabudhinta Saxaafada xorta ah ay xukuumadda Siillaanyo ku hayso, waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa ha lays afgarto Saxaafada, xukuumad iyo hogaan dhaqameedba, Saxaafadu waxay hubsadaan ha qoreen, hogaan dhaqameedkuna hadalo amaanka waxyeelaynaya yaanay ku hadlin, ee ha ku hadlaan wax dalka iyo dadka u dana, ninka la xidho Suxufi ama hogaan dhaqameed ama Guurti ha ahaadeene yaan lala didin, xukuumadduna ajnabi maaha waa xukuumaddiisii oo wacdiyaysa, xukuumadduhuna afar bay ku dhisan yihiin Xadhig, Cafis, Casilaad iyo Dalacsiin bay ku dhisan tahay, ninka loo yeedho ee la xidhaa waa inuu yidhaahdaa maxaan ku xidhnaa ha yidhaahdo, haddii qalooc lagu xidhayna waa la cafiyi karaa, Saxaafada iyo hogaan dhaqameedku waa labada ugu waaweyn dalka waxa afkooda ka soo baxaa in uu waxyeelayo waa inay gartaan, xukuumadduna wixii aan gacan ka hadal ahayn ee hadal ah, waxaan leeyahay dulqaad ha muujiso oo ha u dulqaadato, waxay dhaafi kari waydo ha dhaafto, kay cafiyi kartana ha cafiso, marxalad adag baynu maraynaa Somaliya waa la innagu qasbayaa, shirarkaa la qabanayo waa inaynu ka fikirnaa siddii aynaan hawlyari isugu noqon, haddii Saxaafadu wax baydhsan aragto asturaad baa laga doonayaa, dhexdeena inaynu is qab qabsano maaha xukuumaddiina lixdii bilood ee xilka ay haysay waxyaabo badan bay qabatay, Mushaharkii bay shaqaalaha iyo ciidamada u kordhisay, in lagala taliyo shirarkaa Somaliya ee la sheegayo iyo gacan haadintaa lagala taliyo oo ha u dabcina la yidhaahdo maahee amin lagu dhaliilo xukuumaddu ma joogto”.
Mar aanu weydiinay sida uu u arko shirarka caalamku u qabanayo Somaliya ee lagu marti qaaday Somaliland inay ka soo qayb gasho, waxa uu yidhi “Shirarka la isugu imanayo hadaynaan ka gar naqsan oo siddii laynoo dhibay iyo xasuuqii la inoo geystay aynaan ka waramin, oo siddii aynu calankeena u dhiibnay iyo qaabka aynu u dhisanahay aynaan u sheegin, iyo sida ay dadka Somaliya u burbursan yihiin ee aynu wax ugu qaban lahayn u sheegin, oo aynaan odhan reer Nabi Aadan in aanu waxna ku darno waxna ku darsano oo dal madaxbanaan baanu doonaynaa, markii horena annagaa Calankayaga u dhiibanay imikana wixii na gaadhay caalamku wuu ogyahay meel aanu raacnaa ma jirto, caalamka hadaanad la garnaqsan cid kalaa kuu garnaqaysa”.
Mar aanu weydiinay Xaaji Cabdi xiligii madaxweyne Siillaanyo xilka loo dhaariyay oo uu sheegay in lagu xamanayo arrimo ku saabsan heshiisiinta Somaliya iyo haddalada todobaadkii hore ka soo yeedhay xubno ka tirsan xukuumadda oo sheegaya wada-hadalo lala galo Somaliya in ay muqadas yihiin, waxa uu yidhi “Waxay iyagu (Somaliya) imika wadaan madaxweynaha qaata, lix bilood innagu gaadhi mayso oo wey innaga badan yihiin, Baarlamaanka farahaa leh ayaa cod laga qaadaya, waxaynu leenahay madaxweyne Siillaanyo waa in aanu u dabcin hindisayaashaasi ee wixii gooni isku taageena dhabqinaya waa inuu ka hortagaa, waana aftahan qabar sanaaciya, kolkuu Mucaaridka ahaa hadduu hadalka dabcin jiray maanta hadalka inaanu dabcin ayaanu ku dardaaraynaa, waxaan leenahay shirarka caalamka ka qaybgal oo garteena ka sheeg rag ragana kaxayso ayaanu kugu guubabinaynaa”.
Mar aanu weydiinay Xaji Cabdi Xeerarka ciqaabta ee xukuumadda Siillaanyo ay ku dayayso Saxaafada madaxbanaan, iyadoo Xeerkii Saxaafada ee Lr. 27/2004 dalka u yaalo, cabudhinta iyo xad gudubka sharci darada ah ee lagu hayo Saxaafada madaxbanaan cawaaqib xumada ka dhalan karta, waxa uu yidhi “Mudaharaadyada dhiigu ku daateen ee Masar ka socda weynu aragnaa, Mudaharaad iyo kacdoon dawlada ka horyimaada waa innaga mamnuuc, Somaliyana waa taas oo arinkii ugu danbeeyaybaa la isugu yeedhayaa, Saxaafadana in la cabudhiyo oo la xidh-xidho oo lagula deg-dego xadhig looma baahna, Xeerka Saxaafadana waa in la mariyo oo aan lagu qaadin Xeerka ciqaabta, niman xadhig iyo ciqaab mutaystana maaha”.
Mar aanu weydiinay waxyaabihii madaxweyne Siillaanyo xiligii uu Mucaaridka ahaa uu ku dhaliili jiray xukuumaddii hore ee Rayaale oo uu xilligan uu madaxweynaha yahay ka soo ifbaxay xukuumaddiisa wixii shalay fool xumada u arkayay, waxa uu yidhi “Kolkaa kursibay doonayeene kabahaaga dahabaan ka dhigi baa la yidhaahdaa marka aad kursiga doonayso, hadalku ku hadlay xilligii uu Mucaaridka ahaa in loo raad raaco maaha, haddalada maanta jooga ee xukuumadda in la raaca weeye”.
Mar aanu weydiinay Xaajiga dhaliilaha madaxweyne Siillaanyo loogu soo jeediyo dad la sheegay in talooyin xun xun ay siiyaan oo jarka ka tuuraya, waxa uu yidhi “Waxa la yidhi afarta kula taliyaa, inkasta oo nin madax ah oo fiiacan uu yahay jar wey uga talaabsan karaan, ninka madaxda ah hadday tiiriyaana wuu toosaa, Siillaanyona waa nin waayo arag ah oo gaboobay oo jabhado iyo xukuumaddo soo hogaamiyey, ninka talo xun siinayana yeeli maayo inuu yeelana maaha ninka madaxda ahna talo quman iyo talo qaloocanba waa loola imanayaa, arinka loola imanayo waa inuu Miisaamaa, dadkana isagaa u wada Aabo ah, nin raacsan iyo nin ka soo horjeedaba uu dulqaadna u yeesho ayaa looga baahan yahay, madaxweynahna waxaan kula dardaarmayaa shirarka caalamka ee la innagu marti qaado ha ka gar naqsado, israac aynu israacno iyo madaxweynaanu idin siinaynaa ha u caddeeyo mawqifkeena oo ha sheego marka la ina Ictiraafo ayaynu Somaliya wax u qaban karno, laakiinse hadaynu ku dhex dhacno innaguna waynu baabaynaa, iyagana waxba kaga baydhi maayaan”.
Mar aanu weydiinay Xaajiga qoraalka ka soo baxay masuul ka tirsan xukuumadda todobaadkii hore ku dhawaaqay in hogaankii SNM jabhadihii USC iyo SPM ay kula heshiiyeen xiligii halganka lagu jiray marka Siyaad Barre xukunka laga tuuro in dawlad wadajira ay ka wada dhisaan Somaliya, madaxtooyaduna aanay ka jawaabin mawqifka ay ka taagan tahay sida uu u arko, waxa uu yidhi “Arinkaasi waa qalad, marka colaadi dhacdo dhaqanka Soomaalida qolo waliba halkeeda ayay isku afgaran jirtay, Somaliyana laba dawladood baynu kala ahayn Jabuuti, NFD iyo Itoobiya kama xigin, kuwaas ayaynu ula simanahay, midayntii hore haddaynu ku khasaarnay wixii dhibaato la inoo gaystayna weynu ku samirnay, horta dawlad la Ictiraafsan yahay aynu noqono, iyagana in dawlad aynu jaar noqonaa ka soo baxdo weeye, markay Somaliland, Jabuuti, NFD, Somaliya iyo Itoobiya dawlado kala socdaan shirar ka wada qayb galaan dalal iscaawinaya ay noqdaan, haddase cadaw baynu isku nahay oo dumarkiibaa Gambadii sida, xasuuqii baa muuqda, oo diyaaradii na xasuuqday ayaa caasimada saaran, Somaliland iyo Somaliyana waa labad dawladood oo kala madaxbanaan, ninawna Xamar dawlad baa jirtay ha u durbaan tumin”.





