Page 1 of 1

former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 10:12 am
by The_Emperior5
Cali Asad : Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Hargeysa Oo Ku Geeriyooday Jabuuti
February 3rd, 2011 Comments Off

Jabuuti (Somaliland.Org)-Alle ha u naxariistii Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti oo loo geeyay xaalad caafimaad.

Alle ha u naxariistee waxa la sheegay inuu marxuumku muddo u jiifay xanuun, sidaasna waxa shabakada Somaliland.Org u xaqiijiyay mid ka mid ah asxaabiitiisa oo ku sugan magaalada Hargeysa.

Marxuum- Cali Xasan Maxamuud ( Cali Asad ) waxa maydkiisa laga soo qaadi doonaa dalka Jabuuti waxaana lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa caasimada Somaliland.

Ilaahay ha u naxariistee Cali Asad, wuxuu hore dalka uga soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee Hargeysa, Maayarka Caasimadda, Wasiir Ku Xigeenka Macdanta, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hareysa iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa.

Marxuumku wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigii UDUB waxaanu la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ee Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Re: former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 11:43 am
by Mr_Alfaas
Allah Yarxam aamiin.



hamiguna waa fog yahay wadkuna waa dhawyahay. :cry: :cry: :cry:

Re: former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 3:49 pm
by Siciid85
AUN.

Re: former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 5:24 pm
by yasmin
Empeior

Cali asad inadeerkay ayuu ahay illahay ha u naxariitay wuxuu dhintay maanta 9 AM :cry:

Re: former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 5:30 pm
by The_Emperior5
Empeior

Cali asad inadeerkay ayuu ahay illahay ha u naxariitay wuxuu dhintay maanta 9 AM :cry:
Waan ogahay inadeer inu inadeerka yahay ilahay ha u naxarsto ilahay Cali xassan maxamuud qabriga na ha u nuuro

Re: former governor of hargeysa cali asad dies in Djibouti

Posted: Thu Feb 03, 2011 11:21 pm
by Dhaga Bacayl
ILAHAY ha u naxariista marxuubka. Inaga iyo intii uu ka tagayna samir iyo iimaan....AAMMIN.