Postby The_Emperior5 » Tue Feb 08, 2011 4:05 pm
Beesha Jibriil Yoonis oo Baaq ka Soo Saareen Hadalkii Madaxweyne-Xigeenka
Waxanu bulshada Somaliland halkan ugu soo bandhigeynaa Maqaalkan aanu ku cabirayno dareenka Beesha Jibriil yoones ee ku aadan Xaaladahii ka aloosnaa gobollada Awdal iyo Salal tan iyo markiiay hogaaminta dalka la wareegeen madaxweynaha mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siiraanyo) iyo kuxigeenkiisa mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)
Iyadoo ay si gaara noo damaqdey dhawaaqyadii ka soo yeedhey madaxweyne ku xigeenka Jamuriyada Somaliland (Saylici) iyo mudaharadkii lidka ku ahaa booqashada Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Cabdi Gaboose u qorsheysnayd inuu ku yimaado Magaalada Boorama.
Inkasta oo taageeradaBeesha Jibriil yoonis u badneyd madaxweynihii hore haddana kama ay maqneyn codadkii ay ku soo baxeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuba.
sidoo kale, waxay beeshu soo dhaweysay natiijadii ka soo baxdey doorashadii ka dhacdey dalka 26 jun 2010 ee uu ku guuleystey Xisbiga Kulmiye.
Waxaa intaa weheliya, iyadoo booqashadii u horeysay ee madaxweyne ku xigeenku ku yimaadu gobalka Awdal intii uu xilka hayey beeshu soo dhaweysay si gaarana u maamuustay Halkaana ay ku yeesheen Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Beesha kulan ay Beeshu ku muujinayso Kalsooni ay u hayso Xukuumadda Somaliland .
Waxaase nasiib daro noqotey in Madaxwene-ku-xigeenku u dhaqmi waayey sidii ay beeshu ka fileysay,hase yeeshee uu joogteeyay erayadii uu isticmaali jirey xiligii lagu jiray Ololaha doorashada ee uu ku durayey beesha jibriil yoonis. Waxaa la ogsoon yahay in tan iyo intuu uu xilka hayey madaxweyne kuxigeenku uu boobay xilal ay lahaayeen
Wasiiro, dabadeedna uu magacaabay masuuliyiin heer gobol iyo degmoba leh (Awdal iyo Salal) kuwaas oo uu ka dhigey 90%
Beesha uu ka soo jeedo.
Tallaabadan qaldan ee uu qaaday waxay dhalisay :-
1 ) in ay lunto kala danbeyntii iyo nidaamkii dawlad nimo
2 ) in ay iska horyimaadaan madaxweyne ku xigeenka iyo
Wasiirada xukuumada Somaliland.
3 ) in uu dareen adagi soo kala dhexgalo Beesha Jibriil
YoonisIyo xukuumada uu madaxwyne xigeenka ka yahay
Cabdiraxmaan Saylici.
4) In meesha laga saaro xaquuqdii muwaadilnimo ee uu lahaa
Qof kasta oo loo tirinayo in uu xisbiga Udub ka tirsanaa sidii ku caddayd waraysigii uu madaxwayne kuxigeenku siiyay telefishanka madaxabanaan ee Horn cable ka.
Haddaba marka laga yimaado waxyaabaha kor ku xusan iyo fal dambiyeedyadii kale ee goboladan hore uga dhacay, waxaanu si gaar ah qoralkan idiinku xasuusineynaa in mudaharaadkii malintii sabtidii ee 5/02/2011 ka dhacey Borama ee lagaga soo horjeeday imaatinka
Wasiirka arimaha gudaha uu ka danbeeyay madaxweyne ku xigeenku, markhaatina ay u tahay dhawaaqyadii ka soo yeedhay Isaga ee laga sii daayay telefishanka horn cable ka.
Waxaan bulshada iyo masuuliyiinta Somaliland u sheegeynaa:-
1- in aan gobollada Awdal iyo Selel laga goyn Karin dalka intiisa kale madax weyne kuxigeenkuna aanu dusha ku qaadan Karin.
2- In masuul kasta oo ka socda qaranka Somaliland uu gobolka soo geli karo wakhti kasta oo uu xil iyo waajibaad shaqo ka gudanayo.
3- In Beesha jibriil yoonis diyaar u tahay ka hortagga iyo wax ka qabashada waxkasta oo carqalad ku ah jiritaanka soomaliland.
NB
Madaxwayne-ku-xigeenka Beesha Jibriil Yoonis is ka hortaagay Xoghaye fulineed oo Wasiirka Arimaha Guduhu soo magacaabey Maxaa laga filayaa? Afhayeenka guud ee beesha Jibril Yoones: Mudane : Cabdiraxmaan Daahir Gaboobe.