Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 2:00 pm

Dhahar oo Mashruuc Wayn Laga Fuliyay [Daawo Sawirada]

Taliye Sare Caydiid Axmed Nuur
Dhahar (SPR): Xaflad si heer-sare loosoo agaasimay oo kadhacday magaalada Dhahar ayaa xadhiga looga jaray saylada hilibka/khudaarta iyo xabsi caalami ah oo dhismaheedu iska kaashadeen Hay’ada SDC iyo maamulka Somaliland.

Munaasabadani ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Sanaag, maamulka magaalada Dhahar, suxufiyiin kakala socdo Televisionka Universal T.V, Televisionka Qaranka, Idaacada Somali Public Radio iyo saraakiil ciidan oo u dhashay gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka gobolka Bari.

Waxaa ugu horayn dhismayaashani xadhiga ka-jaray mayaarka magaalada Dhahar, mudane Cali Kilwe isagoo ku-tilmaamay dhismayaashani kuwa ay baahnayd bulshada ku-dhaqan magaalada Dhahar, wuxuuna amaan usoo jeediyey madaxa mashaariicda hay’ada SDC mudane Axmed Aa’dan Guray iyo wasaarada maaliyada oo iska kaashaday fulinta mashaariicdaan.

Waxaa iyana Microfoonka lagusoo dhaweeyey mas’uul sare ee Hay’ada SDC mudane Axmed Aa’dan Guray oo ugu horayntii u mahadnaqay shacabka kasoo qayb-galay munaasabadaan iyo wasaarada maaliyada oo qayb ka ahayd hirgalinta mashruucaan. Mudanaha ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeya mas’uuliyada saylada hilibka iyo khudaarta ay shacabka la-wareegayaan isla markaana wuxuu soo jeediyay in laga wada shaqeeyo nadaafada kawaankan oo an kaliya lagu eegin maamulka degmada.

Waxaa isna dhankiisa halkaasi khudbad aad u dheer kasoo jeediyey taliyaha ciidamada saldhiga sadexaad ahna taliyaha ciidamada gobolka Sanaag ee S/land, Coronel Muuse Jaamac Dalaf oo mahad-naq balaaran usoo jeediyey wasaarada maaliyada, hay’ada SDC iyo waliba shacabweynaha Dhahareed uu uga mahadnaqay qaabka ay horumarka had iyo jeer usoo dhaweeyaan. Wuxuu shacabka magaalada iyo degaamada la-halmaala ugu baaqay in ay kashaqeeyaan nabad-galyada lana shaqeeyaan laamaha amniga.

Waxaan iyana hadal kooban goobta kasoo jeediyey taliyaha booliska iyo asluubta gobolka Sanaag, Coronel Caydiid Axmed Nuur oo sheegay in la-kordhinaayo tirada ciidamada asluubta magaalada ka-hawlgasho, maa’daama magaaladu ay yeelatay xabsi caalami ah. Wuxuu kaloo sheegay in loo baahanyahay maxkamada derajada kowaad in magaalada laga hirgaliyo, sababtoo ah dadka lasoo xiro waxay xaq uleeyihiin in maxkamad hortagaan.

Waxaa sidoo kale ka-dhex muuqday xaflada saraakiil farabadan oo ay kamid yihiin taliyaha ciidamada asluubta magaalada Dhahar, gaashaanle dhexe Jamaal Cali Saciid, abaanduulaha saldhiga xerada Militariga magaalada Dhahar Coronel Baashe Cabdi Cali, coronel Yaasiin Xabeeb, Coronel C/shakuur Cali Ciise Cadde iyo saraakil kaloo sar-sare.

Ugu dambayntii waxaa dhinaca haweenka u hadashay Shukri Guray Warsame oo u mahadnaqday Hay’ada mashruuca fulisay, sheegtayna in ay ka-haween ahaan diyaar u yihiin in ay ka-shaqeeyaan nadaafada saylada lana shaqeeyaan saraakiishooda amniga.

Isu soo duub, munaasabadani ayaa xariga looga jaray xabsi ay isticmaali doonaan saldhigyada booliska xaafadaha kala-duwan ee magaalada Dhahar, iyadoo magaalada balaceedu aad u waynaaday ayna laban laabmeen shacabka kunool magaalada oo in badani kasoo haajireen koonfurta Somaaliya ay dagalo ka socdeen

Image

Image

Image

Image

Image

Image

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby Mr_Alfaas » Sat Feb 12, 2011 2:19 pm

:sland: :up: :up: :up: :up:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 3:16 pm

Somaliland is doing a great job in eastern sanaag mashaaric fara badan bay ka bilaabeen :up:

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby Keyse_0208 » Sat Feb 12, 2011 7:01 pm

Huunoy waan ku dhoofin laa, dhahar baan ku geyn lahaaa, hayeeeeeee, :rose: after we secure dhahar, shall we take over bosaso or shall we leave these masaakiin alone :lol: land grapping has become a new national sport mays tidhi

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 7:06 pm

Huunoy waan ku dhoofin laa, dhahar baan ku geyn lahaaa, hayeeeeeee, :rose: after we secure dhahar, shall we take over bosaso or shall we leave these masaakiin alone :lol: land grapping has become a new national sport mays tidhi

now we are 65 km from qardho cadde muses town :lol: :lol: but this reer dhahar warsangali are now very supportive to Somaliland since faroole abused them in galgala , puntlandti wey iska naceen Somaliland bey so dhaweyan hada with mashaariic warsangaligu wa reer magaal niyo :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 7:09 pm

Image

jeelka dhahar :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby Goljano Lion » Sat Feb 12, 2011 7:49 pm

Image

jeelka dhahar :lol:
:lol: jeelkaasi waa jeelku ku xidhanyahay OldEnglish

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby Keyse_0208 » Sat Feb 12, 2011 7:55 pm

:lol: :lol: :lol: Oldenglish rageedii buu ahaa walaahi ... one of the funniest modafaakkas in this whole website

User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: Somaliland oo mashariic ka fulisay degmada dhahar

Postby LiquidHYDROGEN » Sun Feb 13, 2011 7:54 am

Dhahar, isn't that like Somaliland's version of Siberia. No man should have to live in the middle of nowhere in a harsh environment, only prisoners and dissidents. :lol: :down:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests