Page 1 of 1

Maxay u dhinteen ragani?

Posted: Wed Feb 16, 2011 3:27 pm
by LeonidaS
Maxay u dhinteen ragani?

Muj Lixle
aadan shine
koosaar
Axmed dhagax
cabdi cabdilaahi
maxmed cali
aadan saleebaan
gacma-dheere
harag-waafi
kood-buur
muj xaamud
madax-diin
maxmed mooge
xasan saleebaan wayne
xandule gacan
bidhiidh
Xuseen qarash yare
xasan yoonis
jaamac cali cilmi
cabdi falastiin
c-laahi biixi
jaamac dheere
maloosh
muj biixi

dhamaantood ilaahay ha u naxariisto. Su,aal kale md madaxwayne, 1984 aakhirkiisii adiga oo in yar hayay xilkii hogaankii SNM waxaad noogu timi dugsigii tababarka ee aware, anaka oo ah 1200 wiil oo uu ku yar yahay 20 jir mid gaadhay. Ilaah baan kugu dhaariyee, maalintaas oo ay dhinacaaga taagnaayeen alaa yaaraxma, muj Mahdi cali faarax, maxamed cawed, cabdi cawaale iyo muj C,laahi askar bal xasuuso wacadkii iyo balantii aynu isku dhaarsanay. Ragaasi waxay ku dhinteen balantii maalintaas oo waxay kugu sugayaan aakhiro. waana wiilashii wadanka xoreeyay waxaana ka soo hadhay qayb naafooday oo ka dewersada albaabkaaga hortiisa oo waxay la,yihiin cid garata oo uga hiilisa dayaca iyo darxumada haleeshay. Agoontaas iyo naafadaasiba, iyaga oo quustay! Oo u arka dadkii ay u dhinteen abaal laawayaal, oo cidlooyinkaas ka qaadaya heestii “ maxaa denbi nalaga galay” ayay mar keliya ku baraarugeen oo hanqalka la soo kaceen; ololahaagii dhawaan aad lahayd “ wax baan u qabanayaa naafadii halganka iyo agoontii” rasaasta iyo faliidhada jidhkooda ku daxalaystay ayaan ka gurayaa oo dhakhaatiir ayaan u dirayaa” waxaan u dhisayaa guryo ay degaan oo ay dhaxanta iyo milicda ka galaan gaajadana waan uga hiilinayaa”.


Halkaas markay maraysay, iyada oo cid waliba kaa filaysa dib u dhis iyo lexejeclo dheeraad ah oo aad cid walba gacanta si naxariis iyo tudhaale leh ugu mariso, waa maxay doodan xanuunka badan ee rajadii shacabka meesha ka saartay?. “ halkii aan daryeel ii kordhiyo darajo eegaayay, iyana waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay. Ma-doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay. Sidii aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay” Doodu maaha in umada lagu wareeriyo shirka uu wasiirku ka qayb galay “sidaas iyo sidaas buu ahaa” oo waxaa meel walba yaala hadal qoraalkii iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay, wax uu wasiirkeenu qadiyada JSL ku difaacay oo ku qoranina ma jiraan, waraysigii wasiirka debeda ee Shariifkuna wuu cadeeyay shirkaas iyo ujeedadiisa, wasiirkeenuna isaga oo London la jooga oo dhegaystay wasiirka shariifka hadalkiisa muu beenin oo wax dood ah kamuu keenin. Markaas xigmad maaha muranku, wadankuna sharci adag oo aynu rag badan ku xanuunjinay ayuu ka leeyahay oo uga yaala denbigan. Hadaba, md madax-wayne, laba qodob mid dooro: waxaad qaadataa waasiciya oo adiga iyo wasiirkaaguba sidii ragii idinka horeeyay waxaad tidhaahdaan “waxaanu u aragnaa xalka in sidii lixdankii Soomaali wayn la raadiyo” oo badheedhe la yimaada shacabka hortiisa. Hadii kale oo aanu xaalku sidaas ahayn, soo celi midnimadii iyo kalsoonidii umada JSL meeshana ka saar shakiga iyo arintan xanuunka badan ee dadka xasuusisay ayaamo xanuun badnaa. Aan kuugu daro mid kale, wasiirka shirka ka qayb galay iyo inta difaacaysa denbiga uu ku jiro ha ogaadeen in ay caayayaan aqoonta iyo garaadka umada JSL oo ay sidii sakaarada aas-aasayaan arin ay caruurtu garanayso oo sida cadceeda u cad. Halkaas manta ha inoo joogto. [ abdihusen@yahoo.co.uk ]

Re: Maxay u dhinteen ragani?

Posted: Wed Feb 16, 2011 3:38 pm
by The_Emperior5
waxay u dhinteed dadkoodi diintoodi dalkoodi , alayaraxma raximin mujaheedinti SNM nin gurigaga kugu so doonta, xaq baad u leedahay inad qabriga u dirtid Allah akbar :up: :sland:

Re: Maxay u dhinteen ragani?

Posted: Wed Feb 16, 2011 3:41 pm
by LeonidaS
waxay u dhinteed dadkoodi diintoodi dalkoodi , alayaraxma raximin mujaheedinti SNM nin gurigaga kugu so doonta, xaq baad u leedahay inad qabriga u dirtid Allah akbar :up: :sland:
:up:

i couldn't have said it better.

alayaraxma raxim ya mijaheedinti SNM !