Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dahabshiil v Dahir Calasow..an Update ;-)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Dahabshiil v Dahir Calasow..an Update ;-)

Postby Madelina » Fri Feb 18, 2011 10:51 am

This follows the sleazy smear campaign spear headed by Dahir Calasow & his crew against Dahabshiil. The dude is now in big trouble and I think this will finally put a stop to Somali webites waxkasta iska qoraya, at least the ones that are based in Europe/America...Dahabshiil ain't playing games :up:

Maxkamada Holland Oo Sheegtay In Dalkooda Lagu Maxkamadeyn Doono Soomaalida Wax Ku Qora Warbaahinta
February 18th, 2011 Comments Off

Maxkamad ku taalla magaalada Breda ee dalka Holland ayaa markii ugu horreysay go’aamisay in maxkamadaha ku yaalla dalka Holland ay qaadi karaan dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta Soomaalida ee caadeystay inay faafiyaan dacaayado lagu dhaleecaynayo qaar ka mid ah shirkadaha Ganacsiga ee laga leeyahay dhulalka Soomaalidu degto. Go’aankan ayay maxkamaddu gaadhay kaddib markii Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil ay dacwad ku soo oogtay Daahir Calasow, oo dhaqan ka dhigtay baahinta war-hunguri lagu xagxaganayo sumcadda Ganacsatada Soomaaliyeed, hore-na shirkadda uga baahiyay eedaymo liddi ku ah sumcaddeeda ganacsi. Maxkamadda Breda oo dabayaaqadii bishii Janaury 2011 bilowday ka-gar-naqa Dacwadda u dhexeysa shirkadda Dahabshiil iyo Daahir Calasow, waxay arrintan shaacisay mar ay dhowaan soo gebogebaysay wejigii koowaad ee dacwadda, iyada oo xukunka kama-dambaysta ahna ku xidhay caddaymo kale oo lagu soo lifaaqo dacwadda eedaysanaha. Iyada oo qodobkan tix-raacaysa, maxkamaddu waxay go’aamisay in caddaymo looga baahan yahay xidhiidhka ka dhexeeya Calasow iyo Website-yada been-abuurka ah ee baahiyay qoraallada shirkadda lagu af-legaadaynayo. Sidoo kale waxay maxkamaddu oggolaatay in maxkamadaha Holland ay dacwaddan oo kale qaadi karaan, iyada oo lagu dabbaqayo sharciga dalka Holland. Maxkamaddu waxay hoosta ka xarriiqday in shirkadda Dahabshiil xaq u leeyahay inuu daneeyo in degdeg arrinta loo geeyo maxkamadda, iyada oo dhinaca kalena shirkaddu muujisay in qoraalladaasi horseedi karaan dhaawac ku yimaadda sumcadda iyo magaca shirkadda.

Af-hayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil, wax yar kaddib markii ay maxkamaddu shaacisay go’aannadaas, ayaa isaga oo ka hadlaya dareenka dhiniciisa, waxa uu yidhi: “Dahabshiil waxa uu soo dhowaynayaa in maxkamaddu arrinta degdeg u aragto, iyada oo qoraalladaasi been-abuurka ahi ay sumcad xumo u keeni karaan shirkadda.” Af-hayeenku waxa uu la-yaab ka muujiyay sida fuleynimada leh ee uu Daahir Calasow ugu dhiirran kari waayay inuu sheegto lahaanshaha masuuliyadda faafinta qoraalladaas ceebaynta ah iyo sida uu u dafiray inuu ku adkaysto mawqifkiisii uu arrimahan ka taagnaa.

“Dahabshiil waxa kale oo uu la yaab u arkaa in Calasow maxkamadda ka dafiray in uu ahaa ninka qoraalladaas beenta ah lahaa ee faafiyey iyo sida uu ugu andacoodey in aanu lahayn ama ku xidhanayn Website-yada kale ee qoraalladaas daabacay.” Ayuu yidhi Af-hayeenku.

Af hayeenku wuxuu xusay in aanu Calasow marnaba maxkamadda hor keenin wax caddaymo ah oo kaabaya ama qiil u noqonaya qoraalladaasi been-abuurka ah ee uu ka faafiyey shirkadda Dahabshiil. Afhayeenka oo ka hadlaya sida shirkaddiisu ugu tabaabushaysanayso Wejiga 2aad ee dacwadda, waxa uu yidhi “Dahabshiil wuxuu iminka diyaarinayaa caddaynta dheeraadka ah ee ay maxkamaddu codsatay, maxkamaddana si dhakhso ayaannu ugu soo laaban doonnaa, si aannu u dalbanno in la tirtiro qoraalladaas aan salka iyo raadka lahayn ee aflagaaddada iyo been-abuurka ah.” “Dahabshiil waxa uu u xaqiijinayaa dhammaan macmiishiisa in ay sharaf u tahay in ay noqoto shirkad furfuran oo si sharciga waafaqsan u shaqaysa, una fidinaysa macmiisheeda adeegga ugu habboon ee suurtogal ah” ayuu af-hayeenku hadalkiisa ku soo af-meeray.

Go’aammada ay maxkamaddu gaadhay ayaa u muuqda kuwo u quus-goynaya war fidiyeennada uu Calasow ka mid yahay ee mihnaddii saxaafadda u rogtay aalad ay ku ceebeeyaan cid kasta oo ummadda horumar ku soo kordhisay, kuwaas oo gabbood ka dhiganaya waddamada qurbaha ee ay qaxoontiga ku joogaan.

Wejiga labaad ee dacwadda ayaa la filayaa inuu dhaco maalmaha soo socda, waxaana la rajaynayaa in Maxkamaddu ka soo saarto xukun-ciqaabeed lagu abaalinayo dhaqan-xumada Calasow.

Somaliland.Org/Hargeysa

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests