I read that the mayor and the governor of Ceirgabo refused to take the $4000 allocated for their region what was that all about?..Did they want to distribute the $18,000 themselves, ma taas bay ka xanaqeen?
..
Read This Very carefully what she wrote here!!!!!
Ammin ayaynu joognaa, samaha iyo xumuhu mataanoobeen, waxa aynu ka markhaati kacaynaa maalin walba masuulka is yidhaahda wax qabo oo la xag-xaganayo, haldoorka ummada oo aan loo tudhayn, dadku mararka qaarkood waxaad is odhanaysaa geeddiga horumar diyaar uma aha ama uma bisla. U fiirso ummada abbaaruhu aafeeyeen ee gurmad loo soo dedejiyey ee ku baahsan gobolada habka ay xukuumada oo aan adeegsanayn hay’adaha caalimga ah ay isugu xilqaantay.
Hase yeeshe, gobolada iyo masuuliyiinta u jooga xukuumada Somaliland wejiyo kala duwan ayay ku soo dhaweeyeen talaabadan aan hore loo arki jirin ee xukuumada. Waxaa jira kuwo si mug leh u mahadiyey iyo kuwo bilaabay in ay hab-dhaqankii hore ka laad-laadaan oo ku gorgortomaan shacbiga gobolkooda ku nool. Waxaa sidaas lagu soo bandhigay saxaafada, waxaase ka sii daran, qofkii xilka loo igmaday ee gobolka masuulka ka ahaa, kuwaas oo ay ahayd in ay isbedelka la jaan-qaadaan, horumarka gobolka ka hawlgalaan, sida maamaulka gobolda kale ee bari, goboladooda, ayaa waxa ay isku dayeen in ay iyagu sameeyaan xaalad abuur iyo fadeexad abuur ku soo noqon doonta.
Socdaalkii Ceerigaabo iyo Wasiirada Ilhaam Maxamed Jaamac.
Wasiirada waxaa loo xilsaaray gobolada bariga, waxa ay si habsami ah uga hawlgashay sidii gobolada Togdheer, Sool iyo sanaag loogu qaybin lahaa raashinkii iyo lacagtii abbaaraha. Waxaa jira in magaalo walba leedahay guddi abaareed loo magaacabay sidii ay uga hawlgeli lahaayeen dhibta abbaaraha goboladaas. Togdheer iyo Sool iyo degmooyinka waaweyn ee hoos yimaada waxa ay si hagar la’aan ah u soo dhaweeyeen xil-gudashada wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee qiimaha badan ee arrinkaas ka hawlgalay iyo dedaalka xukuumada Somaliland ka muujisay arrinta aafada abbaaraha.
Ceerigaabo Iyo Sanaag Guud ahaan.
Markii ay Ceerigaabo tagtay wasiiarada Ilhaam Maxamed Jaamac, waxa ay qiimayn ku samaysay, iyada oo xog-waraysi la yeelatay dhamaan masuuliyiinta gobolka iyo degmooyinka, iyada oo dadweynaha ay metesho ee wasiirada u tahay si gaar ah degmo kasta iyo gobolka kasta baahiyadooda si gaar ah u qiimanaysa, weliba kaashaynaysa warbixinada ay diyaariyeen, maamulada dawladeed ee gobol iyo heer maamaulka degmo, kana duulaysa xoggahaas, waxa ay isku dayday in guud ahaan Sanaag ay u qaybiso sahayda kooban ee abaareed ee ay siday, waxa ay u qaybisay degmooyinka ay ka kooban yahay gobolku, iyada oo eegaysa sida loo kala baahi badan yahay.
Degmooyinka Sanaag waxaa jira qaar ceelal leh, kuwo dooxooyin leh iyo kuwo Ceelal biyo qadhaadh leh sida Degmada Gar’adag oo aanu xoolahu biyo la’aan u dhimanayn, halka kuwo kale ay jiraan dadkoo ku badan iyo biyo la’aan. Dhamaan baahiyahaas iyo warbixinadaas ayay si masuulnimo ah u dhegeysatay wasiiradu, kuna hawlgashay.
Goobtii Ay Ku Guddoonsiisay Gurmada Masuuliyiinta Ceerigaabo.
Kulan ayay la yeelatay wasiirada Ilhaam Maxamed Jaamac, Badhasaabka Gobolka iyo Maayorka, waxa ayna wixii loogu talo galay degmada Ceerigaabo u dhiibtay Maayarka Degmada Ceerigaabo iyo guddi uu keenay oo hore u sameeyey isagu, si ay wacan uga hawlgalaan abbaaraha, kana kooban sagaal xubnood, waxaana halkaas marka fadhiyey isu-duwaha beeraha ee Gobolka Sanaag iyo masuuliyiin kale, waxaa sidoo kale ka maquurtay Badhsaabka oo doonayey in dhamaan hawsha gobolka gacanta loo geliyo. Wararse aanu ka helay illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrinka uu salka ku hayo dareemo ka duwan kuwa ay ahayd ujeedada gurmadka abaareed.
Dareenka Shacbiga Sanaag.
Dadweynaha reer Sanaag ayaa aad u soo dhaweeyey talaabada xukuumada, waxayna sheegeen in ay sida xukuumada Somaliland ugu soo gurmatay ay tahay mid waajib ah oo ay guteen, annaguna aanu nahay bulsho baahideedii weji wacan ku qaabishay gurmadkii xukuumada oo ay gadh-wadeen ka tahay wasiiradu noo keentay ayay ku tiraabeen dadweyne badan oo reer sanaag ah oo ku faraxsan sida wasiiradu u hawlgashay. Illaahay waxa ay uga baryayaan sidaas ay u qaabileen baahida shacbigooda in iyagana u illaaliyo xukuumada Somaliland, waxayna sheegeen sharaftu in ay sidan ku jirto.
Maxaa Loo Qaybin Waayey Lacagta iyo Gurmadka Loo Dhiibay Masuuliyiinta Ceerigaabo?
Waxaase warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen, in aan weli baahida agabkii iyo lacagtii gurmad abbaaraha ee loo dhiibay masuuliyiinta degmada Ceerigaabo oo runtii markii hore dareen ka muujiyey sida loo qaybiyey, weli aan dadkii u baahnaa loogu qaybin. Middaas oo u markhaati noqonaysa welwelkii laga qabay in ay sidii loo talo-galay ay u qaybin waayaan, welina welwelkaasi ma saldhigin.
Annaga oo isku daynay in aanu arrinkaas dareenka ah wax ka waydiino masuuliyiinta Ceerigaabo, ayaanay noo suurtogelin in aanu telefoonka ku helo, badhsaabka iyo maayorka midkoodna.
Gunaanad iyo talo guud.
Masuuliyiinta iyo saxaafada waxaa saaran in ay la jaan-qaadaan ummada, waxaa haboon in aan ummada loo qaybin beelo, duruufaha siyaasadeed ee gaarka ahna aanu danyarta baahan loo isticmaalin, waxaana taladu tahay, waa in ay masuuliyiinta Degmada ceerigaabo ka koraan ku gorgortanka danyarta iyo bulshada ay maamulaan.
Xilku wuxuu u baahan yahay in aad dareenka la wadaagtid bulshadaada, waa in aad ka xishootaa ku tumashada iyo ku tacadiga danyarta. Sidoo kale waa in aan milgaha iyo dhaqanka laga tegein, laga xishooda birmagaydada iyo haldoorka mudan txigelinta. Wasiirada Ilhaam Maxamed Jaamac ninkii doonaa ha ka xanaaqee waxa ay gaydaa in loo qiro hormuudnimada, dadkeeda ayay qiimaysaa, dalkeeda ayay jeceshay, dareen wadannimo ayay huwan tahay.