Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Suldaankii ugu horeeyay ee lagu aasay Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Suldaankii ugu horeeyay ee lagu aasay Hargeysa

Postby Mr_Alfaas » Fri Feb 18, 2011 1:43 pm

Suldaankii ugu horeeyay ee lagu aasay magaalada Hargeysa iyo magaca Suldaankii Somaliland ugu da’da yaraa

Qormadan Maanta inta aanan u gondo degin, waxaan si kooban u xusi doonaa taariikhdii iyo Hab-dhismeedkii Saldanada Guud ee ugu horeysay, kana hana qaaday Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay min 1722 kii oo Suldaankii ugu horeeyey la caleemo saaray Suldaan Guleed Cabdi Ciise Dhamal Illaahay haw naxariistee.

Muddadu Suldaan kastaa uu Xilkaa hayey:

1) Suldaan Guleed Cabdi Ciise 1722 - 1782 ( 60 sanno )

2) Suldaan Faraax Suldaan Guleed Cabdi 1782 - 1832 ( 50 sanno )

3) Suldaan Hassan Sul. Farah Sul. Guleed 1832 - 1835 ( 3 sanno )

4) Xilli Korintii Suldaan Diiriye 1835 - 1838 ( 3 sanno )

5) Sul. Diiriye Sul. Hassan Sul. Farah 1838 - 1942 (104 sanno)

6) Sul.Abdillahi Sul.Diiriye Sul. Hassan 1942 – 1967 ( 25 sanno)

7) Sul.Rashid Sul.Abdillahi Sul. Diiriye 1967 – 1969 ( 2 sanno)

8) Sul.Abdikadir Sul. A/llahi Sul. Diiriye 1969 - 1975 ( 6 sanno)

Hab Dhismeedka Saldanadu waxay ku qotontay oo Garbaha iyo Hareeraha ka taagnaa Bulasho weynta Culimadii, Cuqaashii, Ciidankii iyo Xooggi, Waxgaradkii iyo Xoolo Dhaqatadii.

1) Sul. Guleed Cabdi Ciise oo Xilka hayey 60 sanno ahaana Suldaankii Kowaad sida Taariikda lagu xusay, waxa uu ahaa Halyeygii ugu wax qabadka badnaa, hormoodkana ka ahaa hayaankii dheeraa ee Beeluhu kaga soo baxeen dhulka ballaadhan ee Gubanka ah ee lagu soo gaadhay Dhul-Daaqsimeed iyo Biyo.

Waxay Suldaan Guleed iyo Aabihii ba ay ku aasan yihiin Banka Aroori ee Burco dusheeda ah. La Taliyaha Suldaankuna wuxu ahaa Sh. Magan Hassan Abdi.

2) Sul. Farah Sul. Guleed Cabdi (1782-1832) 50 sanno ayuu suldaan ahaa,

Sul. Farah intu suldaankaa ahaa, waxa u suurto gashay Bilawgii Qarnigii 18 aad in uu Saldanada dejiyo Dooxooyinka Hargeysa, waana Kobta ugu ku dhashay Hassan Suldaan Farah, kuna barbaaray, Quraankana uu ku bartay dooxooyinkaas Hargeisa.

Sidan Qormadii hore ee 14/12/10 aan ku soo bandhigay, Suldaan Farah waxa u fududeeyey xilkan, Xidhiidhkii uu la lahaa Caalamu Al-Carab iyo Culimadii garabka taagneyd ee Aqoontq Diinta ku hagaysay, Ciidan Boqor oo dhisnaa iyo Dadkiisii. Suldaanka waxa uu sannadkii 1805 kii uu suurto gashay in uu guto waajibkii Hajka, iyada oo ay weheliyeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Sheekh Magan Hassan, waxayna ka gudbeen Cadan iyo dhulkaa dheer ee Yeman iyo Sucuudiga. Muddada uu suldaanku soo gudanaayey Xajka, waxa ku Sime ahaa oo Xilka sii hayey Giire Mohamed Fiqi Yussuf.

Taariikhdu dadkay hagtaa, Bilawgii Degitaanka Hargeisa iyo Aasaaskeedii waxay u dhigan tahay inay ahayd, bilawga xilligii Suldaan Farah Suldaan Guleed 1800 gii.

Illaahay haw naxariistee Suldaan Farah waxa uu ku aasan yahay Lafa-Ruug, waxaana uu ku baxay gacan Ibnu Adam oo ahayd Huwan la odhan jiray Solo Gudub oo Deeganka ahayd. Dilkaa Suldaanku waxa uu soo dedejiyey Weeraradii ugu cuslaa ee Abid Ciidamadii Boqor ay qaadaan ee Dhulka ugu badan ay ku hantiyeen una badnaa Dhulkii aynu 1988 aynu ku qaxnay ee lagu nagaaday. Ciidankaa Boqor waxa Abaan Duule u ahaa Jamac Yuusuf Oog ,,Jama-Yey,, soona gaadhay Suldaan Diiriye;

Marjaca Aasaaska Hargeisa ee Suldaan Farah:

* Risaalaadkii Suldaan Farah iyo Sheikh Saqr Bin Mohamed Al Qaasimi ay is weydaarsadeen, xiligaas oo Saldhigga Saladanadu ay Hargeisa.
* Labada Ceel ee Xakamane iyo Af Weyne ee qodnaa xiligii laga kicinaayey bulshadii Deganeyd ee ila hadda Raadkoodii sii jiro ee muuqda kuna yaala agagaarka Qabriga Sheekh Nuur.
* Cabdi Hurre Suldaan Farah oo maanta Nool, Miyir iyo Xasuusna qaba, Boqol sano jira, Boqol ka horeeyeyna taariikhdeeda haya.
* Waxa sidoo kale nool Farah Cali Geedi oo Geelii Indha Badane Taariikh ballaadhan ku lahaa oo Boqol kor u dhaafay.
* Waxa Raggaa aan tilmaamay la Ilmaadeer ahaa Haji Abdi Hussein Yussuf oo Qaamuuska Qaran Somaliland ah, Miisaan weyna ku leh Taariikhda somaliland iyo Qabaailka Somaliyeed ee Jaarka aynu nahay.
* Dhulka baacaa iyo Ballaadhkaa leh waxa lagu hantiyey Cudud iyo Waran Caaradii.
* Meel aan Saldanadu degin iyo Dhul aan Ciidan Boqor Qabsanin, Isaaq ma hantiyin mana degin.
* Waxa Xusid Taariikheed Mudan in aynu ogaano Beelaha Qaybta libaax ku lahaa Awoodi lagu hantiyey Ceelka Hargeisa ee Barakaysan, Maantana ah Caasimadda Dalka S/Land iyo Nawaaxigiisa, in ay ka mid ahayd Beesha Arab Sheekh Isxaaq (Cumar-Arab) iyada oo xiligaas ay labada Beelood iyo Ayuub Sheekh Isxaaq ay lahaayeen Heshiis, in wadajir lagu xalaaleeyo dhulkan oo laga riixaayey Beelaha aynu ood wadaagta ka nahay dhinaca Hawd ee weli aynu Geela kala qaadno.

3) Suldaan Hassan Sul. Farah Sul. Suldaan Guleed (1835-1838) 3 sanno na ahaa:

Sul. Hassan wuxu ahaa Suldaankii ugu horeeyey ee ku dhasha Hargeisa, isla markaana wuxu ahaa Suldaankii koowaad ee lagu aaso Hargeisa 1835 kii, waxana uu ku aasan yahay Xabaalaha Salaadiinta ee ka soo horjeeda Dugsiga New Hargeisa, waxana isku meel ku duugan Afar suldaan oo is dhalay.

Muddada kooban ee Suldaan Hassan uu Xilka hayey, Kobta uu ku aasan yahay waxay caddeyn iyo lama sheegtaan u tahay in Hargeysa ay deganaayeen Saddexda Beelood ee aan kor xusay ama Ciidagale, Arab iyo Ayuub inka badan 50 sanno inta aanu Iman Sheekh Madar, halka Beeshii Afraad ay Waqooyi Bari ka soo degtay Hargeysa ay ahaayeen Isxaaq Carre Siciid.

Kolkan halkaa soo gaadhsiiyey Qormadan maanta, Kolkan Saddex Suldaan iyo laba Caalin isugu Abtiriyey, kolkan ku suntay Far iyo Dhaadkii Geelayaga, waxa aan muran iyo Buug baa la qoray lagu sheegan karin Bilawgii Degitaanka Hargeisa.

4) Sul.Diiriye Sul. Hassan Sul.Farah ( 1838-1942) Xilkana hayey 104 sanno:

Suldaan Diiriye oo ahaa Suldaankii ugu da’da yaraa, ugana muddada dheeraa, ayaa ahaa 13 jir kolkuu Aabbihii dhintay. Waxa loo saaray Guddi ( Lajnad ) ku sinta intuu 16 jir gaadhaayo, Waxana 1838 kii lagu caleemo saaray Ceelka Hargeisa.

Waxan Qormada Saddexaad idin soo gudbin doonaa, Taariikhdii dheerayd ee Suldaanka oo ay soo gelidoonto Imaatinkii Ingiriiska, Imaatinkii Sheekh Madar iyo tii Lord Delamere iyo sidu ugu gudbay Kenya iyo Ciddii Dal marisay.

Dhammaan inta dhimatay ee magacyadooda aan ku xusay qoraalkan, waxaan Illaahay ka baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Aammiin.

Waa inoo mar kale iyo Qormada Saddexaad oo aan soo gaadhsiin doono ilaa Suldaan Abdikadir oo dhamayd 137 sanno.

Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan

Ludvika Sweden
benhassan39@yahoo.com

source:somalidiasporanews.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: Hanna1524 and 8 guests