Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn

Postby Bohol iyo karaman » Fri Feb 18, 2011 11:41 pm

Dhismaha Guriga Maxakamada Ceelafweyn
Image

Axmed IIdle Saleebaan -Gudoomiyaha Maxakamada Rafcaanka Gobolka Sanaag-
Image

Xafladii Furitaanka Maxakamada Ceelafweyn
Image


Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn
Munaasibad xadhiga lagaga jarayey dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada ceelafweyn ee gobolka sanaag ayaa lagu qabtay xarunta maxkamada degmada Ceelafweyn
Xaflada dhismahan cusub ee maxkamada degmada ceelafweyn ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha maxkamada racfaanka ee gobolka , xoghaya maamulka fulinta ee gobolka , maayorka degmada ceelafweyn, masuuliyiinta iyo madaxda laamaha dawlada ee degmada ceelafweyn, cuqaal, guurti iyo dadweyne aad u tiro badan.
Sheikh maxamuud sheikh xuseen oo oo ku hadlayey afka garsoorayaasha maxkamada degmada ceelafweyn oo ugu horaynba munaasibadaasi ka hadlay ayaa tibaax ka bixiyey duruufahii kala duwanaa ee maxkamadoodu ku soo martay tan iyo xiligii la furay, wuxuuna xusay in maxkamadu hore u shaqayn jirtey balse dhismahan cusubi ku soo kordhay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin dhismahan cusub ee ay ku hawl-geli doonaan.
Maayorka degmada Ceelafweyn Mursal Askar Mire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada cadaalada iyo garsoorka, wuxuuna u mahad celiyey cidkasta oo gacan ka geystay hirgelinta dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn, waxaanu ka codsaday hayada UNDP in barmaamijka maxkamadaha wareega ay ka caawiyaan garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada ka qayb-qaadanayaba dhinaca gunada si barmaamijkani u noqdo buu yidhi mid laga gaadho hadafkii iyo ujeedadii laga lahaa.
Xoghyaha maamulka fulinta ee gobolka sanaag cabdiraxmaan jaamac faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ku nuuxnuuxsaday cadaalada iyo ilaalinteeda iyo sida loogu baahan yahay in garsoorku ugu shaqeeyo cadaalad iyo sinaan
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay chief caqil Maxamed Cabdi Soofe iyo Isaxaaq Awjaamac oo labadooduba ku dheeraaday cadaalada iyo dhawristeeda, , waxayna farta ku fiiqeen asbaabaha keena cadaalada darada iyo weliba talooyin ku aadan sidii bulshada uga hortegi lahayd dhiirigelinta wiiqida cadaalada. iyagoo bulshadana ku booriyey inay taageeraan cadaalada iyo garsoorka.
Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka ee gobolka sanaag sheikh Axmed Iidle Suleymaan oo gebagebadii munaasibadaas ka hadlay ayaa isaguna ka waramay hawlaha garsoorka ee maxkamadaha gobolka sanaag iyo halka ay marayaan, isagoo uga mahad celiyeyna hayada UNDP dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn iyo qalabaynteedaba, wuxu kaloo xusay in dhismaha maxkamada racfaanka ee gobolka sanaag iyo deyrka maxkamadaha gobolkaba ay ka caawisay hayadaUNDP.
Wuxuu kaloo intaasi ku daray in dhamaanba degmooyinka gobolka sanaag laga hirgelin doono barmaamijka maxkamadaha wareega (Mobile Courts system) si buu yidhi dadka danyarta ahi degaamadooda ugu helaan dhamaystirka adeegyada garsoorka ay u baahan yihiin ee maxkamadaha gobolka iyo racfaankaba si ay uga maarmaan tiigtii ay maxkamadaha u tegi jireen meelaha durugsan.
Waxana uu gudoomiyaha racfaanku ugu danbayntii ku adkeeyey ciidamada boliiska, asluubta iyo maxkamadahaba ee degmada ceel-afweyn in ay ku dhiiradaan meel marinta sharciga iyo hirgelintiisaba iyadoon marnaba lagu xadgudbayn buu yidhi xaqa iyo xuquuqda muwaadiniintu leeyihiin..
Intaa kadibna gudoomiyaha maxkamada racfaanka iyo madaxdii wehelisayba waxay ku soo wareegeen dhamaanba qaybaha xarunta dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn

Waxa xusid mudaan Gudoomiyaha loo magcaabey Maxakamada Degmada Ceelafweyn Sh. Maxamuud Sh. Xuseen, waa nin dadwaynaha reer Ceelafweyn aad ugu kal soonyahiin

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afwe

Postby Siciid85 » Sat Feb 19, 2011 9:55 am

:up:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afwe

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 19, 2011 10:00 am

well done :sland: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests