Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Pirateland told to stand down by Habashis

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
razer
Posts: 124
Joined: Fri Oct 22, 2010 5:42 am

Pirateland told to stand down by Habashis

Postby razer » Wed Feb 23, 2011 5:35 am

Ciidanka Qaranka oo Heegan Culus la geliyey iyo Ethiopia oo Faroole uga digtay Dagaal ka dhan ah Somaliland

Midowga Yurub oo Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay is Xakameeyaan si Xaaladda loo dejiyo

Laascaanood (Waaheen)-Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa maalmihii ugu dambeeyey laga dareemayey abaabul Ciidan, Xiisad dagaal iyo diyaar garaw Balaadhan oo ka muuqda Ciidanka Qaranka Somaliland,ka dib markii ciidamo ka socda Maamulka Puintland la sheegay inay soo gaadheen magaalada Tukaraq.
Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku gaashaaman Gaadiidka Dagaalka ayaa lagu arkayey Shalay iyagoo u socda kolanyo oo u sii Guuraya dhinaca Bari ee Magaalada Laascaanood,kuwaasoo isu diyaarinaya sidii ay u waajihi lahaayeen Ciidamada Maamulka Faroole iyo Kooxaha ka barbar Dagaalamayaa ee ku sugan Tuko raq hadii ay isku dayaan inay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiidaha Gobolka Sool.
sida Waaheen ay u sheegeen dad ku sugan Gudaha magaaalada Laascaanood,gaar ahaan suuqa weyna Magaaladaasi ayaa waxaa dhex gaaf wareeayey maalmihii ugu dambeeyey Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska magaalada laascaanood,kuwaasoo si weyn u ilaalinaya Nabadgeliyada Magaalada si aanay kooxaha Nabad diidka ah uga faa’daysan Xiisada taagan,kana fulin Weeraro argaggixiso iyo kuwo qorshaysan oo ka dhan shacabka magaalada iyo Ciidamada Qaranka.
Ciidamada Maamulka Puntland keenay Tukaraq oo sida la sheegay wata tiknikadii ilaalada madaxtoooyada Puntland oo keliya,isla markaana ay la joogaan kooxo hore uga tirsanaan jiray Kooxda Nabad diidka ah ee isku magacawday SSC ayaa la sheegay inay isu soo uruursadeen weerar ka dhan Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiidaha Gobolka Sool.
dhaqdhaqaaqan Ciidan ee Gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya Xili uu Madaxweyne Faroole saraf aan la shaacin ku jooga wadamka Itoobiya,kaasoo sida warar Xogo gaal ah ay sheegayaan in Madaxda dawlada Ethiopia ay kaga wada hadleen Xaalada ka oogan Buuhoodle iyo Kooxa Weerarada ku soo qaaday Ciidamada Somaliland ee uu ku habjabay in uu ka garab dagaalami, wararku waxa uu intaasi raaciyey in dawlada Ethiopia u sheegtay Mr Faroole in aanu qaadi karin talaabo ciidan,isla markaana aanu wax dagal ah la geli karin Ciidamada Somaliland.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa Baaq ka soo Saaray Iska Hor Imaadyada Ka Dhacayey Agagaaraha Buuhooldle Iyo kalshaale

iyadoo lala kaashanaya Madaxda Ergooyinka Midowga Yurub ee Nairobi ayaa Ergada Midowga yurub waxay soo sareen bayaanka soo socda:

Midowga Yurub wuxuu si dareen qota dheer leh ula socdaa iska hor imaadyada colaada ah ee dhawaanaha ka dhacayey agagaaraha Buuhoodle iyo Laas Canood.

Isku dhacyadaasi waxay dhaawacayaan amniga iyo xasiloonidda ka jirta Somaliland iyo Puntland iyadoo ay sii carqaladaynayso nolosha dadka deegaankaasi.

Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku howlahan arrinkan in ay isxakameeyaan si xaalada loo dejiyo, xal nabadeedna loogu raadiyo khilaafka.

Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan siiyo dadaalada horumarineed ee dadka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna ka walaacsan yahay in isku dhacyadaasi iyo colaadahaas sida kuwa dhawaanta la arkay ay curyaamiyaan dadaaladaas.
:D :D

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests

cron