Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somaliland

Postby Siciid85 » Mon Mar 14, 2011 6:42 pm

Warshada Casriya Oo Biyaha Safeysa Ayaa Maanta Laga Furay Tuulada Bixin Duule Oo Ka tirsan Gobolka Saaxil.

Berbera(Ramaas) Mar.14, 2011 - Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water.

Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso, waxaanay bogcadani bixin duule ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray.


Waxa biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water) hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo, waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan. Biyaha durdurkani waxa ay ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin), waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka Somaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay.


Waxa furitaankii warshadan biyaha ee Zamzam maanta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobolkasta, ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq Axmed Galiixo kamid ahaa "Waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si le’eg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh, waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee Somaliland, waxaananu rajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.


Waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed, waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman, taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahadnaqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba.

Intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee Zamzam Maxamed xassan Tukaale, waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka, ta degmada, ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay, intaa kadib waxan jecelahay in aan maanta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkasta oo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay, sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay. Dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company.



Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Cabdala Sandheere), oo xadhiga ka jaray waxa hadaladiisii kamid ahaa "Waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule, laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya. Waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh, waxaanan ganacsatada warshadan maanta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar, kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno, waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho.
Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin.


Image


Image


Image

Image

Image


Image


Image

Image

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby SahanGalbeed » Mon Mar 14, 2011 6:49 pm

Yay to progress ! :sland:

User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby Corruption1 » Mon Mar 14, 2011 8:06 pm

Looks awesome :up: :up: :up:

Morrison
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 298
Joined: Fri Dec 21, 2007 10:17 pm

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby Morrison » Mon Mar 14, 2011 8:19 pm

welldone somaliland
“Don't wait until everything is just right. It will never be perfect. There will always be challenges, obstacles and less than perfect conditions. So what. Get started now. With each step you take, you will grow stronger and stronger, more and more skilled, more and more self-confident and more and more successful.”
Mark Victor Hansen

User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby HooBariiska » Mon Mar 14, 2011 11:58 pm

:sland: :sland: :sland: :up: :up:

snuten2006
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 386
Joined: Thu May 10, 2007 2:22 pm
Location: My money - young money

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby snuten2006 » Tue Mar 15, 2011 4:27 am

Great:)

How many mineral water companies are working in Somaliland now? Maaxda, Xareeda, ZamZam, etc??? Also some companies import mineral water from abroad. How is the business?

User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby LiquidHYDROGEN » Tue Mar 15, 2011 4:33 am

:up: :sland: :rose:

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby LiQaaye_TDH » Tue Mar 15, 2011 3:22 pm

Great:)

How many mineral water companies are working in Somaliland now? Maaxda, Xareeda, ZamZam, etc??? Also some companies import mineral water from abroad. How is the business?
Maaxda
Zamzam
Xareed
Saxansaxo
Ebyan
Hargeisa

and prolly more to come... in Burco alone there 3 companies... even thou this creates work :up: but we need some new ideas....

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: New Mineral Water Company opened in Saaxil - Somalilan

Postby Cali_Gaab » Tue Mar 15, 2011 3:24 pm

:clap: :clap: :clap: :clap:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests