Puntland, Galmudug Agree to Cooperate On the Security
The semi-autonomous state of Somalia's Puntland and Galmudug state, a self styled administration in Mudug region on Saturday announced they had signed bilateral agreement in which the two administrations will cooperate on the security issues.
After uninterrupted meetings Puntland and Galmudug officials held in Garowe town, the capital of Puntland autonomous province, officials focused how the security and tranquility of their territories could be assured through collaborations.
Asho Gelli Diriy, Puntland's minister for women and family affairs has told the local media that Puntland and Galmudug agreed to unite against the repeated insecurity and planned assassinations against officials in the those regions they control.
For his part, Abdisamad Nur Guled, Galmudug's vice president spoke at Garowe, saying that they Puntland and Galmudug are ready to work towards peace.
Puntland iyo Galmudug oo gaadhay heshiish dhinacyo badan Tabanaya
Xaflad lagu soo bandhigayey heshiis dhinacyo badan Taabanaya oo ay wada Gaadheen Maamulada Gal Mudug iyo Buntlaandh ayaa waxaa ay xalay ka dhacday xaruunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe iyadoo halkaasi laga jeediyey khudbado waxyaalo dhowr ah lagu sheegay.
Heshiiskaan ayaa ka koobnaa saddex qodob oo waa wayn oo ay si wada jir ah u saxiixeen Madaxda labbada dhinac ee buntlaadh iyo Gal Mudug oo shir dheer kadib qodobadaan soo saaray.
Xal u helida Arimaha Soomaaliya.
Arimaha Nabad gelyada Labbada dhinac.
iskaashiga dhinac walba.
Intaasi waxaa dheer nuqulo dhowr ah oo ay ku midaysan yihiin labbada dhinac sida La dagaalanka Argagixisada, dhaleecaynta wakhti kororsiga baarlamanka soomaaliya, iyo midaynta ciidamo ay leeyihiin labbada maamul oo ka shaqeeya difaacada deeganada Galmudug iyo buntlaandh.
Madaxweyne ku xigeenka Gal Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo dhankiisa heshiiska u saxiixay ayaa waxaa uu xaflada ka jeediyey khudbad dheer Taasi oo kaga hadlay heshiiska isagoo sheegay in kulankaani yahay kii ugu horeeyey ee lagu gaadhi lahaa xal u helida dalka soomaaliya.
Faroole ayaa isagu waxaa uu guul ku Tilmaamay heshiiska dhinacyada badan Tabanaya ee ay wada gaadheen Gal Mudug iyo buntlaand, isagoo hadalkiisa sii raaciyey in uu noqon doono heshiiskaan mid bilowgii dib u heshiisiinta dhabta ah ee soomaaliya, waxaa kaloo uu aad hadalka ugu adkeeyey in la adkeeyo qodobada ka hadlaya la dagaalanka burcad badeeda iyo sugida Amniga, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday nuqul ikaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha Taas oo wakhtigaan loo baahan in wax laga wada qabto.
15-bishaan ayey ahayd markii saraakiil ka Tirsan Gal mudug oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi ay soo gaadheen Garoowe kuwaasi oo muddo labba Maalmood shir kula jiray buntlaandh, kadibna laga soo saaray Heshiiskaan wada jirka ah.
Nuquladii Heshiiska Labbada Dhinac.
Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa 15kii Febraayo 2011 waxa ay soo
gaareen caasimadda Dawladda Puntland (Garoowe). Ujeedada kulanka oo
ahayd in ay ka wada hadlaan sidii labada maamul ay u yeelan lahaayeen
iskaashi darisnimo iyo sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen wixii
khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana deegaanada ay
maamulaan.
Gudagaliddii arrimihii iskaashiga guud waxaa ka wada qaybgalay
Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana laga wada hadlay ajande ka
kooban Saddex qodob oo kala ah:
Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
• Sidee mowqif cad oo isku mid ah looga istaagi karaa xaaladda Soomaaliya?
• Arrinta waqti kororsiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda kumeelgaarka ah.
• Sidee shir dib u heshiisiineed loo qaban karaa, xaggeese lagu qaban karaa?
Arrimaha Nabadgalyada:
• Ka wadashaqaynta dhinaca berriga iyo badda
• Xoojinta ka wadashaqaynta nabadgalyada
• Iskuxirka maamullada.
Iskaashi dhinac walba ah
• Iskaashiga dhaqaalaha iyo Ganacsiga
• Iskaashiga arrimaha bulshada (waxbarashada, isboortiga iyo caafimaadka)
• Iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha.
Madaxda labada dhinac markii ay lafa gureen qodobada kor ku xusan ayna
uga doodeen qodob qodob waxaa lagu heshiiyey:
Qodobka Koowaad
Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
Iyadoo arrimaha Soomaaliya marayaan marxalad khatar ah waxay Puntland
iyo Galmudug Isla garteen:
In midnimadda Soomaaliyeed tahay lagama maarmaan, iyadoo loo marayo
nidaamka Dawladnimo ee Federaaliga ah.
In kororsiimada xilligan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka
ah aysan munaasib u ahayn ummadda Soomaaliyeed waqtigan, taasoo niyad
jab ku riday shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.
Waxaan u aragnaa in xalka Soomaaliya ku jiro in la qabto shirwayne
Qaran oo u gogolxaaraya sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo
loo dhan yahay, laguna qabto dalka gudihiisa meeshii ku haboon.
Shirwaynaha qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhamaadaa mudada u
harsan DFKM, oo ah 20 Agosto,2011.
In la sameeyo gudi qabanqaabo oo uu yeesho Shirwaynaha qaran,kana
kala yimaada DFKM, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna Wal
jamaaca, maamulada kale iyo wakiillo ka socda deegaanadda aan
maamuladu u dhisnayn.
Si uu habsami ugu qabsoomo shirwayne qaran waxay Dawlad Goboleedka
Galmudug xil iska saareysaa in ay dhexdhexaadiso DFKM iyo Dawlada
Puntland.
Qodobka LabaadAmniga guud:
• In ay si wadajir ah ula dagaallamaan koox ama shaqsi kasta oo ku
sifooba argagixisanimo ku soo wajahan xuduudaha ay maamulaan.
• Wixii falal argagixiso ah oo ka dhaca maamul gudihiis waxay labada
maamul ka wada yeelanayaan iskaashi dhaqaale, siyaaso iyo sirdoon.
• In ay isu celiyaan dambiilayaasha gala falalka dilalka iyo dhaca
hantiyeed ee u kala gudba labada maamul.
• In burcadbadeedda si wadajir ah loogala dagaallamo lagana suuliyo
degaannada Puntland iyo Galmudug ay maamulaan.
• In la sameeyo labo guddi oo kala ah:
b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10
(toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan,
isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan
kulan degdeg ah.
t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban)
xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna
magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya.
j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad
gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo.
• Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa
labada maamul.
Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga:
Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol
Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey
xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug
Waajibaadka Guddiga Fulinta ee heer Gobol
Iskuxirka arrimaha nabadgalyada gobolka
Joogtaynta xiriirka iyo wadashaqaynta gobolka
Qorshe u dajinta hawlaha nabadgalyadda gobolka
Meelmarinta intifaacsiga biyaha iyo daaqa si nabadgalyo ah
Joogteynta xiriir wadashaqayneed ee labada ciidan.
Abuuriida ciidan wadajir ah oo ka hawgala ka hortagga falalka
argagixisada iyo shaqaaqooyinka markii loo baahdo
Joogtaynta latashiga iyo wargalinta Guddiga Sare ee Nabadgalyada
iyo Iskaashiga.
Qodobka Saddexaad:
Iskaashi Dhinac walba ah
In iskaashi dhinac walba ah ay ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada,
dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.
Waxa ay baaq caalami ah ka soo jeediyeen abaaraha, waxayna
Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ka codsadeen in ay kaalmo
bini’aadannimo la soo gaaraan gobolada ay abaaruhu sida ba’an u wax
yeelleeyeen xoolihiina dhaafeen.
Waxaa la isku raacay in la soo dhaweeyo barakacayaasha ka soo
cararey gobollada ay dagaaladu aafeeyeen.
Dhaqangalka Heshiiska:
Heshiiskaani waxaa uu dhaqangalayaa marka labada maamul ay saxiixaan
Magacyadda Xubnaha Puntland iyo Galmudug
Dawladda Puntland
Gen. Cabdisamad Cali Shire
Madaxwayne kuxigeenka Puntland
Gen Yusuf Axmed Khayr
Wasiirka Aminiga iyo DDR
Caasha Gelle Diriye
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
Cabdiwali Xirsi Cabdulle
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo
Ciyaaraha
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale
Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Cali Yuusuf Cali-Xoosh
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Burhaan Cilmi Hirsi
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska
Magacyadda Xubnaha Galmudug
Abdisamad Nuur Guuleed
Madaxwayne kuxigeenka Galmudug
Xasan Faarax Barre
Wasiirka Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka
Cabdullahi Jaamac Dhoore
Wasiirka Maaliyadda
S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
Cali Xaashi Dhoore
Saxiixa Rasmiga ah ee Heshiiska Puntland iyo Galmudug
Gen. Cabdisamad Cali Shire Cabdisamad Nuur Guuleed
Madaxwayne Kuxigeenka Madaxwayne Kuxigeenka
Puntland Galmudug
Plus this shir was held in Garowe!
Puntland And Galmudug are working together and there is nothing you could do about it except calacal.
