Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shirkada SOMTEL Oo Xarun Cusub Ka Furtey Degmada Tog-Wajaale

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
HornStar
Posts: 29
Joined: Tue May 04, 2010 2:23 pm
Location: DahabshiiL - Money

Shirkada SOMTEL Oo Xarun Cusub Ka Furtey Degmada Tog-Wajaale

Postby HornStar » Fri Mar 25, 2011 3:07 pm

Shirkada SOMTEL Oo Xarun Cusub Ka Furtey Degmada Tog-Wajaale Iyo Laamo Qeybtii Labaad Ah Oo Laga Furey Gabiley Iyo Arabsiyo

Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Somtel ayaa, markii u horeysay maanta ka furtey Magaalada Tog-Wajaale Xarun Cusub oo loogu tala galay Xarunta Isgaadhsiinta Shirkada Somtel ee Magaalada Tog-Wajaale.
Munaasibadii furitaanka Xarunta Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ee Tog-Wajaale, oo si weyn loo soo agaasimay, islamarkaana lagu qabtey Huteel cusub oo dhawaan laga furey Tog-wajaale Rayo Huteel, waxa kasoo qeyb galey Maamulka Degmada Tog-Wajaale,Ganacasatada ,Culumaa,udiinka iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi(Xaashi dhaga-dheere), oo halkaa ugu horeyn hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay ahmiyada ay isgaadhsiintu u leedahay, xidhiidhka dadweynaha, isagoo si gaar ahna farta ugu fiiqay, in ay Magaalada Tog-Wajaale xudun u tahey Ganacsiga Somaliland, waxaanu xusay Gudoomiyuhu in ay tahey Tog-Wajaale marinka u weyn ee xidhiidhiya shacbi weynaha labada dale e Somaliland iyo Itoobiya, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa hadaladiisii kamid ahaa.

“Hadaanu nahey Maamulka Degmada Tog-Wajaale waxaanu gacmo furan ku soo dhaweyneynaa Xarunta cusub, ee ay maanta Tog-Wajaale ka furaneyso Shirkada Somtel iyadoo Magaaladani ay xudun u tahey Ganacsiga Somaliland,islamarkaana ay tahey marinka xuduuda ee xidhiidhiya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,waxaanan fursadan uga faa,ideysanayaa Huteelkan Xaflada lagu qabtey oo isagana dhawaan la furey Rayo Huteel dhamaantoodna Tog-Wajaale waxey u yihiin wax u soo kordhay oo ka qeyb qaadanaya dhaqdhaqaaqeeda”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed in ay Maamul ahaan soo dhaweynayaan, cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa in ay Tog-Wajaale ku soo kordhiso Ganacsigooda iyo wixii koboceeda ka qeyb qaadanaya.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay, Gudoomiye ku xigeenka waaxda Howl-galinta Shirkada Somtel Cusmaan Axmed Cabdi oo ka waramay qorshayaashooda mustaqbal ee dhinaca isgaadhsiinta iyo waxyaabaha ay ugu tala galeen macaamiishooda ee xidhiidhka dhinaca Isgaadhsiinta ah, isagoo xusay in ay Tog-Wajaale u hayaan ahmiyad balaadhan waxaanu faafaahin ka bixiyay adeegyada cusub ee gaarka u ah Shirkadooda Somtel.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay, Gudoomiye ku xigeenka waaxda Howl-galinta Shirkada Somtel Cusmaan Axmed Cabdi oo ka waramay qorshayaashooda mustaqbal ee dhinaca isgaadhsiinta iyo waxyaabaha ay ugu tala galeen macaamiishooda ee xidhiidhka dhinaca Isgaadhsiinta ah, isagoo xusay in ay Tog-Wajaale u hayaan ahmiyad balaadhan waxaanu faafaahin ka bixiyay adeegyada cusub ee gaarka u ah Shirkadooda Somtel.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadley,mid kamid ah odoyaasha deegaanka Tog-Wajaale, oo shirkada Somtel ku dardaarey in ay door, ku yeeshaan adeega dadweyanaha khusuusan Gobolada Galbeed ,sida Goboloda kale ee dalka.



Dhinaca kale Shirkada Isgaadhsiinta Somtel, waxey Xarumihii labaad ee Shirkadaasi maanta ka jareen xadhiga Magaalooyinka Gabiley, oiyo Arabsiyo oo iyaguna ka mid ah Xarumaha ay shirkada Somtel ku leedahay Gobolka Gabiley.



Sikastaba ha ahaatee Shirkada Somtel, ayaa mudooyinkan danbe kor u qaadey, dhaqdhaqaaqeeda adeega Isgaadhsiinta ee dhinaca Macaamiisha dadweynaha,iyadoo xiligana ku soo kordhisay adeegooda adeegyo cusub oo ka qeyb qaadanaya adeegooda Isgaadhsiinta ee dhinaca dadweynaha, taas oo ay qeyb ka tahey Xarumaha cusub ee ay maanta ka fureen Gobolka Gabiley







Image

Image

Image

Image

Image

Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: Hanna1524 and 22 guests