Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Agaasime Goboleedyadan oo ah shan xubnood

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Agaasime Goboleedyadan oo ah shan xubnood

Postby Mr_Alfaas » Thu Mar 31, 2011 8:11 am

Hargeysa,(IshaNews)-Madaxtooyadda Somaliland ayaa la sheegay inay Saddexda Gobol ee Togdheer, Saaxil iyo Sanaag u Magacawday shan Agaasime Goboleed oo aan hore u jiri jirin, kuwaasoo loo kala magacaabay Wasaaradda Caafimaadka, Macdanta iyo Biyaha, Hay’ada WFP, Bangiyada iyo Waxbarashada.

Agaasimayaashan ayaa la sheegay dhamaantood inay isku beel yihiin Madaxweynaha iyo Chief of Cabinet-ka, waxaana la sheegay inay hawlaha wasaaradahaasi ee Saddexdaasi Gobol Dusha ka Maamuli doonaan.

Sida ay Waaheen u Xaqiijiyeen Ilo wareedyo u dhuun daloola Xubnahan ay Madaxtooyadu Magacawday ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay Masuuliyiinta la magacaabay kala yihiin iyaga iyo xilalka loo magacaabayba sidan:- Muuse Cabdi waxa loo Magacaabay Agaasimaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Gobolada Sanaag, Togdheer iyo Saaxil, Cabdi Yaasiina waxa loo magacaabay Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka ee Goboladaasi, Mustafe Faarax Cali Agaaimaha Hay’ada WFP, Cumar Cabadi Axmed Agaasimaha Bangiyada iyo Nin lagu Magaacaabo Lafoole oo isna loo Magacaabay Agaasimaha wasaarada Waxbarashada saddexdaasi Gobol u qaabilsan.

Lama oga ilaa hada sababta Agaasimayaashan Beesha Madaxweynaha ka soo wada jeeda ee aan hore u jiri jirin loo Magacaabay iyo Ujeedada ka dambaysa toona, balse magacaabistooda ayaa sida la sheegay waxa si weyn uga soo horjeestay dadweynaha ku dhaqan Gobolada Sanaag iyo Saaxiil, kuwaasoo Talaabadan lagu Magacaabay Agaasimayaashan ku tilmaamay mid aan loo sinayn, isla markaana meesha ka saaraysa Saamigii Maamulka Gobolada ay ku lahaayeen Beeluhu, maadaama shanta Xubnoodba ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha iyo Chief Of Cabinet-ka oo ka mid ah Beelaha Goboladaasi dega.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo arintaasi la xidhiidha oo ka soo baxay Xukuumadda iyo cida Rasmiyan u Magacawday Agaasimayaashan iyo sababta loo Magaacabay toona, hase yeeshee waxa shalay xaflad laba jaamacadood ku kala saxeexanayeen Heshiis ka sheegay Ku-simaha Xoghayaha guud ee UDUB C/xaliim Maxamed Muuse oo ka dhawaajiyay inay tahay arrin dhibaato ku ah goboladaas.

Arintan ayaa lagu waramayaa inay dareen Cadho leh ku abuurtay Dadweynaha iyo Madax dhaqameedka ku dhaqan Goboladaasi, kuwaasoo la sheegay inay qorshaynayaan inay qaadaan talaabo ay arintan kaga soo horjeedsanayaan sida uu noo xaqiijiyay wariyahayaga Gobolka Sanaag, kaasoo sheegay in dadka goboladaasi aaminsan yihiin in Agaasimayaashan isku beesha ka soo wada jeedaa yihiin Dad shaqadan Mushahar loogu samaynayo.

Wasaaradahan hada loo Magacaabay Agaasime Goboleedyada waxa hore u joogay isu Duwayaal u qaabilsanaa Xukuumadda Gobolada dalka, kuwaasoo shaqadoodu ahayd fulinta Maamulka hawlaha Wasaaradaha ee Goboladaasi, lamana oga waxa iska bedelay hawlihii ay isuduwayaashaasi ay u hayeen wasaaradahaasi iyo waxa ay awooddoodu noqon doonto, inkastoo la sheegay in ay isuduwayaasha wasaaradahaasi u jooga goboladaasi ay hoos imanayaan Agaasimayaashan cusub

Waaheen.

:lol: :lol:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 10 guests