Postby Siciid85 » Wed Apr 06, 2011 11:21 am
Xuska Sanad-Guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururka SNM Oo Maanta Loo Xusay Si Ka Qiimo Badan Xusaskii Siddeedii Sanadood Ee U Dambeeyay.
Hargeysa (Ramaas) Ap 6,2011- Sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ururkii SNM ee dhaliyey xoriyadda maanta Somaliland ku naaloonayso, isla-markaana shacabka ka dul-qaaday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa.
Xuskan sanad guurada 30-aad ee aasaaska ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa maanta loo xusay si ka duwan sidii loo xusi jiray wakhtigii talada dalka uu hayay Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee shawqaalaha dawlada isla-markaana la soo bandhigay taariikhda ma guurtada ah ee SNM ku leedahay guud ahaan dhulka soomalidu degto.
Munaasibadan ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, qaar ka mid ah aasaasayaashii sanadihii siddeetamaadkii SNM kaga dhawaaqay Magaaladda LODON ee cariga Ingiriiska mujaahidiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin xuska maanta oo si wayn uga duwanaa xusaskii 8-deedii sanadood ee ugu dambeeyay.
Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal Mujaahid Xasan Axmed, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu joognaa 6-da bisha aprill ah oo maalintii ururkii SNM la aasaasay, waxaana laga joogaa 30 sanadood oo 10-na la halgamayay 20-na dalka aynu haysanay. Anagu SNM ahaan waanu soo taaganahay maadaama oo guddoomiyihii SNM uu yahay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay in dadka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan, waxaanuna soo diyaarinay barnaamij horumarineed oo diyaar ah.”
Cabdisalaan Yaasiin Gabay-xadi, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka, kana mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee SNM aasaasay oo isna xaflada hadal dheer ka jeediyay ayaa soo qaaday “SNM waxay keentay dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, dawlada aynu haysanana cid inagu haysato, waayo waa dawladii aynu u dagaalanay ee aynu dhiiga u hurnay, sida aynu u sii adkaysanaynana inaga ayay inagu xidhan tahay, haddii la ina ictiraafo iyo haddii kaleba dalkan inaga ayaa leh ma yeelayno adduunimo, ma yeelayno cid dambe oo aanu maamulkeena iyo dawladnimadeena isku daba taagno, waa waxaa dadku u dhintay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aynu keenay dawladnimadii cadaalad ayay dawladnimadeenu wax ku noqon karaysaa, dadkii, dalkii iyo dawladii xorta ahaydba waynu haynaa, waana inaynu diyaarsano quwadeena oo dhan oo aynu wax walba iska celinaa.”ayuu yidhi.
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool saddexdii mujaahid ee ugu horeeyay ee ka baxa ciidamadii kaligii taliyihii Siyaad barre ee u talaaba dhinaca dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen kooxihii ugu horeeyay ee SNM oo isna halkaa kalmado muhiim ka yidhi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ILAAHAY naxariistee jano haka waraabiyo shuhaadadii u shahiiday halgankii aynu maanta dambarkiisii maalayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxa muhiim ah in taariikhdaa la ilaaliyo, ma waxaynu odhan karnaa dadka Soomaliyeed ee aynu soomalida isku ahayn ee aynu isku dawlada ahayn, haddii aynu nahay intan maanta Somaliland ah ama reer Waqooyiga nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn ama waynu ka muslimsanayn, farqiga maanta jira ee ta nabada ka dhigay Xamar iyo hareerahadana aynu wax ka socda aynu ognahay, waxaynu odhan karnaa waa biseylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka, sida ay xoriyadda aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabadana aabo ugu yihiin, haddii maalintii la wada kala aar-goostoo oo qabiil la wada noqon lahaa oo aynaan dawlad lahaan lahayn sidaa Xamar ayaynu ahaan lahayn ILAAHAY inagama dhigee.”
Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) isaguna ka mid ahaa dadkii halganka sida wayn uga qayb-qaatay isla-markaana isku hawla inuu ururiyo taariikhda mujaahidinta SNM ee shahiiday halganka ayaa isaguna tilmaamay “Intii SNM jirtay 6 guddoomiye ayaa is badalay, taasina dimuqraadiyadda SNM ayay ahayd.”ayuu yidhi Muj. Boobe.
Munaasibadan loo sameeyay xuska sanad guurada oo uu sidoo kale ka hadlay Maxamed Xasan Yoonis Habane oo uu dhalay taliyihii ciidanka qaranka Somaliland ee dhawaanta geeriyooday ayaa iyaguna waxa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirka daakhliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose.