Postby juzme123 » Wed Apr 06, 2011 10:52 am
Awdal Diaspora in Sweden and The Netherlands speak
BAAQ IYO CABAAREYN KA TIMID JAALIYADA AWDAL/SALAL EE WADAMADA HOLLAND IYO SWEDEN
April 04, 2011 By: adal Category: Baaq
Annaga oo ka faaiidaysanayna fursada ay nasiisay shabakadan caalamiga ee Saylicipress.net waxan halkan uga soo gudbinaynaa bulshoweynta reer somaliland , mawqifka ay beesha awdal iyo selel ee degan wadamada sweden iyo holland ee ku wajahan magaca riyada iyo been abuurka ku salaysan ee lagu sheegay AWDALSTATE.
markii aan eegnay ee aan ogaanay fekerka , macnaha iyo waliba dadka ka dambeeya ku dhawaaqida magacan riyada iyo jaahwareerka ah oo u adeegaya dad iyo dano shisheeye
markii aan eegnay danta iyo isku duubnida beelaha awdal iyo selel iyo waliba daris wadaaga beelaha kale ee somaliland inuu lid ku yahay ku dhawaaqidan laablakaca ahi
markii aan dhegaysanay siyaasiyiin , waxgaradka iyo bulshoweynta maanta ku nool goboladaas iyo guud ahaan ba somaliland.
markii aan ogaanay inuu magacan khaladka loo adeegsanayo uu halis galin karo nabadgelyada , xasiloonida iyo oodwadaaga beelaha soomaliland isla markaasna aysan waxba ka qaban karin nimanka maanta ku dhawaaqay hadiiba nabadgelyadu faraha ka baxdo sidii taariikhdu ina bartay 1991dii.
Waxaan halkan cambaarayn uga soo jeedinaynaa nimanka ku dhwaaqay waxa ay ugu yeedheen AWDALSTATE oo aan marnaba ka turjumayn fekerka iyo rabitaanka bulshoweynta awdal iyo salal . Waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah uga noqdaan ku dhawaaqidaas oo aanu u aragno mid u adeegaysa dad iyo dano shisheeye .
Waxaan bulshoweynta reer awdal ku boorinaynaa in aanay dhegta u raaricin been iyo feker qaldan oo uga yimaada dad , urur iiyo siyaasado aan haybtooda iyo mustaqbalkooda aan la ogeyn.
Waxaa baaqan iyo cambaareyntan diray:
1-muuse aaden ducaale (odey dhaqameed)
2-axmed maxamed xudhuun( siyaasi)
3-haybe ciise ( baayacmushtari)
4-muxuyadiin axmed ducaale( siyaasi)
5-yaasiin maydhane geele ( xafiiska wacyi-galinta beelaha somaliland)
6-siciid muuse dixood( ururka dhalinyarada awdal iyo selel ee sweden)
7-abdiwahaab cali cismaan( siyaasi)
8-cumer saciid jaamac ( ardey)
9-mahad shide badmaax (suldaan
10-warsame cabdilaahi maydhane (cabaade)
11-xuseen awcali bulxan (odey dhaqameed)
12-cabdilaahi bare riiraash ( gaashaanle)
13-sacada faarax galab (hooyo)
14- ardo faatax diiriye ( hooyo)
15-saciid cali awcismaan suri)
16- xaaji jaamac muuse ( ururka dhalinyarada somaliland ee sweden)
17- caasha ibraahim caateeye
19-faarax cadaane saban
20- sahra awxasan jaamac
Jaaliyada Sweden and Holland