Well maybe you should do your own research about sland companies.
Ex Barakat was split into multiple companies. (Telesom belonging to Somaliland as i have said) and Hormuud belonging to Southerners).
As for Telesom not helping Somaliland they just donated 50k in february to drought victims in Sland and have done road works in Hargeysa, Awdal, other parts of Somaliland. They did countless other good things for the people of Somaliland. Orod meesha nacnacda kala tag.
Guddida Gurmadka Abaaraha Qaranka Oo Galabta Shaaciyey In Gacantooda Ay Soo Gashay Lacag Qadarkeedu Dhan Yahay 258,568 Oo Dollarka Maraykanka Ah.
Hargeysa (Ramaas) Feb.19, 2011 - Guddida abaaraha qaranka dalka, ayaa galabta ku dhawaaqay in ay gacantooda soo gashay lacag cadadkeedu dhan yahay 258,568 Dollar, taas oo ay guddida abaaraha ay soo gaadhsiiyeen shirkadaha ganacsiga iyo qaar ka mida hay’adaha wadaniga oo kaga qaybgalaya wax ka qabashada abaaraha ba’an iyo biyo la’aanta dalka ka jirta, isla markaana saamaynta nololeed ku yeeshay dad iyo duunyo.
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu ka mida guddida heer qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadu u xil saaray gurmadka abaaraha dalka, ayaa galabta sheegay in gacanta guddida abaaraha ay soo gashay lacagtaas oo uu sheegay in ay shirkadaha iyo ururada wadaniga dalku kaga qaybqaateen wax ka qabashada iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.
Wasiirku waxa uu mahadnaq aad u ballaadhan u diray guud ahaanba dadkii iyagu lacagtan usoo bixiyey alle dartii isagoo xusay inuu ilaahay ka abaal mariyo maalinta qiyaamaha.
Wasiir Khaliil, waxa uu sheegay in ay wali u furan tahay qof kasta oo doonaya inuu ka qaybqaato wax ka qabashada abaaraha iyo biyo la’aanta haysta bulshadeena, gaar ahaan dadka reer baadiyaha oo ay abaarahani noloshooda saamayn xoog leh ku yeesheen, kuwaas oo u baahan gurmad bina’aadanimo oo lagu badbaadinayo nolosha dadweynahaas.