Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cigaal, soona Dhaweysay Dilkii Usama Bin Laden
WEDNESDAY, 04 MAY 2011
Waanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi, waxay wax ka taraysaa dhibaatooyinka ay argagixisaddu ku hayso caalamka…” Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa(Togdhnews) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa hada ka qayb qaadan waxna aan ku darsan Xus loo sameeyay Geeriddii All-ha-u-naxariistee Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal oo sagaal jirsatay.
Madaxtooyadda Somaliland oo lagu xusi jiray Sanad kasta Geerida Marxuumka ayaan ilaa hada laga dareensanayn saan-saan la xidhiidha inay diyaar u tahay inay Xusto Marxuum Cigaal, halka Xus shalay oo ay ku beegnayd maalintii uu geeriyooday ee 3dii May loogu qabtay Huteelka Safari kaasoo ay ka soo qayb galeen uun qaar ka mid ah Madaxdii Xukuumaddii Rayaale ee Xisbiga UDUB oo uu marxuumku sameeyay, taasoo ay ahayd in ay ka soo qayb gasho Xukuumaddu.
Sidoo kale waxa aan iyana ka muuqan Mujaahidiintii Ururkii SNM ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha hada talada haya ee Axmed Siilaanyo, iyadoo ka maqnaanshaha labadan kooxood ay ku abuurtay dadkii goobta joogay Su’aalo badan oo ay iska weydiiyeen dariiqa qaloocan ee ay qaadeen maadaama loo tirinayo inay taladii dalku gacantooda ku jirto, isla markaana Marxuum Cigaal uu ahaa Halyay jiritaanka Somaliland dhidibada u taagay oo ay ahayd in la sanad kasta loo sameeyo Baroor-diiq loo dhan yahay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku ay ku khaarajiyeen ku guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay.
“Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.
Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida.
“Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo shalay u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.




