Garowe admin condemns ssc rebels.
Garoowe(lasanod Online)- Warsaxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC..
oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya.
" Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis".
Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah.
Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanaka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.




