(Hadhwanaagnews) Saturday, August 06, 2011
Burco: Guddiga Horumarinta Gobolka iyo Maamulka Gobolka iyo weliba Ganacsatada iyo Qurbajooga Somaliland oo si wada jir ah u Bookhday Waddadii isku xidhaysay Burco iyo Hargaysa. Baaqna u diray Qaybaha kala Duwan ee Bulshada.(Dawo Sawirada)
Burco(HWN) Wefti Ballaadhan oo uu Horkacayo Guddomiyaha guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxmuud aadan dheri islamarkasna ay xubno ka ahaayeen Badhasabka Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi, Kuxigenkiisa Cabdi Dahir Xasan, Maayrka Magaalada Burco Maxmud Axmed Xasan Dhegolaab, Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose Cisman maxmed sheekh, Xubnaha Guddiga Horumarinta Gobolka oo ay ka mid yihiin, Sh. Maxmed Xuseen, Eng Faarax Xuseen oo ah Ingineerka Dhisaya Waddada , Axmed Nur shire, Xirsi Maxmed iyo Maxmed Yasin ayaa Saaka Kormeer hawleed Ballaadhan ugu Baxay Dhismaha Waddadii isku xidhaysay Burco illa Hargaysa oo haatan Bannaynteedi ay marayso Tuulada Kaba Dheere.
Ku dhowaad 20km oo Waddadani la banneeyey ayaa saaka weftigu ay u soo Bandhigeen, Ganacsatadii, Qurrbajoogi, Tujaartii iyo Dhammaan Dadkii ka qaybqaatay bilowgedii, waxaana halkaas Guddigu kusoo Bandhigay Lacagaha ku baxay Bannaynta waddadan iyo weliba lacaga ay bixiyeen Dadkii kaala Duwanaa ee ka qaybqaatay Bilowgii Bannaynta Waddadani.
Guddomiyaha Guddiga horumarint Gobolka Togdher Oday Maxmud Adan Dheri ayaa Kelmado koobanoo Badhtamaha Waddadani uu ka jeediyey Baaq ugu diray Qurbajooga, Tujaartaa iyo weliba Dhammaan Dadweynaha reer Somaliland ee adduunka ku kalaa filiqsan inay sii wadaan taakulayntii iyo Tabarucaadkii ay ku darsanayeen waddadani, wuxu sheegay In waddadani tahay waddo qaran oo Dadka reer Somaliland oo dhami ka faaidi doonaan, isla markasna loo sookala shaqo tegi doono Hargysa iyo Burco, wuxu sido kale Baaq u diray Xukuumadda Somaliland isagoo ug baaqay in ay ka sugayaan Gacantii Dawladnimo.
Eng Faarax Xuseen oo isna kelmado kooban halkaas ka jeediyey ay si faahfaahsan u sharaxay Qaabdhismeedka Waddada iyo illaa hatan halka ay la marayso, isagoo xusay in ay jiraan meelo waddadu ka leexanayso, sababo jira awgood, wuxu xusay in waddadii ay illa Kabadhere soo Gaadhsiiyeen imminkana ay u hadhay Dhagixii iyo Daamurkii, taasna ay gacanta saari doonaan maalmaha soo socda.
Dhammaan Xubnaha Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer oo kelmado kooban halkaas ka jeediyey ayaa Dhammaantood u mahadnaqay Shirkadahii, Tujaartii, iyo weliba Qurbajoogii ka qaybqaatay Dhismaha iyo Bannaynta waddadani, waxay sidoo kale aad u bogaadiyeen Maayarka Burco Maxmud Axmed Xasan oo ay sheegeen in qalabka lagu shaqaynayo oo dhan oo ku saaciday waddada, Gaar ahaan Cagafyada, Rugleyda, Iskurogooyooinka iyo qalabka kale ee ka qaybqaatay Bannaynta waddada.
Shirkadaha iyo tujaarta halkaasi iyaguna kahadashay loogana mahadceliyey waxa kamid ahaa:
Mulkiilaha Wershedda Biyaha MAAXDA
Maamulaha Maxjarka Xoolo Naaxinta Burco
Mulkiilaha Hotel City Palaza kana mid ah Qurbajoga R/ Somaliland
Maamulaha Guud ee Shirkadda Telesom
Maamulka Shirkadda Korontoda ee KAAH
Maamulka Shirkadaha Hirad, iyo Najax Construction iyo weliba Dhinaca Warbaahinta oo iyagana halkaas looga mahadnaqay Qaadhaankii iyo lacati ay kaga qaybqaqaateen Gaar ahaan Shebekedda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo ku deeqday $100 , HCTV, iyo Jamhuuriya oo ku deeqay $300 Universal TV oo ku deeqay $100 iyo Somalichannel Tv oo ku deeqay $150.
Ugu Danbayntii Badhasabka Gobolka Togdheer oo isna halkaas ka hadlay ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku gubaabiyey inay si mug leh uga qaybqaataan dhismaha iyo dhammaaystirka waddadaas, wuxuu Badhasabku Ballanqaaday in ka xukuumad ahaan ay ka qaybqaadan doonaan doorka ugu muhiimsana ay ka qaadan doonaan dhammaystirka waddadan, wuxu aad ugu mahadceliyey dhammaanba intii ka qaybqaadatay Mashruucani., waddadan ayaa noqonaysa waddadii ugu Ballaadhnayd uguna Baaxadda weynayd ee ay Bulshada Reer Somaliland Gaar ahaan Bulshada Togdheer si iskaa wax u qabso ah u hirgeliyaan haddii ay Guul ku dhammaato.
Mustafe Osman A/rahman(Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / office