Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sarkaal ka tirsan ciidanka qaran o First Positionka qatay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Sarkaal ka tirsan ciidanka qaran o First Positionka qatay

Postby Mr_Alfaas » Mon Jun 13, 2011 9:54 am

IshaNews-AdisAbaba-Raysal wasaaradaha dawlada federaalka Itoobiya Atto Males Zanawi ayaa bilad dahab ah guddoonsiiyay Axmed Shaadi Cabdilaahi oo ah sarkaal ka tirsan 10 askari oo culuumta caafimaadka ka baranayey jaamacad ku taala dalka Itoobiya, kaas oo kaalinta koowaad u galay 70 arday oo shahaadaha digreega koowaad ee culuumta caafimaadka ka dhamaystay
Sarkaalkan reer Somaliland ee kaalinta koowaad u galay jaamacada milatariga Itoobiya ku bartaan culuumta caafimaadka, ayaa waxa bilad dahab ah ku maamuusay raysal-Wasaare Males Zanawi oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay kaalinta uu galay.
War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland oo soo gaadhay shabakada wararka ee RAMAAS ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Bishan June ee aynu ku jirno 11-keedii waxa lagu qabtay guriga Raysal wasaaraha dalka Itoobiya xaflad balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf badan oo ka socota dalka Itoobiya, Safiirro,Milatari Attach-yo iyo madax badan.
Xafladaasi waxa loogu xidhayay 70 dhakhtar oo dhamaystay waxbarasho caafimaad, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku lahayd ardaydaasi toban dhakhtar oo ka tirsan ciidanka qaranka oo dhamaystay waxbarashadaasi oo qaadanayay Digree-gii koowaad (BS), dhakhatarkii ugu sareeyay jaamacadaasi ee galay kaalinta koowaad waxa weeye sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, waxaanu qaatay bilad dahab ah waxaana u xidhay biladaasi Raysal wasaaraha dalka Itoobiya.
Waxa kale oo jira 10-ka dhakhtar ee ugu sareeyay waxbarashadaasi 7 ka mid ahi waa reer Somaliland,fagaarahaasi la isku arkay waxay dhakhaatiirtaasi uga soo hooyeen Somaliland magac iyo ammaan balaadhan.
Waxa kale oo jira laba arday oo kale oo dhamaystay kulliyada ciidanka lugta sanadkii 2008/2009 waxaanay qaateen iyaguna bilado dahab ah,haddana waxay ka tirsan yihiin saraakiisha ciidanka qaranka.
Taliyaha Ciidanka qaranku wuxuu u mahad celinayaa dawlada Itoobiya, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Fadaraalka Itoobiya Gen. Samooro Yonis, waxa kale oo uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa saraakiishaasi xilkoodii gutay ee magaca iyo sharafta u soo hooyay dalkooda.”
Waxaanu saacadaha soo socda idin soo gudbin doonaa sawiradii xaflada iyo waraysi aanu la yeelanay Sarkaal Axmed Shaadi Cabdilaahi oo noo suurta gashay in aanu waraysi ka qaadno.

IshaNews Media Group
Adis Ababa Eithopia

MABRUUG SXBKEY DR AHMED SHAADI CABDILAAHI......... :clap: :clap: :up: :up: :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Sarkaal ka tirsan ciidanka qaran o First Positionka qata

Postby Siciid85 » Mon Jun 13, 2011 11:06 am

:up: :clap: Is he Ayub?

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Sarkaal ka tirsan ciidanka qaran o First Positionka qata

Postby Mr_Alfaas » Mon Jun 13, 2011 11:12 am

Yeah a friend of mine weeyi....wa nin intelegent ah niyow :up:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Sarkaal ka tirsan ciidanka qaran o First Positionka qata

Postby SahanGalbeed » Mon Jun 13, 2011 1:14 pm

Libaax :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests