
ADIS ABABA-(ISHANEWS)-Xafladii qalinjabinta Saraakishii reer somaliland ee dhamaysatay Culluumta medicineka ama dhakhtarnimada ee jaamacada DEFENCE UNIVERSITY COLLEGE OF HEALTH SCIENCE oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd 11/06/ 2011 ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf (Honorable guests) ugu horeeyo Ra’iisal wasaaraha jamhuuriyada dimuqradiga federalka Ethiopia Ato Melez Zenawi, gudoomiyaha aqalka federationka Ethiopia , wasiirka gaashaandhiga dalka Ethiopia, taliyaha ciidanka militaryga dalka ethiopia, military attachments ka socda wadamo kala duwan sida maraykanka, ingiriiska iyo wadamo kale oo badan iyo Safiirada dalal badan oo fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo weliba marti sharaf aan la soo koobi karin. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay protocol ahaan ayaa waxa loogu talo galay in lagu maamuuso ardayda ka qalinjabisay jaamacadaasi. Hadaba ardaydan ka qalinjabinaysay jaamacadan waxa ka mid ahaa 10 arday oo ka socday dalka Somaliland oo scholarship ka helay Ethiopia. Waxa aad iyo aad u mudan in la xuso in ardayga kaalinta koowaad u galay ardaydaas qalinjabinaysay oo ka kala socday dalal badan sida Ethiopia, Somaliland, iyo sudan uu ahaa Dr. Ahmed-shadi Abdillahi Mohamoud oo ka socday Somaliland oo bilada dahabka ah uu gudoonsiiyay Raiisal wasaaraha dalka Ethiopia Ato Melez Zenawi. Dr. Ahmed- shadi wuxuu dhigay recordkii ugu sareeyay abid jaamacada soo mara oo ah cumulative cGPA of 3.98 inuu xidho. Dr. Ahmed-shadi waxa abaalmarin looga dhigay maaha keliya bilada dahabka ah balse inuu sii wado waxbarashada Master’s degree oo uu ka bilaabi doono dalka Ethiopia bisha September ee soo socota Insha Allah. Dr. Ahmed-shadi wuxuu kor u qaaday magacii jamhuuriyada Somaliland isagoo runtii meelmariyay labadii waajib ee saarnaa ee ahaa ardaynimada iyo danjirenimada. Dr. shadi wuxuu runtii ka dhigay astaanta Somaliland lagu garto aqoon, karti iyo dedaal dheeraad ah iyo weliba isagoo Ahmed-shadi ku daray akhlaaq wanaag iyo xidhiidh smooth ah oo ku suntay magaca Somaliland. Waxaan aad iyo aad u xusuustaa sida xidhiidhiyaha xafladu uu ugu celcelinayay in ardayga bilada dahabka la gudoonsiiyay (Gold medalist)ku uu yahay Somalilander. Bal waxaad u fiirsataa halka laga sheegayo oo ah the capital city of Africa gaar ahaan the Palace ama guriga madaxtooyada Ethiopia oo ay joogaan boqolaal safiir iyo marti sharaf ka kala socday caalamka. Runtii Ilaahay magaciisa ha sareeysiiyo Ahmed shady wuxuu kor u qaaday magaca Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan sidoo kale xusuustaa khudbadii Dr. Ahmed-shady ka jeediyay xafladii 18 may Addis Ababa ee uu kula dardaarmayay ardayda Somaliland ee wax ku barta dibada inay kaalmaha hore ka galaan jaamacadaha ay ku jiraan. Dr. Ahmed-shady waxa sidoo kale lagu maamuusay xaflad heer sare ah oo ay u qabteen ardayda Somaliland ee waxka barta dalka Ethiopia oo lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf uu ku mutaystay academic performancekiisa iyo sida uu kor ugu qaaday magaca Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan sidoo kale la ilaawi Karin in Dr. Ahmed-shady uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaan rajaynaynaa inuu wax weyn ka bedeli doono ciidanka, dawlada Somaliland, iyo shacabka Somaliland guud ahaan Insha Allah. Dr. Shady waa nin runtii caan ku ah firfircooni, belwed la’aan, karti iyo competency uu kaga dhabeeyo hankiisa iyo himiladiisa. Runtii Ahmed-shady waa nin aad iyo aad loogu yaqaanay xariifnimo iyo inuu marwalba kaalinta koowaad ka galo waxbarashadiisa from primary up to now.
Waxaan la ilaawi Karin in Ahmed-shady uu ahaa ardaydii topka ee ka baxay secondary schools Somaliland sanadkii 2003/2004. waxaan sidoo kale la dafiri Karin inuu ahaa ardaygii ugu sareeyay ardaydii ku guulaysatay scholarship ee loo dirayay halka uu maanta ka soo hooyoy guusha Alhamdullilah. Dr. Ahmed –shady ma kala jarin hankiisii isagoo sii watay the best academic performance ka jaamacadiisa sanadadii isku xigay ee uu dhiganayay jaamacada DUCHS ee dalka Ethiopia. Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqaynaa ALHAMDULLILAH guusha weyn ee CHAMPION Dr. Ahmed-shady uu ka soo hooyay garoomada tacliinta ee caalamka. Waxaanu leenahay Dr. Shady hore u wad hayaanka Allah ha kula garabgalo guulayso weligaa. Waxa Dr. shady weli ku guda jira xafladaha loogu debaaldegayo guusha Somaliland ka soo hoysay the capital city of Africa iyo tilmaanta iyo dhiirigalinta uu u noqonayo ardayda ku soo xigta ee hiigsanaysa wadadii uu maray Dr. shady. Dr. Ahmed-shady wuxuu Interview ama waraysi siiyay Televisionka iyo idaacada dalka Ethiopia, ee loo yaqaan (ETV), idaacada radio Fana iyo wargeyso caalami ah isagoo aad ugu nuuxnuuxsaday xidhiidhka wallalnimo ee ka dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland. Wuxuu Dr. Ahmed-shady ku tilmaamay Ethiopia wallal soo jireen ah oo jecel in Somaliland la tartanto caalamka. Doctorku wuxuu ku dheeraaday Mahadnaqa Allah (SWT) ee u suuragaliyay hankiisii iyo himiladiisii (Alhamdullilah). Wuxuu sidoo kale Dr. Shady u mahadnaqay dawlada iyo shicibka Ethiopia sidii wanaagsanayd ee ay ula dhaqmeen mudadii uu waxka baranayay dalka Ethiopia, (Ethiopian Hospitality). Ugu danbeyntii Dr. shady wuxuu sheegay inuu aqoontiisa dalka kula noqon doono si uu ugu anfaco diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisaba Insha Allah.
Allah Mahad Leh
Abdishakur Mohamed Omer (Buubaal)
Ishanews Media group
Adis Ababa, Ethiopia