Barnaamijka Ganacsiga: Ganacsiga Hanaqaaday Ee Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali Guray, Ahna Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Ee The Anglo-Somaliland Chamber of Commerce.
Akhristayaal barnaamijka ganacsiga ee maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali oo ah nin ganacsigiisu dhaafay heerkii ganacsiga Soomaalida, kaas oo gaadhay heer shirkadihiisu ay xidhiidh wada shaqeyneed la yeeshaan Baananka dunida ugu caansan.
Maxamed Yuusuf waxa uu ka soo jeedaa qoys badmareeno ahaa (Seaman), taas oo Aabihii Yuusuf Cali Guray ahaa Sea-manadii ugu horeeyey ee yimi dalka Ingiriiska, waxa kale oo uu dheeraa Sea-manada kale wuxu ahaa ninkii ugu horeeyey ee xaaskiisa keena carro Ingiriis. Waxaana Garyaqaanku yimi carriga Ingiriiska, isaga oo Shan jir ah, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisii asaasiga ahayd, kuna dhameystay illaa waxbarashadiisii sare.
Ganacsade Maxamed Yuusuf wuxu bartay cilmiga garyaqaanimada, siiba shuruucda ganacsiga, taas oo ka dhigtay in uu noqdo ninkii madoobaa ee ugu horeeyey ee xarun shuruucda ganacsiga ah ka furta badhtamaha suuqa garyaqaanada ganacsiga ee magaalada London, waddada Chancery Lane.
Intaa kadib, wuxuu bilaabay in uu ganacsi wadaag ah la bilaabo shirkado ay leeyihiin maalqabeeno Ingiriis ahi, markii uu dhaqaalihiisii iyo waaya-aragnimadiisiba kobocday, waxa uu uga sii gudbay in uu sameyso shirkadda INVICTA CAPITAL oo ah shirkad maalgashi oo xidhiidh wada shaqeyneed ay yeesheen baananka ugu waaweyn dunida, sida: HSBC BANK, NATWEST BANK, THE ROYAL BANK OF SCOTLAND (RBS) and CITY GROUP.
Horukac balaadhan ayuu sameeyey baayacmushtarkiisu, wuxuuna abuuray shirkad kale oo lagu magacaabo PRIME RESOURCES, taas oo uu leeyahay saamiga ugu badan. Shaqada shirkadani waxay tahay sahaminta iyo soo saarida shidaalka, waxaanay ogolaansho shidaal baadhiseed ka haysataa xukuumada Somaliland.
Dhinaca kale, waxa ay asaaseen Garyaqaan Maxamed Yuusuf iyo Maalqabeeno kale oo Ingiriis ahi, rug ganacsi oo ay ugu magac dareen The Anglo Somaliland Chamber of Commerce (ASCC), rugtaas oo dhiirigelinaysa sidii maalqabeenada Ingiriisku uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland. waxaanay bishii november ee kal hore kulan ku soo casuumeen madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kulankaas oo uu ka soo qayb galay xoghayaha arimaha Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska.
Haddaba, mar aanu la xidhiidhnay Garyaqaan Maxamed Yuusuf, si aanu wax uga waydiino ujeeddadii ay ka lahaayeen sameynta Rugta ganacsi ee â€The Anglo Somaliland Chamber of Commerce?
Waxa uu noogu jawaabay, isaga oo ka bilaabaya warbixintan: Prime Resources waa shirkad gooni ah oo xagga Somaliland baan u sameeyey, waxaanan leeyahay inta badan saamiyadeeda. Waxaana ay tahay shaqadeedu sahaminta shidaalka, annaga oo haysana sharciga shidaal sahminta ee block 26 ee dhulka Somaliland.
Sababtaa daraadeed bishii november ee sanadkii hore ayaanu bilownay rugta ganacsiga ee The Anglo-Somaliland Chamber of Commerce, waad ogtihiin oo casuumad baanu u samaynay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan wadanka Ingiriiska.
Waxaanu doonaynaa in shirkadaha ingiriisku maalgashi ku sameeyaan Somaliland, ujeeddada rugtuna waa sidaa.
Fikirka sameynta rugta waxan ka keenay niman badan oo aan la shaqeeyo oo ku jira â€Rugo Ganacsi oo kale†sida ay ugu faa’iideeyaan wadamadooda ayaan arkay, markaa waxan is idhi maxay Somaliland uga shaqeyn wayday fikrada nimankaasi oo ah sida ay dacaayada ugu sameeyaan maalgashiga dalkooda. Kolkaa waxaan go’aansaday in aan sameeyo mid lamida tooda oo kale.
Nimankaa rugahoodu dawladay la hadlaan, xildhibaanada Ingiriiskay dalkooda geeyaan, shirkadaha iyo maalqabeenada ayey wadankooda geeyaan, dariiqyadaas ayaanay dalalkooda ugu soo jiidaan maalgashiga.
Markaa qorshahaasaanu u samaynay Somaliland-na, waxaanan hubaa in ay shaqeynayso. Waayo dalkii dhawr bilood horteed, waxaanu gaynay maalgeliyeyaal xiisaynayey maalgashiga Somaliland, taas oo ay soo mareen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo.
Weftigaasi markii ay soo noqdeen waxay yidhaahdeen, meeshaasi waa meel dihin oo leh fursado badan oo la maalgashan karo, kuwaas oo dalkeenii u sameeyay dacaayado sababay in ay indhahooda innagu soo jeediso maalqabeeno fara badan oo u dhashay dalkan Ingiriiska.
Dhanka kale, mar uu ka hadlayey sidii ay waxa Somaliland qabsatay ugu soo jeedin lahaayeen indhaha beesha caalamka, waxa uu sheegay in ay u kaxeeyeen Somaliland gabadh Weriye ah (Katrina Manson) oo u shaqeysa wargeyska caanka ah ee Financial Times, taas oo markay dalka tagtay dareen wanaagsan ka soo qaadatay, isla markaana ka qortay qormooyinkan taxanaha ah oo ay aduunweynaha ugu bandhigayso, waxa Somaliland qabsatay iyada oo aan ka helin taageero buuran caalamka, kuwaas oo cinwaanadooda iyo taariikhda ay daabacday kala yihiin kuwan hoose:
(Scent of success in Somaliland - April 14, 2011), (Money man serves the somali diaspora - May 24, 2011), (Somaliland hauling itself up - May 17, 2011), (Somaliland an economy few recognise - May 18, 2011), (Somaliland aims to show coming of age - May 17, 2011), (Coca.Cola boosts Somaliland economy - May 17, 2011).
Mar uu ka hadlayey shir ay dhawaan rugtooda ganacsigu u qabatay, wefti balaadhan oo ka socday dawladda Somaliland iyo shirkado faro badan oo maalgelineed oo ka socday dalkan Ingiriiska, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Arimaha Afrika iyo Horumarinta Caalamiga ee dawlada Ingiriiska. Xagga xukuumada Somaliland masuuliyiintii ka socotay waxa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, kuwaas oo shirkaa ku soo bandhigay ilaha maalgashi ee ka jira Somaliland. Shirkaas waxa ka soo qaybgalay 55 shirkadood oo ka socday dalka Ingiriiska, waxa xagga kharashka iyo hawl fududaynta ka bixiyey xafiiska barwaaqo-sooranka iyo wasaaradda Arimaha dibada.
Gabogabadii shirkaa, waxa uu Garyaqaanku noo sheegay in ay xukuumada Ingiriiska ujeediyeen Saddex qodob, kuwaas oo haddii la meelmariyo albaabada u furaya, sidii ganacsatada dalkani maalgashi ugu sameysan lahaayeen ilaha dhaqaale ee Somaliland. Waxaana ay Saddexdaa qodob kala ahaayeen:
1. In xukuumadda Igiriisku dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameyso warbixinta ku jirta bogga internett-ka ee Wasaaradeeda Arimaha Dibedda, taas oo talo bixinta socdaal (travel advice) ee ay siiso muwaadiniinteeda u socdaalaya Somaliland ay dhex geliyeen nabadgelyo darada ka jirta Soomaaliya, isla markaana ay kula taliyeen in aanay u safrin dhulkaa.
2. In xukuumada Ingiriisku heshiis ganacsi (trade agreement) la gasho xukuumada Somaliland, si ganacsatada Ingiriisku u helaan kalsooni ay halkaa ku maalgashadaan.
3. In xukuumada Ingiriisku shirkadaheeda doonaya in ay maalgelin ku sameeyaan halkaa, u sameyso hay’ad caymis oo la mid ah ta dawlada Mareykanku u sameyso shirkadaheeda ka hawlgala goobahaas oo kale.
Ugu dambayntii, waxa aanu barnaamijkan ganacsiga ku soo xidhaynaa, garyaqaan Maxamed Yuusuf waxa uu tusaale cad u noqonayaa in bulshadeena qurbojoogga ahi, haddii ay dadaalaan ay halkan iyo dalkiiba ka sameyn karaan ganacsi iyo maalgashi guulaysta oo la tartama ganacsiga caalamiga ah, kaas oo haddii ay ka faa’iidaystaan aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa dhabaha ay u furi karto in rugta ganacsiga ee uu hormuudka u yahay ay Somaliland ka dhigto goob ay usoo tartamaan shirkadaha maalgelineed ee dunidu.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=6840