Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Hargeysa

Postby Siciid85 » Sat Jun 18, 2011 1:15 pm

Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Oo Laga Leeyahay Ingiriiska Oo Soo Gaadhay Hargeysa.

Hargeysa (Ramaas) June 18, 2011 – Wafti balaadhan oo ka socda shirkado maalgashi oo laga leeyahay wadanka Inigiriiska ayaa saaka kas oo dagay garoonka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeisa. Waftigaas waxa hogaaminayay Garyaqaan Maxamed Yusuf Cali Guray, oo ah gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Anglo-Somaliland Chamber of commerce ee magaalada London.


Image

Mudane Maxamed Yusuf waxa waftiga ku wehelinayay Maareeyaha shirkada maalgashiga ee SAVOY Investment Management, Mr. Paul D Heber iyo sarkaal kale oo ka socda shirkada Maalgashiga Saliida iyo Gaasta ee LIBERTAS, Mr. Alex MacDonald.

Waftigu waxay caawa la kulmi doonaan Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaa sidoo kale la filayaa inay safaro ku tagaan magaalooyinka Berbera, Burco iyo Ceerigaabo. Waftigu sidoo kale waxay sugayaan wafti kale oo ka socda dalka Maleeshiya oo galabta la filayo inay soo gaadhaan caasimada, kuwaas oo maalgashi ku samayn doona warshada hilibka ee Magaalada Burco.

Image

Waftiga uu hogaaminayo ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray, waxay todobaadkan ku qaban doonaan shir balaadhan oo lagu lafo guri doono fursadaha maalgashi ee ka furan dalka si loogu soo jeediyo khayraadka Somaliland indhaha caalamka. Halkan kala socda kulanka waftigu caawa la yeelan doono Madaxwaynaha

Image

Ramaasnews Desk

Hargeysa

http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=6857

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Harg

Postby Siciid85 » Sun Jun 19, 2011 11:06 am

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wufuudii Shirkadaha Maalgashiga Ingriiska Iyo Maleeshiyaanka.

Image

Image

http://oodweynenews.com/news/82461-mada ... awiro.html

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Harg

Postby Siciid85 » Sun Jun 19, 2011 7:40 pm

Waftigii Ka Socday Shirkadaha Maalgashiga Ingiriiska Iyo Maleeshiyaanka Oo Maanta Booqasho Ku Tagay Magaalooyinka Burco Iyo Berbera.


Burco (Ramaas) June 19, 2011 – Waftigan oo safar shaqo ku yimi dalka maalintii shalayto ayaa saaka subaxnimadii hore u ambabaxay dhinaca magaalada Berbera oo ay uga sii gudbayeen magaalada Burco.

Waftigu waxa uu magaalada Berbera ee gobolka Saaxil soo gaadhay abaaro 10kii subaxnimo, waxaana ugu horayn qaabilay badhasaabka gobolka Saaxil Md Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax). Guddoomiyaha gobolka oo ugu horayn hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyay kulanka waftiga oo ku qabsoomay xafiiska badhasaabka ayaa waftiga aad ugaga mahadnaqay booqashadooda.


Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xoolaha nool yihiin shay Somaliland qani ku tahay, hase ahaatee aanay dadkeedu aqoon buuxda u lahayn sidii si dhamaystiran loogaga faaiidaysan lahaa xoolaha nool. Waxaanu waftiga u sheegay inay soo dhawaynayaan wada shaqayn kasta oo dhex marta labada dhinac, una fududayn doonaan hawlahooda maalgashi.


Waxa sidoo kale madasha ka hadlay Md Maxamed Yusuf Cali Guray oo isagu waftiga hogaaminayay, waxaana uu ka waramay ujeeddada booqashada waftiga iyo shirkadaha maalgashi ee ay ka socdaan. Waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Anniga ayaa waftigan kasoo kaxeeyay wadamadoodii si ay indhahooda ugu arkaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, waxaana noo suurto gashay in aanu isu keeno waftigan Ingiriiska ah iyo waftiga Maleeshiyaanka ah.”


Kulankaas kadib waxa badhasaabka iyo waftigu booqdeen Maxjarka Magaalada Berbera oo ah xarun lagu daryeelo caafimaadka xoolaha nool ee ka dhoofa dekeda Berbera. Sidoo kale waxay waftigu booqdeen dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxaana waftiga soo mariyay dhamaan qaybaha kala duwan ee dekeda maareeyaha dekeda Berbera Md Axmed Yusuf Dirir. Waxay sidoo kale booqasho ku tageen xarunta haamaha kaydka shidaalka Berbera.

Intaas kadib waftigu waxay usoo kicitimeen dhinaca magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo ay booqdeen Mashruuca Warshada Hilibka oo ay maalgalinayaan ganacsatada Maleeshiyaan ahi. Mashruucan ayaa illaa hadda hawshiisu socotaa, waxaana la rajaynayaa in dhawaan mashruucu hirgalo.


Sidoo kale, waftigu waxay ay kulamo iyo qado sharaf la yeesheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Badhasaabka gobolka, Md. Yaasin Muxumad Cabdi iyo Maayorka Burco Md Maxamud Axmed Xasan. Kulanka oo uu ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha gobolka, ayaa sheegay inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan waftiga. Sidoo kale Wasiir Cabdi Aw Daahir oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibada qado sharafta loo sameeyay waftiga ayaa sheegay in maadaama wasaaradiisu dalka u qaabilsan tahay xoolaha nool in ay si toos ah ula shaqayn doonaan waftiga.


Ugu dambayntii waftiga oo ay weheliyaan masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa booqday xarunta naaxinta xoolaha ee magaalada Burco, xaruntan oo ku fadhida dhul baaxad wayn leh oo lagu qiyasay 6.5 km ayaa loogu talo galay in lagu nafaqeeyo xoolaha laqalayo iyo kuwa la dhoofinayoba.


Ramaasnews Desk

Burco.


Image

Image

Image

User avatar
KingMJ
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
Location: Back frm the Dead

Re: Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Harg

Postby KingMJ » Sun Jun 19, 2011 7:51 pm

Maxamed Yuusuf Cali Guray is a good businessman InshaAllah its a success :sland: :up:

User avatar
CORRUPTION
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 956
Joined: Thu Feb 05, 2009 10:31 am
Location: The DON "HMC" Click Via London
Contact:

Re: Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Harg

Postby CORRUPTION » Mon Jun 20, 2011 3:00 pm

i am hearing this will be big :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wafti Ka Socda Shirkado Maalgashi Ah Oo Soo Gaadhay Harg

Postby Siciid85 » Mon Jun 20, 2011 5:36 pm

Wafti Maalgashadayaal Ingiriis iyo Maleesiyaan ah oo Soo Gaadhay Burco.




http://www.togdheernews.com//index.php? ... 6&Itemid=1


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: kaliil, MrSinister and 14 guests