Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:04 pm

“Mudanayaashii Codka lagu Muquuniyay oo si wayn isugu Diyaarinaya sidii ay u hor-istaagi lahaayeen Guddoomiye kasta oo ay u arkaan inuu u jan-jeedho Dhinaca Xukuumadda”

Hargeysa(IshaNews)- Mudanayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda ayaa si wayn isugu diyaarinaya magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare, kaasoo buuxin doono xilkii dhowaan laga qaaday Guddoomiyihii Maxkammada Sare Dr. Maxamed Ismaaciil Oomane, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo eedaymo la xidhiidha dhinaca garsoorka uu u soo jeediyay.
Mudanayaasha sida wayn Madaxtooyada uga sugaya inay si dhakhso ah u soo magacwdo Guddoomiyaha Maxkammada Sare ayaa u badan Mudanayaashii lagaga adkaaday cod u qaadisti xil lagaga xayuubiyay Guddoomiyihii Maxkammada sare Dr. Oomane toddobaadkii hore.
Sida ay sheegeen warar u dhuun-daloola dhinaca labada Gole, ayaa muujinaya in badi Mudanayaashu ay qabaan in Madaxweyne Siilaanyo la raagay Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada sare, iyagoo ka shidaal-qaadanaya sidii deg-dega ahayd ee uu uga qaaday xilkii Mr. Oomane, taasoo ay Filayeen inuu si dhakhso ah labada Gole u horkeeni doono, balse illo-wareedyo u dhuun-daloola Madaxtooyada ayaa sheegay in dibu-dhaca ku yimid Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare ay si wayn u gil-gileen duufaano siyaasadeed oo Madaxtooyada dul-hoganaya, kuwaasoo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameedyo si wayn u danaynaya in xilkan loo magacaabo xubin ka soo jeeda Beelahooda,
Beelahaasi sida wayn cadaadiska ugu saaray Madaxweyne Siilaanyo inuu xilka Guddoomiyaha Maxkammada Sare u magacaabo, waxa ka mid ah Beesha Galbeedka Burco oo sida la sheegay iyagu si cad u hor-dhigay in ay xaq u leeyihiin xilkan, waxaanay ku doodeen maadaama uu Guddoomiyihii xilka laga qaaday uu ka soo jeeday Beeshooda iyo in haddii xilkan cid kale loo magacaabo ay dabka ku sii hurin doonto tabashooyinkii hore ee ay ka tirsanaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale waxa iyana isa soo taraya damaca iyo hirdanka Beesha Gobolka Sool ay ku raadinayso in xilka Guddoomiyaha Maxkammada Sare loo dhiibo xubin ka soo jeeda Beeshooda, sida ay Siyaasiyiin iyo Xil-dhibaano u dhashay Gobolkaasi u sheegeen Warbaahinta in xilkani uu dheelitiri karo saami-qaybsiga Awoodaha Dalka, maadaama aanay si toos ah uga muuqan xilalka sar-sare ee dalka, sida Xilka Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda.
Waxa hore si wayn iyana la iskula dhex-marayay in Madaxweyne Siilaanyo uu xilkan u magacaabay xubin ka soo jeeda Gobolka Hargeysa gaar ahaan Degmada Sayla, kaasoo Digreetada Magacaabistiisa la sheegay inuu jeebkaba ku haysto, balse ay jiraan isku dayo la sheegay in lagala noqonayo.
Si kastaba ha ahaatee Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare ayaa ku noqotay Madaxweyne Siilaanyo laf dhuun gashay, isla markaana uu xisaabta hadda ku darsaday sidii cidhiidhiga ahayd ee Mudanayaasha labada Gole ugu codeeyeen xil ka qaadistii Guddoomiyaha Maxkammada Sare, waxaana la filayaa in Magacaabsita xilkani ay si wayn ugu kala qaybsami doonaan.
Waaheen

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby djibsomali » Tue Jun 28, 2011 1:09 pm

waar habar yoniskaa uu ceeliyaa kursigaa!!

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:13 pm

waar habar yoniskaa uu ceeliyaa kursigaa!!
xaalku habar yonis waka weynyahay....odaygi Madaxweynaha ahaa walee wa yaaban yahay.....labadi daran mid dooro weeyi hadu h.yonis siiyo mucaarad ayu la kulmaya hadu ayub siiyana sidoo kale...Alle sidi kheyr qabta.. :sland: :up:

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5238
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby kaliil » Tue Jun 28, 2011 1:14 pm

MR_Alfaas kursigaa waa la isku haystaa. Ayuub haddana way xanaaqi hadduu kursigani dhaafo soo maaha?

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby djibsomali » Tue Jun 28, 2011 1:15 pm

ayuub waa inaa waxka leeh siyoo!!

There are plenty of seats available, like some of the habar jecelow seats

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:17 pm

MR_Alfaas kursigaa waa la isku haystaa. Ayuub haddana way xanaaqi hadduu kursigani dhaafo soo maaha?
de haa madaxweynuhu kuu siiyaba kuwi kalaa xanaaqaya war inaga wax aragney :lol:

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5238
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby kaliil » Tue Jun 28, 2011 1:20 pm

Mr_Alfaas haa walee odaygu wuu yaabanyahay.

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Cumar-Labasuul » Tue Jun 28, 2011 1:23 pm

Alfasoow, sxb ma rabo inaan topigaa kaa jeediyo laakin su'aashan ma iga jawaabi karta: intuu siiraanyo xilka haystay sanad ayaa u beegmay adigu maxaad ka sheegi lahayd sanadkaa wuu qabtay maxay kula tahay? If you didn't understand my funny afsomali: what is your opinion on mr yiroowes one year in office? :lol:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:38 pm

Alfasoow, sxb ma rabo inaan topigaa kaa jeediyo laakin su'aashan ma iga jawaabi karta: intuu siiraanyo xilka haystay sanad ayaa u beegmay adigu maxaad ka sheegi lahayd sanadkaa wuu qabtay maxay kula tahay? If you didn't understand my funny afsomali: what is your opinion on mr yiroowes one year in office? :lol:
horta sxb madaxweynaha JSL Wax badan waa qabtey dhaliilo badan na waa leeyahay.

Biriigki Labad ee Hargeysa.
Mushaharaadki Ciidamada 100% Increment
Waxbarashadi oo bilaash laga dhigay(in smaller number of schools aya bilaash ah lakin kuwi kale wa lacag anyways he did it)
the most n foremost aan ku taageeray waa sheekadi Buuhoodle ee gogoshi Nabadeenta 10/10 ban siiyey

Dhaliilahana
Amnigii oo faraha ka baxay.
System maleh,
madaxtooyadayi dad gaar ah ba iska qabsaday
Mujahidiinti SNM wax uma qaban
agoomaha hadalkedaba daa..

n many more aanan imika xasuusanin.....

Overall waxan siin lahaa 5/5...

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:40 pm

Mr_Alfaas haa walee odaygu wuu yaabanyahay.
lakin one option ayu haystaa ah in xilka gudoomiyaha maxkamada sare uu laba ka kala dhigo,siday ila tahay since gudoomiyihi hore laba xil isku hayey ah Gudoomiyaha Garsoorka iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare..

labadas ha u kala qaado...lakin yuu siin...thats a million SLSH Question :lol: :lol:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 1:42 pm

ayuub waa inaa waxka leeh siyoo!!

There are plenty of seats available, like some of the habar jecelow seats
:lol: :lol:

oo kuraastoodu ma bilaash baa kkk iyagu manay dad aheyn :lol: :lol:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Cumar-Labasuul » Tue Jun 28, 2011 1:50 pm

Alfasoow, sxb ma rabo inaan topigaa kaa jeediyo laakin su'aashan ma iga jawaabi karta: intuu siiraanyo xilka haystay sanad ayaa u beegmay adigu maxaad ka sheegi lahayd sanadkaa wuu qabtay maxay kula tahay? If you didn't understand my funny afsomali: what is your opinion on mr yiroowes one year in office? :lol:
horta sxb madaxweynaha JSL Wax badan waa qabtey dhaliilo badan na waa leeyahay.

Biriigki Labad ee Hargeysa.
Mushaharaadki Ciidamada 100% Increment
Waxbarashadi oo bilaash laga dhigay(in smaller number of schools aya bilaash ah lakin kuwi kale wa lacag anyways he did it)
the most n foremost aan ku taageeray waa sheekadi Buuhoodle ee gogoshi Nabadeenta 10/10 ban siiyey

Dhaliilahana
Amnigii oo faraha ka baxay.
System maleh,
madaxtooyadayi dad gaar ah ba iska qabsaday
Mujahidiinti SNM wax uma qaban
agoomaha hadalkedaba daa..

n many more aanan imika xasuusanin.....

Overall waxan siin lahaa 5/5...
Thanks, waxyaaba badan ayaan kula raacsanahay, sida dawladani waxay ku wanaagsantahay xaga economiga iyo mushaaradii ciidanka oo loo kordhiyay iyo iskooladii oo kharashka bilaash laga dhigay. Dhinaca ay ku xunyihiin-na waa xaga amniga. Horta dawladani boqolki iyo boqol waxay dawladi hore kaga fiicantahay musuq maasuqii ayay yareysay.

Alfaas sxb ma ii faahfaahin karta labada line ugu dambeysa waxa aad soo qortay (i.e. snmta, madaxtooyada)

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Tue Jun 28, 2011 2:04 pm

Cumar
Alfaas sxb ma ii faahfaahin karta labada line ugu dambeysa waxa aad soo qortay (i.e. snmta, madaxtooyada)

sxb AGoomihi SNM suuqay wadhan yihin isagoo balamihisi ugu waweyna ay ku jirtey in uu wax u qabto,

ta kale ee madaxtooyada i mean ninkan shakhsiga ah ee xirsi dhib badan iyo sharaf dhac badan ayuu usoo hooyey Somaliland,Madaxweynaha iyo kulmiye...

what i suggest is ninkan mesha halaga saaro oo madaxtooyada ha noqoto meel dadki wax tabanaya ay si habsami ay uso geli karaan.

n yeah i do agree with u musuqmaasuqi badna ee dawladi hore ay laheyd malaha kuwan. :up:

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby djibsomali » Tue Jun 28, 2011 2:40 pm

ayuub waa inaa waxka leeh siyoo!!

There are plenty of seats available, like some of the habar jecelow seats
:lol: :lol:

oo kuraastoodu ma bilaash baa kkk iyagu manay dad aheyn :lol: :lol:
Mr ALfaas toolkaa issaq waa reer aan waxbaa lalaa qaybsaan kariin

WAALI MAAD maqashay "qaybiyaa qadaa" ?
issaq waa qaybiyaa qataa!

Rayaleeh markuu kursiga kuu fadhiyay Samaron wuu katanaa!!
hadaa issaq iskaa daa yeeh habar jeclaa ayaa ilaa madaxtowadii geel kuu cuntaa..

Markaa haa la iskuu ducayoo !! hargeisa iyoo trianglekaa iskaa lahadaa
anakunaa Awdal state

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la isku haysto

Postby Mr_Alfaas » Wed Jun 29, 2011 1:04 pm

Mr ALfaas toolkaa issaq waa reer aan waxbaa lalaa qaybsaan kariin

WAALI MAAD maqashay "qaybiyaa qadaa" ?
issaq waa qaybiyaa qataa!

Rayaleeh markuu kursiga kuu fadhiyay Samaron wuu katanaa!!
hadaa issaq iskaa daa yeeh habar jeclaa ayaa ilaa madaxtowadii geel kuu cuntaa..

Markaa haa la iskuu ducayoo !! hargeisa iyoo trianglekaa iskaa lahadaa
anakunaa Awdal state
sxb isaaq iskuma wada jiree bal kala yara saar saar....

dawladi rayaale samaroon saamigiisa waa haystey tan xita saamigi wa haystaan lakin saamigodu ma culusa i mean wasaradaha culculus looma dhiibin.

Hargeysa iyo Triangle maxad ooga jeeda!!!.

Awdal state sxb meel na gaadhi mayso haday hirgashaba dib ayaad u noqonaysaan 30years back weeyi..ee somalilandtina ayaa iidn kheyr badane tan yan la idinka yeelanin.

yes i do believe sxb madaxweynaha cadaalad daro ti ugu xumeyd ayuu wadaa lakin sabar ayey u baahantahay.

rer awadalow sabra ayub ba waka sabre isagon wax helin :lol:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: kaliil, MrSinister and 11 guests