Duqa magaalada Laascaanood ee Dowlada Somaliland oo la xiray
Ciidamada maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga dhigay duqii maamulka Somaliland ee magaaladaasi.
Duqa magaalada Laascaanood Axmed Daahir Xaaji Xasan ayaa la sheegay in ciidamada ay xabsiga dhigeen xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood.
Masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood oo Horseed Media ay la xariirtay ayaa diiday inay si faahfaahsan uga hadlaan xarigan balse waxaa ay sheegeen in duqa in xilka laga qaaday ka hor intii aan xabsiga la dhigin.
Amarka lagu xiray masuulkan ayaa ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargaysa waxaa aan jirin faahfaahin laga bixiyay sababta keenta xariga masuulkan.
Magaalada Laascaanood ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo loo gaysanayo masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan magaaladaasi,waxa aan jirin cid si rasmi ah u sheegata inay falalkaasi ka dambeyso.
Horseed Media.