Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby Mr_Alfaas » Sat Jul 02, 2011 4:18 pm

Hargeysa(Ishanews) Xus balaadhan oo ay ilyartu isqabtay ayaa loo sameyay Mujid Maxamed Aw Cali Cumar (Dayib) oo ku geeriyooday isaga oo ku guda jira hawlihii iyo halgankii qaranka somaliland, Xuskan loo qabtay Mujaahidka ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxana ka soo qaybgalay Wasiiro, Salaadiin, Culimo-awdiin, Mujaahidiin, iyo marti sharaf badan oo iskugu jira rag iyo dumar, waxana Xuskaasi lagu qabtay Hotel Emperial ee magalada Hargeysa.
Masuuliyiintii ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ee dawladii Cigaal Muj. C/raxman Aw Cali Faarax (Tolwaa) Wasiirka Wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Odey, Guddomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Maxamed Kaahin, Mujaahid Ismaciil Shaqaale, Muj.Maxamed Cali Yusuf (Maydhax ), Abwaan Xassan Xaaji C/laahi (Xassan Ganay), Abwaan Xusseen Qayliye, Boqor Cali Xussen Kaahin, Suldaan Daahir Aamin, Xildhibaan Maxmud Axmed Obsiiye, Xildhibaan C/raxman Jaamac , Xildhibaan Axmed Weyn, Xildhibaan Cali Aadan Qalinle, Maxamed Cali Badde iyo dad aad u badan.
Image
Ugu horeyan waxa Taariikhdii Marxuumka halkasi ka akhriyey Xildhibaan Maxamud Axmed (Obsiiye) waxaanu sheegay in uu Mujaahidku uu ku dhashay Tuulada Xaraf waxanu yidhi “”Mujahid Maxamed Aw Cali sheikh Cumar oo ku magic dheera (dayib ) waxa uu ku dhashay Tuulada Xaraf 1951kii, waxaanu tacaliintiisi ka bilaabay Dugsi quraan, oo uu aabihii waxbarashada u bilaabay, waxanu aabihii ahaa nin sheikh , intaa kadib waxa uu galay dugsiga hoose dhexe gobolka Hargeysa, waxa uu dugsigiisi sarre ka baxay dugsiga sheikh Suufi ee Magalada Moqdisho, Alla hawnaxaristee marxuumku waxa aanu isbarnay 1974kii oo aanu ku balanay in aanu ku biirno Ciidankii xooga Soomaliyeed balse isaga nasiib ayuu u helay in uu ku biiro ciidamadaasi, aniguse waxaan galay jamacad muqdisho”.Ayuu yidhi Xildhibaanku
Image
Mar uu ka waramay Ujeedada Xuskan waxa uu yidhi “Munaasibadan waxaanu ugu tallo galnay in aanu idin xasuusino taariikhadii mujahidka oo dadkii xogogalka ahaa ee ay soo wada halgameen ay inooga sheekeynayaan, marka taariikhda mujahidku waa mid markasta muqata, waxana mujahidka loogu magic daray Iskuulka ku yaala sheikh musse Ducaale oo ah iskuul hoose dhexe ah balse isha allaahu aanu gadhsin doon Dugsi sarre.”Ayuu yidhi Xildhibanku
Image
Maxamed Cali Yusuf (Maydhax ) oo ka mid ahaa Sarakiishi SNM Xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Cigaal iyo Riyaale ayaa isaguna ka waramay Taariikhdii Mujahidka waxanu yidhi “Runtii Xafladani waxay u badnaanaysaa taariikhdii mujaahidka Illaha hawnaxaristee , marka halkan waxa ku sugan rag badan oo ay Mujahid Maxamed Cali ay saxiib ahayeen oo ay halgan adagna ay soo wada mareen, waxa ka mid ahaa Ismaciil Shaqalle oo marxuumka loowada xidhay tageeridii halganka SNM ama dalkaba lagu xoreynayey, mujahidku waxa uu ahaa ragii gaadha gaashanle ama ka sareya, waxa uu ahaa ragii ugu danbeyay ee laga soo qaado gaaskii 1aad, loona mustaafuriyo meelo kale, waxana gaaskaasi u sareyay marxuumka iyo laba nin oo kale oo midi dhintay, mujahidku waxa uu ahaa ka mid ahaa Ciidamadii xooga somaliyeed oo xilal badan oo dhinca ciidanka ah ka s oo qabtay, waxa uu ahaa ninkii ugu horeyay ee xidhiidh la sameyay SNM ee u sheega sirtii dawladii Siyaad barre, si ay uga foojignadaan shirqoolada cadawgu maleegayey, Anigu waxaan ugu tagay Magalda Geesdiir oo uu Mujahid Maxamed Cali Urur ku haysatay, waa markii shantii Sarkaal ee ugu horeyay ee SNM ay ka bexeen dalkii, oo ay abuureen unugii ugu horeyay ee SNM waxa ka mid ahaa Maxamed Kaahin, Waxa uu ahaa mujahidku ninkii la xadhiidhay Shantaasi sarkaal ee ka waraysata xalada SNM iyo sida ay yihiin, waxa kale oo uu noqday Hawlgalinta Gaaska labaad, oo Hargeysa iyo agarkeeda daganaa markii danbe SNM ayuu ku biiray oo kaalin fiican ka qaatay xoreyntii dalka Somaliland .”Ayuu yidhi Maydhax
Image
Mujahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna Xuskaasi ka hadlaya ayaa yidhi “waxaynu halkan ku xusaynaa taariikhadii xalgameed ee soo martay qarankan Somaliland, waxaan illahay ka baryayaa in ilahay u naxriisto dhammaan mujahidiintii kala duwan ee rag iyo haween lahaa ee dalkan Somaliland u geeriyooday xoreeyntooda, runtii waxaynu xusaynaa mid ka mid ahaa Halyeeyadii halgamayaasha ahaa ee xoriyadii dalkan, haddii aanay u shihiidi lahayn aanay cidin xoriyad ku noolateen, oo aasas u aha qarananimadan Somaliland ee aynu haysano, nabad gelaydan iyo nimcooyinkan aynu ku naaloonayno ragii u shahiiday ee naftooda u huray, Marxuum Maxamed Cali waxa uu ahaa ardaygaygii oo macalin ayaan u ahaa xiligii uu doonayeey in ay noqdaan saraakiil, isaga iyo gacmadheere iyo marxuuum malin dhawayd dhintay, marka anigu waan garanyaa qiimihiisa oo waxa uu ahaa nin aad u fiican xiligii halganka sidii uu u ahaa ninka milgaha iyo sharafta leh ayuu xiligii ardaynimadan uu ahaa, Maxamed Cali waxa uu ahaa nin si toos ah ula soo xidhiidh SNM, isaga oo ku sugan dalka gudihiisa waxanu kolba warbixin ka keeni jiray Shirqoolada faqashtu ku jirto iyo wixii weraro ah ee ay soo wadan.”Ayuu yidhi Muj.Maxmaed Kaahin.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxman Aw Cali Faarax (C/raxman Tolwaa) oo isaguna xuskaasi ka hadlay ayaa yidhi “Marxuumku waxa uu ahaa nin ehelu Cibaado ah, hawsha uu ku dhaqaaqo isaga oo dhameeya mooyane aan ka tagi jirin oo hawlkar ah, daacad u ah qadiyada uu aaminsanaa ee SNM markii dalka la soo galayn kaalin aad u mihiim ah ayuu ka soo qaatay, anigu waxaan ahaa wakhtigaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Somaliland isaguna waxa uu ahaa wasiirkaygii gaashandhiga, Illahay ha u naxaristee waxa uu ka soo qaybqaatay hubka dhigidii dalka laga sameynayey, oo nabadgelyadeed iyo hasiloonideenu ku xidhnayd, waxa uu ka qaybgalay qaramayntii ciidamda Somaliland ee dhidibada loogu taagayey, ragii hawlaha ugu badan qabtay waxay ahayeen Alla hawnaxariistee Maxamed Cali dayib iyo Ismaciil Shaqale iyo rag kale oo badan, Allah Hawnaxariistee waxa uu geeriyooday isaga oo hawshii qaranka ku guda jira, Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in aan maalinba mujahid la xusin ee dhammaan mujahidiintii SNM mar qudha lawa xuso oo xaflad weyn loo sameeyo” C/raxman Tolwaa.
Image
Mujahid Ismaciil Shaqale oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi ”Maxamed Cali waxa uu ahaa Geesi ka tirsanaa Saraakiishii SNM, Aniga iyo mujahidka waxa na soo martay saddex xaalo, isaga oo ah madixii hawlgalinta gaaska 2aad ayuu si toos ah u tagi jiray Sayla, oo uu halkaasi kula kulmi jiray mujahidiintii Dibada joogtay ee SNM, waxaanu u geeyan jiray wixii warar ah ee uu hayey, Gurigiisa oo ku yaalay halkan xassan rakub agtiisa ayaanu ku shiri jirnay oo uu nasiin jiray wixii war ah ee jira halkaas ayaanu warka ku kala qaadan jirnay, mararka qaar waxaanu is odhan jirnay bilay idin sheegta Qoladii dhagta la odhan jiray , Mujahid Maxmed Cali waxa uu ahaa nin aan ka baqan Dawladii Siyaad barre waayo waxa uu bixinayey ee uu sheegay waxay ahayd sirtii Dawladiii Siyaad barre, Arinta labaad waxay ahayd xabsigii hangashta ee Xamar ayaanu 6 Billood ku wada jirnay, xabsigaa waxa uu noogu ahaa macalin 21serkaal ayaanu ahayn oo isagu nagu jiro, illahay hawnaxaristee Cabdi malaw ayaa noogu da’ weynaa, Mujaahid Maxmed Cali waxa uu nabaray Diinta oo ay ka mid ahayeen Axaadista rasuulkeeni subanaa laga soo wariyey, waxa uu ahaa Imaamkayagii na tukun jiray salaada, Jeelkaasi markii aanu ku jirnay muddo 6 Billood ah waxaanu ku tashanay in aanu ku biirno SNM haddii illahay meeshasi idinka sii daayo, tiina waanu oofinay oo markii lana siidayay SNM ayaanu ku biirnay, Mujaahidku waxa uu ka qaybgalay dagaalo badan oo uu qaar badan hogaaminayey guullo waayeyna wuu ka soo hooyay.” Ismaciil shaqale
Image
Waxa kale oo si wada jir ah uga hadlay taariikhdii Mujaaahid Maxamed Aw Cali Cumar (Dayib) Abwaanka weyn Xassan (Ganay) Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada Xildhiban Axmed (Wayne) iyo Xildhibaan Dhugad oo ka tirsan Xildhibanda Golaha guurtida waxayan dhammaantooda hoosta ka qariiqeen kalintii uu Xoreynta Somaliland uu ku lahaa mujahidku iyaga oo sheegay in uu ahaa nin geesi ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisaba.
Image
Xildhibaan C/raxman Jaamac (Koofiyad dheere) oo ka mid ah Xildhibaanda golaha Guurtida ayaa isaguna ka warbixiyey taariikhdii mujahid maxamed Cali dayib iyo kalintii firinfircooneyd ee uu ka soo qaatay halgankii SNM, waxa kale oo uu sheegay in markii uu dhintay Mujahid Maxmed Aw cali Cumar (Dayib) oo wakhtigaasi ka tirsan wasiiradii dawladii Cigaal, uu maalintaasi Madaxweyne Cigaal ilahay hawnaxariistee uu xabaashii ka dul yidhi illahaw Maxamed Cali waa ka dhintaye qof isaga oo kale oo fiican noogu badal, marka Mujaahidku waxa uu ahaa nin qaali ah.”Ayuu yidhi Xildhibaanku
Image
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka halday wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, waxa uu isagu ka sheekeyey Taariikhdii halanka kaga jiray Mujaahid Maxmed Aw cali dayib waxanu sheegay Mujaahidku ahaa nin geesiya oo aad u jecela nin Somaliland xor noqoto, waxa kale oo uu Xusay in Marxuumka ay isku wanagsanyeen oo ay muddo is yaqaanen , waxa uu hoosta ka xariiqay in ay fiican tahay in Mujaahidka loo dhiso Misaajiid, si uu ajar ugu socdo “.Ayuu yidhi Wasiirku
Image
Gabogabadii waxa hadal Kaftan ah iyo Taarikhdii Mujahidka halaasi ka jeediyey Muj.Muuse Biixi Cabdi waxanu sheegay in Mujaahidka ay ahyeen Saxiib, isaga oo xusay in markii uu geeriyoonyey mujahidku uu aha qofkii ugu danbeyay ee ay wada socdeen, waxa kale oo uu sheegay in ay hawlgalo badan soo wada fuliyeen, waxa kale oo uu sheegay in mujahidku ahaa nin dagaalo badan galay guulana ka soo hoyey.
C/raxman Osman C/laahi(Isbatoore)
Ishanews Media Group
Email. expensiveman_10@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland


Image

User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby Knight of Wisdom » Sat Jul 02, 2011 4:21 pm

:lol: :lol: :lol: :lol:

Another iidoor in Hell. :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby Siciid85 » Sat Jul 02, 2011 4:30 pm

Muj.Kaarto Ayuub allaha uu naxariisto. :up:


Image

User avatar
JolieFille
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 848
Joined: Mon Oct 18, 2010 9:58 pm
Location: Denmark.

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby JolieFille » Sat Jul 02, 2011 4:53 pm

How can you celebrate the men who destroyed Somalia and made you all hated immigrants in foreign nations? ! :?

User avatar
Barkhadd
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 993
Joined: Wed Dec 01, 2010 6:05 am
Location: be good

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby Barkhadd » Sat Jul 02, 2011 5:41 pm

All mujaahidiins :up: who defeated faqash :sland: :sland: :sland: :sland:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby Cumar-Labasuul » Sun Jul 03, 2011 5:38 am

Alla hawnaxariistee Mujaahidka :up:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Xus Loo Qabtey Mujaahid Kaarto Ayuub

Postby ToughGong » Sun Jul 03, 2011 5:44 am

AHUN amiin :sland: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests