(Hargisa 23/07/2011) Magalada Hargeysa ayaa laga hirgeliyay wadooyin dhawr ah oo dhex mara labada daamood ee ay magaaladu ka koobantahay, wadooyinkan ayaa fududeeyay isku socodka xaafadaha ay dhexmaraan wadooyinkani, isla markaasna kor u qaaday bilicda xaafadaha ay dhexmaraan wadooyinkan cusubi.
Wadooyinka ugu humiimsan ee la sameeyay waxa ka mid ah wadada ka bilaabanta biriishka cusub ee Hargeysa oo si dhib yar kuugu ridaysa wadadii madaarka Hargeysa iyadoo ka soo dhexbaxaysa meel u dhaxaysa hotelada Ambassador iyo Star. Wadadani waxay culayska ka yaraynaysaa Biriishkii hore, iyadoo dadka ka imanaya shacabka ilaa iyo wixii ka shisheeya, ilaa xero awr iyo maansoor hotel ee u socoda madaarku ay hada marayaan wadadaas cusub ee sida fudud aad ugu tegi kartid madaarka mudo aan ka badnay 10-15 daqiiqo.
Hadaba waxa noqotay mid laga yaabo sababta loo horeysiiyey wadooyinka dhexmara xaafadaha, iyadoo ay si ba,an u jajabanyahiin labada wado ee wadanaha magaalada oo ah labada wado ee qudha ee magaalada dhexmara, waa labada wado ee midina hor marto dhakhtarka midina ay daba marto dhakhtarka oo labadooduba suuqa dhexmara.
Wadada sedexaad ee wadanaha magaalada oo la sameeyay ilaa laba sano ka hor ee marta beerta xoriyada kana soo baxda saladhiga dhexe ee booliska dabadiisa ayaa ahayd wado iyada qayb ahaan la sameeyay oo aan la dhamaystirin, wadadan ayaa aad uga burbursan halka ay ka soo bilaabanto oo ah isgoyska Bar xaraf ee biriishka cusub ee Hargeysa ilaa iyo meel ku dhow maxakmada. Wadadan ayaa qorshaheedu ahaa inay culuyska ka yarayso wadada weyn ee dhakhtarka hor marta, hase yeeshee wax baabuur ah oo maraysa arkimaysid amaba way yaryahiin 15kii daqiiqo ayaa laga yaabaa inaad hal baabuur aragtid sababtuna tahay burburka weyn oo aanay indhaaahgu qaadankarin siiba iskuulkii faarax oomaar hortiisa.
Dadka qaar badan ayaa dhinacaas iyo xukuumada dhexe eega, laakiin masuuliyada wadooyinkani waxay dusha ka saaranyahiin dowlada hoose ee Hargeysa oo ay ka muuqato hagrasho iyo waxqabad la,aan balaadhan iyadoo dhowaana badhitaankii gudidii ka hortaga musuqmaasaqu ay shaaca ka qaadeen in dowlada hoose ee Hargeysa ay ka jirto musuqmaasaq baahsan. Iyadoo soo qabasho xadhiga ah loo jaray xoghayaha dowlada hoose, hase yeeshee qabashadiisu aanay suurtogelin ka dib markii wasiirka arimaha dibadu is badheedh ah uu u hor istaagay qabashadiisa, maadama uu isagu ahaa masuulkii ninkan xilka u magacaabay.
Sumcad xumo ayay ku tahay xukuumada iyo guud ahaanba shacabiga somaliland marka labadan wado ay arkaan wufuuda dalalka dibadaha inooga yimaada, waxayna inoo arkayaan dad aan habayaratee waxba qabsan karin inay wax baryaan mooyaane, sababtoo ah waa meelaha umad laga qiimeeyo wadooyinka muuhimka ah iyo bilicda magaaladu,
Shacbiga reer Hargeysa waxaan leeyahay xukuumadii horeba waad bedesheene waxa la soo gaadhay xiligii aad bedelilahaydeen golaha deegaanka Hargeysa.
Full articlehttp://sdwo.com/War9.htm




















