Fadhiga maanta oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayay goob-joog ka ahaayeen 109 Mudane ayaa waxa ogolaaday ansixintiisa 107 Mudane, hal Mudane uu diiday Guddomiyuhuna muu codaynin.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay ka dib markii xilka laga qaaday Garsooreyaashii iyo Guddomiyihii Maxkamada Sare hore, kuwaasoo loo tirin jiray inay xudun u ahaayeen cabashooyinkii shacbiga ee la xidhiidhay cadaalad darrada hadhaysay maxkamadaha dalka.
Ishanews Media Group
Hargeisa,Somaliland





