Postby AsadSL » Sun Aug 07, 2011 7:22 pm
Boliiska Magaalada Ceerigaabo ayaa subaxnimadii Sabtida waxay gacanta ku dhigeen Maayorka degmada Laasqoray Maxamed Timir iyo baabuurkiisa noociisu yahay SURF GT. 1140 waqtiyadaas oo maayorkani kasoo guda galay safar uu dhinaca caasimadda (Hargeysa) ugu maqnaa islamarkaasna uu usii jeedo dhiaca degaanka Sanaag-bari ee degmadiisu ku taallo. Waxana boliisku baabuurkaas ku xereeyeen taliska qaybta boliiska gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo.
Lama ogaa ilaa haddan xaqiqada dhabta ee ka danbaysa qabashada maayorkan iyo baabuurkiisa haseyeeshee wararka qaarkood ayaa tibaaxay in arrintani salka ku hayso amar kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr-Gabboose.
Dhinaca kalena maayorkan la qabtay oo ka gaabsaday inuu saxaafadda uga warramo qabashadiisan ayaa wararka kasoo duul-duulayaa sheegayaan inuu qabashadiisan u arko maag ay ka danbeeyaan madax kale oo Sanaag-bari ka tirsan iyo weliba in baabuurkan laga qabtay yayahy mid uu isagu iska leeyahay oo kabkii degmadiisa ka iibsadey islamarkaasna isagu oggolaaday lamabarka xukuumadda (GT) in lagu dhejiyo. Halka warar kalena tibaaxayaan siday horeba u sameeyeen madax badan oo kasoo jeeda Sanaag-bari inuu maayorkanina baabuurkan la baxsanayey.
Warqabdka Togaherer
Ceerigaabo