Burco-(Togdeernews)- Wafti u hogaaminaayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaa Soomaaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, oo ay weheliyaan W/kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda , Gudoomiyaha labaad ee Xisbiga Kulmiye iyo Madax dhaqameedyo ayaa maanta u kicitimay Magaaladda Cerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Muhiimadda Safarkooda ayaa la xidiidha kormeerida kormeerida xaaladda guud ee gobolkaasi iyo xalinta falkii dhowaan ka dhacay magaaladdaasi ee lagu dilay Taliyhi Saldiga dhexe ee magaaladda.
waftigan oo xalay ku hakaday magaaladda Burco, isla markaana kulamo la qaatay Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka, ayaa ku sugnaan doona gobolka Sanaag ilaa Maalinta Ciidal Odxada.
Togdheernews.




