The king of gadabursis has just arrived in borama from his headquarter jigjiga.
ugaas cabdirashid son of king, greatson of an other king all the way to his 18th great great grand father king has just arrived in borama.
Borama (Bnn)Waxaa socda isla hada soo dhaweyntii Ugaas C/Rashiid Doodi,Oo Soo gaadhay magaalada Borama,Kumanaan dad ah ayaa buuxdhaafiyay jidadka magaalada Borama oo ruxaya caleemo qoyan oo lagu soo dhaweynayo Ugaaska mudaba muranka ka taagnaa.Boqolaal Baabuur oo horsocda ugaaska ayaa soo galbiyay,waxayna soo galeen bartamaha magaalada,Halkaasi oo la rajaynayo in Ugaas C/rashiid uu kula hadlo taageerayaashiisa,intaa kadibna waxaa loo galbin doonaa guri weyn oo si heer sare ah loo qalabeeyay oo uuu deganaan doono inta uu joogo magaalada,Xaga amnigu waa 100%,Taageerayaasha ugaakuna waxay ku sii qulqulayaan goobta la filayo in uu Ugaaska ka hadlo.
Hadaba hawlwadeenada Boramanews waxay idiin balan qaadayaan in dhawaan aad heli doontaan sawiro iyo Video aanu idiinka soo diyaarinay sida ay wax u dhacayaan,
Isha ku hay oo kala soco wararkii ugu dambeeya Boramanews



