
Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka Shiinaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiyenimada Xisbiga UDUB Iyo Musharaxa Madaxwaynaha Ee Sanadka 2015-ka
Hargeysa (Ramaas) Sept 28,2011 – Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Shiinaha Mr Axmed Xasan Cigaal oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbigaas ee wakhtigan iyo musharaxnimada Madaxwaynenimo ee sanadkan 2015-ka.
Mr Axmed Xasan Cigaal, oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbiga UDUB iyo musharaxnimada Madaxwaynenimo ee xisbigaas, isaga oo rajeeyay inuu ku guulaysan doono.
Mr Axmed Xasan Cigaal oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aniga oo magaceygu yahay Axmed Xasan Cigaal, siddeedii sanadood ee u dambeeyayna ahaa danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha, walina ah hawl wadeen xisbiga UDUB oo ahaa xisbul xaakimkii xilka wadanka soo hayey mudada dhowr iyo tobanka sanadood ah, ayaa saaka ku dhawaaqayaa inaan ahayn musharaxa guddoomiyenimada iyo musharaxa madaxtinimada ee sanadkan 2015-ka u tartamaya.”
Axmed Xasan Cigaal waxa kale oo uu soo qaaday “Xisbiga UDUB waa xisbigii qabtay dhowrkii doorasho, waa xisbigii isaga oo tallada dalka haya u wareejiyay sida dumiqraadiga ah xisbigii kale markii shacabku doorteen.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xisbigaas ayaan ku han-waynahay inaan ku guulaysto musharaxnimadiisa guddoomiyenimo iyo musharaxnimadiisa Madaxwaynenimo haddii ILAAHAY yidhaahdo sanadka 2015-ka.”
Safiirkii hore waxa kale oo uu sheegay “Waxaan ku rajo-waynaha haddii shacabka reer Somaliland igu taageeraan doorashadaa iyadda ah inaan waxyaabo faro badan dalkan ka badali lahaa aniga oo khibrad balaaadhan u leh maamulka, waayo siddeed sanadood waxaan u shaqaynayey jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo aan martabado badan ka soo qabtay, waxaanan ka bilaabay darajo la yidhaahdo (UN fee) waxaanan ka gaadhay darajada la yidhaahdo (P4), aniga oo markii hore Soomaliya uga haajiray dhinaca dalka Kanada oo aan shaqooyin badan ka qabtay, aniga oo markii shaqadii qaramada midoobay ii dhammaatay aan dagey dalka Shiinaha, halkaas oo aan jaamacad la yidhaahdo (Bejieng business and technology university) bare.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo koobay, isaga oo ka jawaabay dhowr su’aalood oo la xidhiidha hantida uu ku tartamayo.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




