Page 1 of 1

Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Thu Sep 29, 2011 7:08 pm
by HaragWafi85
Image


Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Dalka Shiinaha Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiyenimada Xisbiga UDUB Iyo Musharaxa Madaxwaynaha Ee Sanadka 2015-ka

Hargeysa (Ramaas) Sept 28,2011 – Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Shiinaha Mr Axmed Xasan Cigaal oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbigaas ee wakhtigan iyo musharaxnimada Madaxwaynenimo ee sanadkan 2015-ka.
Mr Axmed Xasan Cigaal, oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbiga UDUB iyo musharaxnimada Madaxwaynenimo ee xisbigaas, isaga oo rajeeyay inuu ku guulaysan doono.



Mr Axmed Xasan Cigaal oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aniga oo magaceygu yahay Axmed Xasan Cigaal, siddeedii sanadood ee u dambeeyayna ahaa danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha, walina ah hawl wadeen xisbiga UDUB oo ahaa xisbul xaakimkii xilka wadanka soo hayey mudada dhowr iyo tobanka sanadood ah, ayaa saaka ku dhawaaqayaa inaan ahayn musharaxa guddoomiyenimada iyo musharaxa madaxtinimada ee sanadkan 2015-ka u tartamaya.”

Axmed Xasan Cigaal waxa kale oo uu soo qaaday “Xisbiga UDUB waa xisbigii qabtay dhowrkii doorasho, waa xisbigii isaga oo tallada dalka haya u wareejiyay sida dumiqraadiga ah xisbigii kale markii shacabku doorteen.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xisbigaas ayaan ku han-waynahay inaan ku guulaysto musharaxnimadiisa guddoomiyenimo iyo musharaxnimadiisa Madaxwaynenimo haddii ILAAHAY yidhaahdo sanadka 2015-ka.”
Safiirkii hore waxa kale oo uu sheegay “Waxaan ku rajo-waynaha haddii shacabka reer Somaliland igu taageeraan doorashadaa iyadda ah inaan waxyaabo faro badan dalkan ka badali lahaa aniga oo khibrad balaaadhan u leh maamulka, waayo siddeed sanadood waxaan u shaqaynayey jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo aan martabado badan ka soo qabtay, waxaanan ka bilaabay darajo la yidhaahdo (UN fee) waxaanan ka gaadhay darajada la yidhaahdo (P4), aniga oo markii hore Soomaliya uga haajiray dhinaca dalka Kanada oo aan shaqooyin badan ka qabtay, aniga oo markii shaqadii qaramada midoobay ii dhammaatay aan dagey dalka Shiinaha, halkaas oo aan jaamacad la yidhaahdo (Bejieng business and technology university) bare.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo koobay, isaga oo ka jawaabay dhowr su’aalood oo la xidhiidha hantida uu ku tartamayo.


Ramaasnews Desk
Hargeisa

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Fri Sep 30, 2011 12:20 pm
by Khalid Ali
Holy Smoke this guy Axmed Xassan Cigaal the tall professor professor he teaches in a Chinese university and part he was the Ambassador to China for Somaliland in bejing

Axmed Xassan Cigaal is a very sophisticated man he is Ugaadh Cumar H.Y. he is a rightwing Isaaqist and is an excellent speaker and very Charismatic

he really despises some Somali Clans and looks down on certain other Clans all in all he is a good man

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Fri Sep 30, 2011 1:30 pm
by HaragWafi85
The tall professor is Ugaadh Cumar with Reer Caynaanshe reer abti. From what i heard he is quite popular and liked within his community and others.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Fri Sep 30, 2011 1:36 pm
by Khalid Ali
Yes he has wide support from the Locals i believe and is a man with a vision and very much educated Mr Axmed Xassan Cigaal he did a phd in political science and History so he is a double phd holder. And he is a great speaker you can listen to him for hours he is fluent in English Arabic Somali french and Mandarin Chinese language

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Fri Sep 30, 2011 1:55 pm
by HaragWafi85
You are right. Since his arrival in Somaliland he has been visiting different areas and developing links with the elders and communities.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Fri Sep 30, 2011 5:15 pm
by KingMJ
Smart educated guy :sland: :up:

But he doesn't have much of a chance there are far more popular and supported figures.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sat Oct 01, 2011 10:46 am
by kaliil
SIciid ninka habrawadaag ayaad tihiin oo Yoonis ayaa dhalay sidaan maqlay. waa nin aqoonyahan ah oo weliba codkar ah.
waxa fiicnaan lahayd inuu xisbi cusub furto.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sat Oct 01, 2011 3:04 pm
by Username1
Just because he can speak Chinese doesn't mean his presidential material..

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sat Oct 01, 2011 3:13 pm
by HaragWafi85
kaliil wrote:SIciid ninka habrawadaag ayaad tihiin oo Yoonis ayaa dhalay sidaan maqlay. waa nin aqoonyahan ah oo weliba codkar ah.
waxa fiicnaan lahayd inuu xisbi cusub furto.

Are you sure about that kaliil? sidaan aniga uu maqlay waxa reer abti uu ah RC. And his running for UDUB presidential candidacy i don't think he has plans to open his own party as of yet.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sat Oct 01, 2011 3:17 pm
by The_Emperior5
Username1 wrote:Just because he can speak Chinese doesn't mean his presidential material..

if you saw his CV you would not say that

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sun Oct 02, 2011 12:04 am
by kaliil
Siciid ma hubo laakiin rag ciidagale ah oo ninka ku faanaya oo anagaa dhalay leh ayaan arkay. Yoonis ayaa dhalay oo abti ayaanu u nahay ayay lahaayeen.
Boarding kii Awaare ayuu waxbarashada ka bilaabay oo dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe ku bartay.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sun Oct 02, 2011 12:07 am
by kaliil
xaga aqoonta marka laga eego nin kale oo isaga u dhigmaa siyaasada somaliland kuma jiro ayay ila tahay.

Re: Md.Axmed Xassan Cigaal to run for JSL presidency

Posted: Sun Oct 02, 2011 8:52 am
by The_Emperior5
kaliil wrote:xaga aqoonta marka laga eego nin kale oo isaga u dhigmaa siyaasada somaliland kuma jiro ayay ila tahay.

nacam Axmed Xassan Cigaal wa nin Khibrad u leeh Siyaasada aduunka iyo ta Somaliland ba wana nin doorweyn ka so qaatay halganki SNM