Postby Cali_Gaab » Sat Oct 01, 2011 8:57 pm
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhagax dhigay Taalo cusub oo laga sameeyay xaruntii halganka Somaliland ee Baligubadle. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda, Arrimaha
Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Somaliland ayaa dhagax dhigay Taalo cusub oo laga sameeyay xaruntii halganka Somaliland ee Baligubadle. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Mayorka Caasimada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Aadan muxumed (Hoori), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo waliba xubno kale oo ka mid ah saraakiisha madaxtooyadda.
adal Kooban oo uu madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Xafladda Dhagax dhiga taaladda xuska Mujaahidiinta SNM, ayaa waxa uu sheegay in uu xarunta Magaaladda Baligubadle ay tahay magaalo lagu ku suntan taariikh halgameedka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu balan qaaday in uu fulin doono balanqaadyadii tiradda badnaa ee uu gobollkaasi ugu balan qaaday wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashadda madaxtooyadda.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu intaasi ku daray in xukuumaddiisa oo jirtay muddo kooabani ay dalka ka hirgelisay waxyaabo badan isla markaana waxa uu u soo jeediyay dadka deegaanka in ay guntiga dhiisha iska dhigaan sidii ay dhinacooda wax uga qaban lahaayeen baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaankooda.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu guntiga dhiisha iskaga dhigayo sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.