abdalla11 the shir isn't about that, so nice try. Meesha ma waxad u mooday Kismaayo?

Harti vs Absame, Absame vs Marehan/Cayr, Harti/Absame vs Marehan.
Shirkii Ka Socday Tuuladda Dubur ee Gobolka Saaxil Oo Laga Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Sideed Qodob.
Beeshu waxay ka xumaatay faragalinta ay xukuumaddu kula kacday beesha......
Dubur (GNS) Shir Beelaha Ciise Muuse Uga Socday Deegaanka Sheekh gaar ahaan Tuuladda Dubur, ayaa laga Soo saaray Go,aan ka kooban Sideed Qodob, waxana ay sheegeen in uu Bayaankani yahay Mid ay Gaadheen Masuuliyiinta, Madaxdhaqmeedyadda iyo Qayabaha kala Duwan ee Beeshaasi.
Shirkan oo soo Gabgaabobay Maanta ayaa laga dhex sheegay Bayaankan, kaasi oo ka kooban Siddeed Qodob. Waxana uu u dhignaa Sidan.
1 In jiritaanka iyo Gooni Isutaaga jamhuuriyadda Somaliland Gorgortan Gali Karin, aanuu yahay laba taabtaan.
2 In nabadgelyo iyo deris wanaag lagula noolaado Beelaha jaarka ah iyo beelaha somaliland oo dhan
3 Wixii dhib ah ee dhex yimaadd beelaha in nabadgelyo iyo wadahadal lagu dhameeyo.
4 beeshu waxay taageeraysaa xukuumadda kasta oo somaliland ah oo ku timaadda Doorasho iyo siffo sharci ah.
5 Beeshu waxay ka xumaatay faragalinta ay xukuumaddu kula kacday beesha.
6 Beeshu waxa ay ku hashiisay in ay ka shaqayso Horumarinta Deegaanka Beeraha Ciise Muuse iyo adeegyadda Bulshadda Sidda Caafimaadka Waxbarashadda ilaalilnta deegaanka iyo waxyaabaha la mid ah
7 Beeshu waxay samaystay Guddi 41 Xubnood ka kooban oo ah oo danaha Beelaha Ciise muuse ka shaqaysa Gaar ahaan Dhinaca Horumarka.
8 Beeshu waxay aad iyo aad ugu Mahadcelinyasaa Beelihii Nagu soo booqday Shirkan iyo Beelaha uu Wakhtigu u samaaxi waayay in ay noo yimaadaan .
Si kastaba ha ahaatee Shirkan ayaa Bilaabay 29 Septempar Sanadkan aynu ku jirno, waxana uu soo Dhamaanay Maanta.
Maaliintii shalay Ayay ahayd Markii ay Booqdeen shirkan ergooyin Cuculus oo ah Salaadiinta Guud ee Goboladda Maroodi jeex, Gabiley iyo Togdheer.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter