Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Party

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Party

Postby The_Emperior5 » Sun Oct 09, 2011 11:01 am

C/Raxmaan Cirro Halkee Buu Ka Keenay Guddoomiyaha Goloha Wakiiladda Ayan Ahay Ururna Waan Furanayaa” Faysal Cali Waraabe.

“ Hadda waa anigaa u qoray C/raxmaan Cirro Warqadda waanu soo badalaynaa kursigiisa” Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa (GNS) Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhaleecayn Culus iyo eedaymo kulkul u soo jeediyay Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland, uu badalay habkii loo Doortay, waxana uu sheegay in uu u guuray Urur aan jirin, Gudoomiye Faysal ayaa intaas raaciyay in ay soo badalanayaan Kursiga C/raxmaan Cirro.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sidaas ku sheegay Shir jaraa’id oo uu Maanta ku Qabtay Xafiiskiisa, kaasi oo ugu Waramayay Qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxbanaan.

Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in ay soo badalanayaan Kursiga C/raxmaan Cirro ee Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda isaga oo ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Hadda waa anigaa u qoray C/raxmaan Cirro Warqadda waanu soo badalaynaa kursigiisa, waxana ku Xiga laba Nin Midna wuxuu Joogaa England Midana Maraykan kii Labadda soo bixi karaa wuu iman karaa, mar haddii uu kursigii baneeyay Waa la badalayaa Keydkii oo dhana waa Diyaar mid kasta oo baneeyana Sidaas uun ayaa loo badalayaa.”

Faysal Cali Waraabe ayaa Sidoo kale ku eedeeyay Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda C/raxmaan Cirro in uu jabiyay Qaar ka mid ah Xeerarka u yaal wadanka “Waxa uu Samaeeyay C/raxmaan inuu jabiyo Xeerkii u yaalay Wakiiladda, taas oo ahaa haddii Qofku Afar Fadhi Ka Maqnaado in uu waayayo Xubinimadiisii, Sidaas darteed qaar Baa Maqan Afar, sanadood, Sadex Sanadood, markaa waxa muuqata in uu yahay nin ka horaysiiyay Sharciga Dalka u yaala Dantiisa, Sharcigii uu ku baabiyey Goloha Wakiiladda, Oo Umadda oo dhami ay Garanayso in Goloha Wakiiladdu uu Yahay Xerro Geel oo aan dadka u Adeegin”.


Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in C/raxmaan Maxamed C/laahi aanuu Raali ka ahayn in uu uu guulaysto Xisbiga UCID, waxana uu intaasi ku daray in uu Olole u galay sidii uu u soo bixi lahaa Xisbiga KULMIYE waxana uu yidhi isaga oo arimahaasi ka hadlayaa “Waxa uu Sameeyay Markii uu Soo Baxay Xisbiga Kulmiye, Sidda uu Sheegay C/casiisa Samaale, in uu Gacan weyn ka gaeystay Sidii uu Xisbiga KULMIYE u Soo Bixi lahaa, haddana Nidaam Daradii waxa uu Gaadhsiiyay Qaranka, Inta uu rag iyo Magacyo aan jirin uruursado uu yidhaahdo waa xubnihii Xisbiga UCID”

Faysal Cali Waraabe waxa uu Sidoo kale ku eedeeyay Mr C/raxmaan Maxamed C/laahi, in uu khkhal iyo jahwareer doonayo in uu ka dhex Abuuro Xisbiga Waxana uu yidhi “C/raxmaan Cirro Foodadii ayuu wali sii waddaa, waxa uu yidhi waxaan ka baxay Xisbigii aan ka soo baxay ee Aan ku fadhiyay , xisbigan uu ka baxay Mar Qudha ayuu ka bixi karaa Xeerku wuxuu Qorayaa Markuu Xisbigiisii uu Dhaco, Ayuu xaq u lee yahay in Qofkaasi Xisbigiisa uu ka Baxo, Hadda marka Doorshooyinka Goloha Deegaanku ay dhacdo haddii uu KULMIYE Dhaco, Qofka ku Fadhiya Magacayadda UDUB ama KULMIYE ee Goloha ah wuxuu ku Biirayaa Xisbiyadda Soo Baxo, Laakiin Lama Arag Nin Dhan oo shircigii haya oo yidhi Waxaan ka baxay Xisbigii aan ku jirey ee aan kursigan ugu Fadhiyay oo waxaan ku Biiray Urur aan soo bixin isla markaana aanay ansixin Gudida Diwaan Galinta Ururadda.

Xubinta Baarlamaanka Wuxuu ku Fadhiyaa UCID, Mar haddii aanuu Sharcigu noo Ogolayn Qof aan Xisbi ku jirin in uu Fadhiyo Goloha Wakiiladda, Dastuurka Qodobkiisa 50aad Farqadiisa Sadexaadna sheegayso, ninkii Jabiya Shuruudaha lagu soo doortay, in uu waayayo Xubinimaddii Goloha, Arintaas weeye ta aanu Tix raacnay anagu.
Laakiin Caqli maaha Dawladda ayan la saaxiib ahay oo wax alaale iyo waxa aan doono ayan sameenayaa, Haddii uu C/raxmaan Cirro Sharciga Gacanta ku qaado waxa aanu sameynayno Anaga ayay noo taal”.
Ugu danbeyntii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu amaan u soo jeediyay Safarka uu Madaxweyne Siilaanyo ku marayo Goboladda Barri ee Dalka, waxana uu sheegay in ay tani ka mid tahay balanqaadayadii KULMIYE, Balan qaaday Waqtigii uu ku jirey Oloha Doorashadda ee Dalka, waxana uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay in uu Si wacan ugu kuur gallo Xaqiiqo ka ogaansha Nololeed ee Dalka.

User avatar
Ismail_Boss
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:12 pm
Location: Burco - Somaliland

Re: Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Part

Postby Ismail_Boss » Sun Oct 09, 2011 3:20 pm

:lol: :lol: :lol:

Pure comedy.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Part

Postby The_Emperior5 » Mon Oct 10, 2011 8:37 am

Ciiro's response to Faisal


Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland ayaa u soo jeediyay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID in ay dib ugu noqdaan isla markaana ay u eegaan Dastuurka Wadanka...

Hargeysa (GNS) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo lagu sheegay in xildhibaanada ka soo baxay xisbiga UCID ay soo cadeeyaan in ay iska casileen xubinmadii xisbiga si ay u soo bedeshaan xubno kale oo u matela golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha oo manta ugu warabayay Xafiiskiisa Qaar ka Mid ah Warbaahinta Dalka ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay xisbiga UCID ,mid baal marsan dastuurka Wadanka, isla markaana loo baahan yahay in ay dib ugu noqdaan dastuurka oo ay soo akhristaan sharciga dalka u yaal.

Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro waxa uu si adag u dhaleeceeyay Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, waxana uu C/raxmaan Maxamed C/laahi sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Baal Marsan yahay Sharciga U dajisan Dalka.

Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland ayaa u soo jeediyay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID in ay dib ugu noqdaan isla markaana ay u eegaan Dastuurka Wadanka.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro in golaha wakiiladu diyaar u yahay in ay kaalin Wanaagsan ka ciyaaraan doorka dhalinyaradu ku leedahay ka qayb galka siyaasadda dalka.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro waxa uu soo dhaweeyay safarka Madaxweynuhu ku tegay Gobolada Barri isaga oo ku sifeeyay guul u soo hoyatay shacabka Somaliland Oo manta Madaxweynihii ay doorteen uu cagta soo dhigay Xadka u dhexaysay Somaliland iyo Somaliya.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Part

Postby The_Emperior5 » Mon Oct 10, 2011 2:36 pm

faisal cali warabe response ciiro needs to be sacked as soon as possible and he can't no longer be the Somaliland parliament speaker

Image


Guddoomiyaha UCID oo Komishanka Doorashooyinka ka dalbaday Maxkamadda sare inay u gudbiyaan xubintii Cirro ku xigtay si loogu bedelo
Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo inay Komishanku u gudbiyaan Maxkamadda Sare ee Dalka xubintii Kaydka ahayd ee ku xigay C/raxmaan Cirro maadaama sida uu qoraalka ku sheegay Feysal uu baneeyay Cirro jagadii xisbiga ee uu ku fadhiyay Golaha
Qoraalka oo dhamaystirana waxa uu u dhacay;-
Uj:Buuxin Jagada uu iska casilay Abdirahmaan Cirro
Ku:Komishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland
OG:Mudane: Abdirahmaan Abdilahi Cirro;
Anagoo tixraacyana is casiladii uu ku dhawaaqay 6 Oct 2011 Mudane:Abdirahmaan Abdilahi Cirro taas oo uu ku sheegay in uu iska casilay xubinimadii uu ku matalayey xisbiga UCID Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland kuna jabiyey distoorka Jamhuuriyada Somaliland Qodobkiisa (50)
iyo xeerka Nidaamka furashada ururada iyo axsaabta ee xeer No:14/2011.
waxaanu halkan ku cadaynayanaa in aanu ka aqbalnay is casiladiisi uu ku baneeyey jagadii uu xisbiga UCID ku matalayey Golaha Wakiiladdda soona buuxsan doono sida sharcigu na siinayo.
Sidaa daraadeed waxaanu ka codsnaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka jamhuuriyada Somaliland in uu u gudbiyo Maxkamada Sare magaca Xubinta Keydka ah ee Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil si uu u soo buuxiyo jagadaas uu baneeyey mudane:Abdirahmaan Abdilahi cirro.
ALLAA MAHAD LEH

User avatar
KingMJ
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
Location: Back frm the Dead

Re: Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Part

Postby KingMJ » Mon Oct 10, 2011 5:56 pm

Faisal waraabe what can I say apart from this:

Image

Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Faisal cali waraabe Ciiro you Can't have you're own Part

Postby Saraxnow » Tue Oct 11, 2011 5:30 pm

Faisal waraabe what can I say apart from this:

Image
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 10 guests