Ururka RAYS fikrada annigu kumaan lahayn, waana Urur Somaliland oo dhan ka kooban, laakiin hawsha waxaan kala socday rag beesha ka tirsan aad iyo aad baanan u taageersanahay
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud [Boqor-Buurmadow] oo ka mid ah madax-dhaqameedka waa weyn ee Somaliland, kana soo jeeda beesha Madaxweynaha, ayaa safarkii Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigii uu hoggaaminayey Toddobaadkii hore kaga soo laabteen Gobollada Bariga Somaliland, waxa uu ku tilmaamay mid aan majare sax ah ku socon, isla markaana la mid ah Hal fool-anbatay oo aan cidina garan karin halkay ku dhali ama tegi doonto ugu danbaynta. Sidaana waxa uu ku sheegay Waraysi Wargeyska “Yool” Xalay la yeeshay.
Boqor Cismaan oo mudooyinkanba ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, waxa kaloo uu Waraysiga kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin safar uu sheegay in Madaxweynuhu Toddobaadka soo socda uu kub tegi doono dalka Ingiriiska, kaasoo uu ujeedadiisa ku micneeyey ka qayb galka shir beesha Caalamku ku doonayso inay ku kulansiiso Madaxweyneyaasha Maamulada ka jira Soomaaliya, sidoo kale waxa iyana uu carbka ku dhuftay Urur-siyaasadeed cusub laguna Magcabaao RAYS oo Shalay lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, kaasoo xubnaha Guddoonkiisa ku jiraan shaqsiyaad ay isku Ardaa yihiin Boqor Buur-Madow.
Geesta kale, waxa Boqorku markii ugu horeysay ka tilmaamo ka bixiyey noocadii uu ahaa xidhiidhkii u danbeeyay ee ka dhexeeyey isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale, kaasoo uuu sheegay inuu ka codeeyey doorashii u danbeysay ee Madaxtooyada.
Haddaba waraysigaa oo dhamaystiran waxa uu u dhacay sidan:
S: Boqor in muddo ah maynaan wada xidhiidhin Warbaahintana waad ka maqnayd, sidaa darteed bal marka hore war-bixin kooban naga sii xaaladda aad mudooyinkan danbe ku sugnayd iyo joogitaankaaga imaaradku nooca uu yahay.?
J: Walaahi waan Caafimaad qabaa Alxamdu lilaah hawlo shaqo ayuunbaan u joogey oo igu daba-dheeraaday, hadana waa ii gebagebo oo dhowaan baan iman doonaa dalka haddii ilahay yidhaahdo.
S: Boqor sida aad la socoto Xukuumada Axmed Siilaanyo waxay oggolaatay inay doorashooyinka soo socda ka qayb galaan Ururo-badan, sidaa la’ajligeedna waxa muddooyinkan danbe dalka ka socday Ururo cusub oo dad badan oo damaci lihi furanayaan, waxaana Ururadaa ka mid ah aUrur la yidhaahdo RAYS oo inkastoo deegaanada Somaliland ka wada muuqdeen, hadana waxa Guddoomiye ka ah Nin aad isku Ardaa tihiin, arimahaa side baad u aragtaa. Ma’se taageersan tahay Ururkaa RAYS.?
J: Ururka RAYS fikrada annigu kumaan lahayn, waana Urur Somaliland oo dhan ka kooban, laakiin hawsha waxaan kala socday rag beesha ka tirsan aad iyo aad baanan u taageersanahay, waxayna ila tahay rag badan oo aan is leeyahay waxbay xaalada dalka ka qaban karaan baa ku jira, fikirkay wadaana waa fikir aanu ku taageersan nahay, waana fikir aan isleeyahay hadba siday uga midho-dhaliyaan bay Somaliland-na ku taageeri doontaa. Waanan hanbalyeynayaa iyaga iyo Ururada kale ee la furtay-ba, inkastoo aanan markii hore jeclayn in Somaliland Ururada la furo, waayo Xukuumadani maaha mid kala celin karta qaska ka dhalan kara Ururadaas.
S: Waa run Boqor oo Ururka RAYS waxa xubno ka ah Somaliland oo dhan, hadana marka si kale loo dhigo waxa Guddoomiye hadda ka ah Xasan Gaafadhe oo aad isku Ardaa tihiin, taa awgeed ma loo micnaysan karaa in furashada Ururkani inuu qayb ka yahay saluug la hadal-hayey oo Ardaagiinu ka qabo saami-qaybsiga Xukuumada cusub..?
J: Ragani waa aqooyahankii beesha, waxaan u arkaan inay maanta Urur furtaan iyadoo Madaxweynuhu Ardaagooda ka soo jeedo fashilaad in hoggaanka dalka ugu sareeyaa uu beeshiisii hanan-kari-waayey ayay markhaati ka tahay, waxaan u arkaa in hoggaanka iminka dalka ka jiraa uu ku fashilmay isku hayntii beelaha Somaliland, markuu ku fashilmay isku haynta beeshii uu ka soo jeeday. Saami-qaybsiga beelaha H/Jecelo oo kale, waayo hoggaanakani waa kii Kowaad ee kala diray beelaha H/Jeclo. Tusaale ahaan beelaha Maxamed Sheekh Isaxaaq, Ibraahin Sh Isaxaaq, Cimraan, Sanbuur iyo reer Idood intaba wuu ka takooray dawlada. Tan labaad Muuse Sh Isaxaaq oo Ardaaga uu isagu ka soo jeedo ah uu hadan sii kala tarkooray, hadan aad arkaysid sida Somaliland loo sii kala takooray, waxaan u arkaa raggani inay diyaar u yihiin inay beeshii sumcadeedii dib-u-soo celiyaan oo Somaliland midnimadeedii si ay isugu hayaan oo doorkooda qaataan, maadaama hoggaankii ku fashilmay itaalkooda iyo doorkooda qaataan, haddii aanay doorkooda qaadan oo lagu eegan waxay ahaan lahayd ayaan daro, annigana waxay I gelinaysaa in dalkani rajo-fiican leeyahay.
S: Boqor Cismaan sida aan filayo waxaad la socotay in dhowaan Madaxweynuhu socdaal dheer ku soo maray Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, bal adiga aragtidaada maxaa safarkaa Madaxweynaha kaaga baxay.?
J: Walaahi annigu waxaan u arkayey Fool-anbad, Hashu markay dhalayso caqli kuma socoto oo meeshay doonto ayay u carartaa, markaa xanuun fool-baxsiya buu ahaaye wefdina muu ahayn meel uu u socdayna ma jirin, hadana waxa weeyaan hadafkii Somaliland ku socotay haduu maamulkani ka leexday meeshuu ku umuli doonaa waa meel fool-baxsiya, haseyeeshee iminka ayay fool-baxsigii ugu weynaa u baxday mar haddii ay London kaga qayb gelyaa shir midnimada Soomaaliyeed ah oo ay wiiga soo socda u bixi-doonaan markaa dawladani waa hal-fool-baxsatay safaradeeduna wax cilmi ku dhisan maaha meel ayu u socoto iyo meel ay ka socotana ma leh. Meeshay u socotaana Soomaali-weyn weeye, laakiin waxaan qabaa inay Xamar uga dhoweyd meelahan ay ku ordayso.
S: Boqor Cismaan Buur-Madow, waxaad ka dhawaajisay in Madaxweynuhu dhowaan u baxay safar dibedeed oo uu kaga qayb gelayo shir lagaga hadlayo arimaha Soomaali-weyn sideebaad ku ogaatay arimahaas adigu..?
J: Waxaad ogtahay in doorashadii Soomaali-weyn inay soo socoto, waxa weeyaan inagu Somaliland ahaan inagoo gooni ah ayaynu arimaheena gooni ku dhamaysann jiray oo cid walba kala kulmi jirnay, waad wada maqlayseen Wasiir Geeljire siduu uga badheedhay, waxyaabo badan baa lagaga shirayaa Budhcad baddeeda ha noqoto ama amniga ha noqoto ama sidii Soomaaliya loo dejin lahaa ha noqoto, sidaan ogahay-na arrin Somaliland dani ugu jirto. halkaa loo tegi mayo arinkuna waa aruin Soomaali-weyn, inaguna Sooomaali-weyn baynu maanta ka mid nahay oo weliba laga simnaysanyo oo aan dhab ahayn, haddii’se shacabku sidan aqblay oo aynu koleyba ku socono Soomaaliya, waxaan qabaa inay ka mudan tahay in sidii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ka dhawaajiyey in mid bilaa shuruud ah oo tii Lixdankii ka liidata la galo. Mar haddii shacbigii aanay ka dhiidhiyayn oo aanay Xukuumadan ku mudaharaadayn waxay ila tahay inaynu toos Xamar u qabano.
S: Boqor waa arin culus qoddobka aad sheegtay ee shirka ku saabsan, sidaa awgeed maxaad daliil ah oo aad u haysaa arinkaa aad sheegtay..?
J: Waxyaabihii hore ee aan sheegi jiray, waxay ummadda reer Somaliland u hor yimaadeen sabab la’aan, waxaas aan sheegayna waxaan filayaa inay shacbiga u hor iman doonaan maalmaha soo socda, sidaa awgeed hadal badan oo aan maanta ka idhaahdo uma baahna.
S: Haddii aynu dhinac kale arimaha iska taagno, adigu shaqsiyan Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale inkastoo aad Saaxiib la ahayd, hadan waqtiyadii ugu danbeeyey waad ku yar laaday, marka waxaasoo dhan laga yimaado hadda waqti xaadirka marka aad eegto miyaa loo DARSAY, mise waa laga RAYSTAY..?
J: Xukuumadii Daahir Rayaale runtii Xukuumad marka la dhaliilo wax dhegaysanaysay bay ahayd, dawlada wax loo sheegin karayo ayay ahayd. Tan waxa weeyey runtii dawlad DHALAAN ah weeyey, canaana qaadan karayn maskax haddii wax loogu sheegayna aan qaadan karayn, annigu markaa dawladaa hore toosin mooyaane mucaarid kumaan ahayn. Doortashadii waayadii u danbeeyey waan ka codeeyey oo waxaan u arkayey in dalku isbed u baahnaa oo dadku ay u arkayeen in KULMIYE jannada geynayoo oo barwaaqo keenayo, dabadeed-na markaan qiimayn ku sameeyey in isbedelkay doonayaan lagu taageero bay ahayd, sidaa darteed Xukuumadii hore mar walba waan taageeri jirey marar aanu isku dhacnay way jirtay.
S: Boqor hada iyo jeer marka hadaladaa ad-adag Warbaahinta lagu arko dadka qaarkood baa mucaaridadaada ku micneeya mid ka soo ukantay Shirkii Gar-adag waqtigaasoo markii aad ka hor timi shirkaa beeshu soo faragelisay Saldanadaada, sidaa ma tahay mise micne ka duwan baad adigu ku sheegi lahayd.?
J: Walaale anniga beeshu igamana shirin, go’aana igama soo saarin, laakiin waxa weeyey siyaasiyiinta KULMIYE ugu sareysay ee Madaxweynuhu kow ka yahay iyo caruur dhaqan-celis ah oo uu dibedda ka soo kaxaystay oo kuwaa hadda uu xilalka ku taxay ah ee dhinacyadiisa jooga iyo rag xag-jir ahaa oo markii horeba aanu dalka ka ilaalin jirnay, kuwaaasuun baanu talada isku haynay welina raggii oo taladii gacanta u gashay ayuun-baan dhaliilayaa ee annigu colaad-na kulama jiro, dagaalna kulana jiro Urur-hubaysna ma wato, laakiin waxa weeye.
Gar-adagna annigu kamaan SINAYSAN oo shirkaan arkay wadaduu ku socdo, maadaama uu Madaxweyne doonayo Guddoomiyihii Guurtiduna uu marayo in aanay maanta heer hoose oo Ardaa ka shirin in aanay qabyaalad dadka tusin oo fidno la abuurin taas ayaan diiday, iyadoo shirka la joogo ayaan rayigaygana ka dhiibtay, shirka shirkiisana Caynaba ku qabtay, waxaana la igu yaqaan in aan wixii adag badheedhe adag ka qaato, berito haddii dawladani wax fiican la timaadan waan taageeri, haday wax khaladan la timaadan waan sheegi.
S: Tan iyo intii ka danbeysay markii aad bilowaday in aad Warbaahinta hadalo kulul u soo marisid Xukuumada, waxa dadku isweydiinayeen waqtigaad dalka timaadid iyo wax dhici kara, iyadoo ay dhacday sida la sheegay in marar badan Madaarada lagaa doonay markaa ma arimahaas baad uga joogaty inaad dalka timaado, mise duruufo kale baad jira.?
J: Waxa weeyaan runtii sidaan dalka u deganahay baan Imaaradka u degnahay. Waxa l;a yidhi ‘..Niman Ugaadeen ah oo culimo aha baa beri waxay qaadeen Geel oo dhceen, dabaeetana Geelii waxa loo bixiyey TOOBAD-JEBIYEY markaa Nin wadaadii ka mid ahaa baa Gaadhka qaba jirey, dabeed-na habeen danbe ayaa Geelii waxa soo weeraray DUMAR markaasu ka carary oo waayo DUMARKII waxay noqdeen DUMAR hubaysan. Maalintii danbe ayaa isagoo SAAR tumaya ayaa wuxuu ka dhex tiriyey Maanso, wuxuuna yidhi: ‘..Intaan taladani I helin amaan Toban ley u gelin, raggii hore Toobadii iyo tab caraabaan ku jirey..’. Markaa intaan Dawladan Xagjirka iyo dhaqan-celiska isku jiraa dalka qabsan raggii talada wax ku lahaa baan ahaa, maantana si aan talada dalka wax uga bedelo ayaan doonayaa, waxaana shacbiga u sheegayaan in aan dalka degdeg u imanayo cidna uga baqan mayno oo cid looga cararaa ma joogaan, laakiin mararka qaarkood Ninkastoo waxgaranayaa waxa uu ku fikirayaa inuu dibedda ka joogo, waayo mar haddii iyagii ay dalkii duminayaan, haseyeeshee markaad aragto inay wixii lumayaan dee waad ka hadlaysaa.
Waxaana talo ku soo jeedinayaa dawladaasi haddii ay Koonfur ka joogi waayeen, waxaan leeyahay waxgaradku iyagu toos ha ugu tagaan Koonfur.



