Postby LiQaaye_TDH » Wed Oct 19, 2011 6:59 am
Dadweynaha ku nool Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa maanta dhabarka u jeediyay Urur Siyaasadeed uu Watey Wasiirkii hore ee Wasaarada Daakhiliga ee Xilligii Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin. Kaasi, oo lagu xasuusto xayiraadii uu ku soo rogay kalfadhiyadii Golayaasha Deegaanada dalka, oo ay hurmuud ka ahaayeen Degmooyinka Gabiley iyo Berbera.
Ismaaciil Aadan Cusmaan,(Ismaaciil-yare), oo barqadii shaley soo
gaadhay Gudaha Magaalada Gabiley Isaga(Ismaaciil-yare) iyo xubno la socday oo watey sida ay Sheegteen Urur Siyaasadeed cusub oo uu dhawaan ku dhawaaqey oo layidhaa Dalsan.
Ismaaciil yare oo kulankiisan reer Gabiley waajahay dareen xusuuseed soo bidhaamiyay boog hore oo Dadwaynaha Gabiley ka bogsadeen, isla-markaana reer Gabiley Xasuusiyay sooyaalkii Taariikheed ee Ismaaciil-yare maalmihii ay saaxiibka fog ahaayeen Madexweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, oo inta badan loo tiryo khilaafkii Mucaaridnimo ee Rayaale iyo Reer Gabiley in uu bud-dhige ka ahaa Ismaaciil-yare iyo saaxiibadiisii ay wakhtiga dhinaca Siyaasada caadifiga ah rafiiqa ku ahaayeen.
Hadaba, muuqaalkii shaley ayaa ahaa, dareen Ismaaciil yare laf
ahaantiisa dib ugu celiyay, Milicsiga Maalmihii uu Wasaarada
Daakhiliga Wasiirka Ka ahaa, iyo heerarkii kala duduwanaa ee ay isla soo muteen isaga iyo dadweynaha Gabiley ee uu xiligaa u yaqaanay Mucaarid aan hanuunsaneyn.
Waxanay arrintani dhacday kadib markii Ismaaciil yare kala kulmay
goobtii loogu diyaariyay, in uu xaflad ku qabsado gagi cidla ah oo
aanay ka muuqanin habayraatee, inta loo bidayo hal-doorka Gabiley
sheikh iyo shariif, wiil iyo gabadh hooyo iyo aabe midna.
Sidoo kalena, waxa dadku aad ula yaabay hadalheyntii huleelkiisa
kadib, hadaladii ay dhowr qof kasoo wariyeen khudbadiisii taasi, oo
aheyd mid aan ku qotomin mawduuca damac Siyaasdeedkiisa. haseyeeshee, ku koobnayd Guulwadeyntiisii lagu yaqaanay Sabanadii Daahir Rayaale ee uu Wasiirka ka ahaa iyo arrimo aan dhaafsaneyn.
Sikasataba ha ahaatee, waxay dad badan oo Bulshada Reer Somaliland ah iyo dadweynaha Gobolada Gabiley, iyo Awdal oo Siyaasiga Ismaaciil Yare ku raad danbeeyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay is weydiinayaan,inaan Shacbigu dhayal ku dhageysanin nin ku sifaysan isabedbedlka
Maalmaha ee Shaley iyo Maanta, oo aan laga yaabin in aanu dhageysan hadaldiisii hore iyo kuwii danbe laakiin, ay la fududahay in Umada maalinba af loola yimaado.