
Faarax Macalin Dawaarre oo Weerar Afka ah ku Qaaday Beesha Dhulbahante iyo Halgankiii Daraawiisheed.
Faarax Macalin Dawaare oo ah ku xigeenka afhayeenka Barlamaanka ee Kenya ayaa maanta weerar Aflagaado ah ku qaadya beesha Dhulbahante iyo guud ahaan halgankii Barakaysnaa ee Daraawiisheed.
Faarax Macalin oo ka hadalayey xaflad maanta ka dhacday Hoolka Sir Ali Muslim Club ee magaalada Nairobi halkaas oo xaflad loogu qabanayey Mudanaha cusub ee loo doortay deegaanka Kamunkunji ee ay ka tirsan tahay xaafadan Islii Yuusuf Xassan Cabdi ayuu ina Dawaare kaga hadalay hadalo aad uu ugu daafiyey beesha Dhulbahahante wuxuuna yidhi”’ Al Shabaab waxay isku nooc yihiin Daraawiish”’ Waayo daraawiishtii dadkii ay ka tirsanaayeen markii laga adkaaday caruurahoodii waxay wada noqdeen Gaallo” Shabaab iyo daraawiisheedna waa isku mid,”’
Faarax Macalin Dawaare oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay isku mid yihiin shabaab iyo Daraawiish, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in dadkii Daraawiish raacay oo uu ula jeedo Dhulbahante ay caruurahoodii markeey jabeen gaaladu qaatay oo ay qaateen diinta Masiixiga.
Faarax Macalin goobta uu hadaladaas ka jeedinayey waxaa joogey wasiirka Difaaca Kenya Yusuuf Xaaji, Xildhibaano, SIyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan Ganacsada Kenya ee Soomaalida ah.
Dedaal ka Dhan ah Midnimada Soomaaliya.
Faarax Dawaare ayaa bilaabay olole balaadhan oo uu ku kala jarayo Soomaaliya asagoo bishii Decenber ee sanadkii 2009kii socdaal ku tegay magaalada Hargaysa iyo weliba Laascaanood si uu u muujiyo nabad beenaadka maamulka Hargaysa sheegto. Dhawaan ayaa wasiiro ka tirsan maamulka SNM oo sidey lacagtii laga soo dhacay Laascaanood oo ay weji uga raadsanayeen Soomaalida Abaraha ayuu ku soo dhaweeyey nayroobi, ayadoo goob joogayaal noo sheegeen inuu kaga hortagay Garoonka kana soo saaray qaybta VIP da, asagoo dejiyey Hotelka intercontinental, ee ka dhaca Bartamaha Nayrobi,
Maalmo ka dib ayuu la kulansiiyey Railla Odinga oo ah Ra’iisal wasaaraha aan awooda lahayn ee Kenya, isla markaana ah nin aad u neceb midnimada Soomaaliya.
Ina Daaware ayaa wuxuu ka dhaadhciyey in Gacan ku dhiigle Siilaanyo lagu casuumo Kenya, halka Odingana la geynayo Hargaysa, si waxooga lacag ah ay uu uga dhex helo halkaas.
Maalinimadii shalay ayuu diray Ilyaas Barre Shiil oo asaguna isla Ogaadeen ah, kaasoo lagu magacaabay Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Odinga, Gudida Nayroobi iyo odayaasha SSC ee ku dhaqan Kenya ayaan weli wax talaabo ah qaadin, ayagoo sameyn kara in ay beesha Ogaadeen uga dacwoodaan ficilada ka imaanaya Siyaasiyiintooda, si ay uga noqdaan cadaawadan ay u muujinayaan Dhulbahante ee ay ku taageerayaan cadowgooda.
Doorashadii u danbaysay ee uu galo nin ka soo jeeda Beesha Ogaadeen oo ahaa Yusuuf Xassan ayaa shacabka Dhulbahanante si aan kala hadh lahayn isku garab taagay, waxayna maanta abaalkoodii noqday in lagu quweeyo jabhada SNM ee dhulka SSC haysata.
Beesha Dhulbahante oo inta badan daacad u ah beelaha Daarood ayaa waxaa ka soo gaadha dhibaatooyin kala duduwan, waxaa jawaab deg deg ah hada laga doonaya in Waxgaradka, Ganacsatada iyo Gudida jaaliyaddu is abaabulaan, isla markaana ka Ergoodaan ficiladan Caadawada leh ee ay ku kacayaan Siyaasiyiinta Ogaadeen ee Kenya.
F.G: Dhawaan ayaan soo gudbin doonaa Vedio iyo cod ku saabsan deel qaafka Faarax Macalin hadii Eebe idmo.
Horufadhi News Online.




