Postby The_Emperior5 » Wed Oct 26, 2011 8:39 am
Urur siyaasadeedka SSC oo Lagaga dhawaaqay Hargeysa iyo maxaabiistii kalshaale oo la cafiyay
October 26th, 2011
Haragysa (Somaliland.Org):- Xoghayihii war faafinta iyo birmadka ee maleeshiyadii SSC ee ka soo horjeeday qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaana garabkii nabada qaatay Kayse Cabdi Yuusuf ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay SSC.
Mr Kayse waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad baloaadhan oo lagu qabtay hotelka Kaah ee magaalada Hargaysa, oo loo sameeyay sii daynta todoba maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Kalshaale kuwaasi oo uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo cafis u fidiyay.
Kayse Cabdi Yuusuf oo ah guddoomiyaha ururkan waxa uu sheegay in urur siyaasadeedkan cusub ee SSC uu meteli doono shacbiga gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari, waxaan uu tilmaamay in ururkani uu noqon doono mid ka shaqeeya horumarinta deegaanadaasi, oo uu xusay in ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca nolosha dadka.
Md Kayse waxa uu u soo jeediyay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka dibada ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle ee hore ugu bixin jiray dhaqaalaha hurinta colaada, in imika looga baahan yahay in ay ayidaan dimuqraadiyda Somaliland isla markaana ay taageeraan urur siyaasadeedkan uu ku dhawaaqay ee SSC.
Waxa kale oo uu sheegay in uu rejaynayo in urur siyaasadeedkani uu ka mid noqdo saddexda urur ee ku guulaysta doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland ee u gudbi doona heer xisbi.
Dhinaca kale Kayse waxa uu madaxwaynaha Somaliland uga mahad celiyay cafiskii uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadii nabad diidka ahayd ee SSC, waxaanu tilmaamay in arrintani qayb ka ahayd go’aamadii ka soo baxay shir nabadeedkii ka qabsoomay degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay xafladii loo sameeyay maxaabiistaasi la sii daayay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maxaabiistan la sii daayo, waxaanu xusay in ay talaabadani qayb ka tahay siyaasada xukuumada ee ku waajahan xal u helida tabashooyinka beelaha Dhulbahante.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub, waxaanu u rejeeyay in urur siyaasadeedkaasi uu noqdo mid meeqaam sare ku yeesha masraxa siyaasada Somaliland, waxaanu guddoomiyaha ururkan Kayse Cabdi Yuusuf u soo jeediyay in uu ka midho dhaliyo himilooyinka ururkan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaadu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isaga oo xusay in uu si niyad sami ah u soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso nabad geliyada iyo wada jirka ummada Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobolada bari ee dalk u soo jeediyay in ay ka qayb qaataan horumarka deegaanadooda.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xiirane iyo lataliyaha madaxwaynaha ee gobolada bari Md Fu’aad Aadan Cadde, waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen urur siyaasadeedkan cusub.
Xafladani loo sameeyay maxaabiistani la sii daayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe, iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maleeshiyadii SSC garabka nabada qaatay.
Waa markii ugu horaysay ee urur siyaasadeed ay madax ka yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle lagaga dhawaaqo caasimada Somaliland ee Hargaysa, iyada oo ay arrintani tusaale fiican u noqonayso fur-furnaanta siyaasada Somaliland iyo dimuqraadiyada iyo sinaanta shacabkeeda ee ka hana qaaday.