Ciidamada Qaranka Oo Bandoo Habeenkii Oo Dhan Soconaysa Ku Rogay Ceerigaabo, Beelaha Aanado Dhex Taalo Oo Dhufayska Isugu Jira iyo Dagaalo Dhiig Ku Daato Oo La Filan Karo.
Ceerigaabo (Ramaas) Nov 3,2011 – Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee CEerigaabo ayaa lagu soo rogay bandoo soconaysa habeenkii oo dhan, taas oo ka bilaabmaysa 6:00 makhribnimo ilaa 6:00 subaxnimo.
Ciidamadda qaranka ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Ceerigaabo ayaa saaka subaxdii hore Magaalada Soo galay iyagga oo wata gaadiidka ciidamadda oo qaarkood la sheegay inay ku rakibnaayeen cod-baahiyayaal, iyagga oo dadka u sheegay in caawa laga bilaabo Magaalada Bandoo lagu soo rogay, sidaa daraadeedna aan la socon Karin wixii ka bilaabma 6:00 mahribnimo.
Ciidamadda qaranka ee saaka gudaha u galay Magaalada Ceerigaabo oo watay gaadiid faro badan oo ay ku rakiban yihiin hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sugaya amaanka Magaaladda ka dib markii xalay koox hubaysani ay toogasho ku dileen taliyihii saldhiga booliska ee degmada Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag, marxuumkaas oo dhimashadiisu keentay in labada beelood ee midna taliyaha dishay midna taliyuhu ka dhashay ay isku hub urursadaan, taasi oo khalkhal dhinaca amaanka ah keentay.
Ciidamadda ayaa la sheegay inay u diyaar-garoobeen inay xoog ku muquuniyaan cid kasta oo amar diido ku kacdo inta la xalinayo dhibaatada ka dhalatay taliyaha saldhiga booliska Fiqi-fuliye oo loo dilay aano hore.
Dhinaca kale, labada beelood ee midna wax dishay midna laga dilay ayaa ilaa xalay dhufayska isugu jiray, waxaana la filan karaa in halkaasi dhibaato ka dhacdo.
Dilka taliyaha saldhiga booliska ee deegaanka Fiqi-fuliye ayaa sida wararka sheegayaan waxa loogu aaray taliyihii saldhiga booliska Daalo ee Magaalada Ceerigaabo oo badhtamihii bishii Ramadaan la dilay.
Ramaasnews Desk
Hargeisa